Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-በቀራህ   አንቀፅ:
وَإِذۡ قَالَ رَبُّكَ لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِنِّي جَاعِلٞ فِي ٱلۡأَرۡضِ خَلِيفَةٗۖ قَالُوٓاْ أَتَجۡعَلُ فِيهَا مَن يُفۡسِدُ فِيهَا وَيَسۡفِكُ ٱلدِّمَآءَ وَنَحۡنُ نُسَبِّحُ بِحَمۡدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَۖ قَالَ إِنِّيٓ أَعۡلَمُ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
30. (Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan yeeli dhulka facyo is xigsada oo maamula. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad yeelaysaa gudaheeda kuwo fasahaadsha oo dhiig daadsha, innagoo ku tasbiixsanna xamdigaaga oo ku hufna, oo ku xurmo weyneyna. (Alle) Wuxuu yidhi: Waxaan ogahay wax aydaan ogeyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَعَلَّمَ ءَادَمَ ٱلۡأَسۡمَآءَ كُلَّهَا ثُمَّ عَرَضَهُمۡ عَلَى ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ فَقَالَ أَنۢبِـُٔونِي بِأَسۡمَآءِ هَٰٓؤُلَآءِ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
31. Wuxuu (Alle) baray Aadam magacyada shey waliba, markaasuu u soo bandhigay malaa’igta oo yidhi: Ii sheega magacayda kuwani, haddaad run sheegaysaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ سُبۡحَٰنَكَ لَا عِلۡمَ لَنَآ إِلَّا مَا عَلَّمۡتَنَآۖ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ
32. Waxa yidhaahdeen: "Xurmo oo dhan Adigaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan. Ma lihin cilmi aan aheyn waxaad na bartay". Hubaal waa Adiga wax kasta Ogaha, Xakiimka ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ يَٰٓـَٔادَمُ أَنۢبِئۡهُم بِأَسۡمَآئِهِمۡۖ فَلَمَّآ أَنۢبَأَهُم بِأَسۡمَآئِهِمۡ قَالَ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ إِنِّيٓ أَعۡلَمُ غَيۡبَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَأَعۡلَمُ مَا تُبۡدُونَ وَمَا كُنتُمۡ تَكۡتُمُونَ
33. (Alle) wuxuu yidhi: Aadamow! U sheeg magacyadooda. Markuu u sheegay magacyadooda, Wuxuu (Alle) yidhi: Miyaanan idinku odhan waxaan Anigu Ogahay waxaan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, waxaana Ogahay waxaad muujisaan iyo waxaad qarisaan?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِذۡ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ أَبَىٰ وَٱسۡتَكۡبَرَ وَكَانَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
34. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, markaasay sujuudeen Ibliis mooyee, waa uu diiday oo isla weynaaday, oo ahaaday mid ka abaal dhaca Alle (oo ku caasiya Amarkiisa).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقُلۡنَا يَٰٓـَٔادَمُ ٱسۡكُنۡ أَنتَ وَزَوۡجُكَ ٱلۡجَنَّةَ وَكُلَا مِنۡهَا رَغَدًا حَيۡثُ شِئۡتُمَا وَلَا تَقۡرَبَا هَٰذِهِ ٱلشَّجَرَةَ فَتَكُونَا مِنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
35. Waxaanu nidhi: Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaga Jannada, oo ku cuna bashbash iyo barwaaqo meeshaad doontaanba, hase u dhowaannina geedkan, si aydaan ugu dhicin gef (denbi).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأَزَلَّهُمَا ٱلشَّيۡطَٰنُ عَنۡهَا فَأَخۡرَجَهُمَا مِمَّا كَانَا فِيهِۖ وَقُلۡنَا ٱهۡبِطُواْ بَعۡضُكُمۡ لِبَعۡضٍ عَدُوّٞۖ وَلَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُسۡتَقَرّٞ وَمَتَٰعٌ إِلَىٰ حِينٖ
36. Shaydaanka baase ka sidbiyey oo ka soo saaray (halkaa) ay ku jireen (Jannada); Waxaana nidhi: Ka dega (dhammaantiin halkan) iyagoo qaarkiinba qaar u yahay cadow. Waxaadna ku leedihiin arlada degaan iyo sahay muddo go'an leh.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَتَلَقَّىٰٓ ءَادَمُ مِن رَّبِّهِۦ كَلِمَٰتٖ فَتَابَ عَلَيۡهِۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ
37. Markaasuu Aadam ka helay Rabbigiis ereyo uu ku ilhaamiyey [9], wuuna ka tawbad aqbalay. hubaal (Alle) waa Tawbad Aqbalaha, Naxariista Badan.
[9]. Alle wuxuu baray Aadam kelmedo lagu tawbad dalbo uu ka aqbalay, waana kelmedaha ku soo arooray Suuradda Al- Acraaf Aayadda: 23.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-በቀራህ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት