Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-በቀራህ   አንቀፅ:
مَثَلُهُمۡ كَمَثَلِ ٱلَّذِي ٱسۡتَوۡقَدَ نَارٗا فَلَمَّآ أَضَآءَتۡ مَا حَوۡلَهُۥ ذَهَبَ ٱللَّهُ بِنُورِهِمۡ وَتَرَكَهُمۡ فِي ظُلُمَٰتٖ لَّا يُبۡصِرُونَ
17. Mataalkooda, wuxuu ka dhigan yahay sida mid shitay dab; markiise uu ifiyey waxa hareerihiisa ah oo dhan, wuxuu Alle ka qaaday nuurkoodii, ugana tegay gudcurro mugdi ah oo aanay waxba arkeyn
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
صُمُّۢ بُكۡمٌ عُمۡيٞ فَهُمۡ لَا يَرۡجِعُونَ
18.(Xaqa) waa ka dhego la’ yihiin, af la' yihiin, indho la' yihiin, umana soo laabtaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَوۡ كَصَيِّبٖ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فِيهِ ظُلُمَٰتٞ وَرَعۡدٞ وَبَرۡقٞ يَجۡعَلُونَ أَصَٰبِعَهُمۡ فِيٓ ءَاذَانِهِم مِّنَ ٱلصَّوَٰعِقِ حَذَرَ ٱلۡمَوۡتِۚ وَٱللَّهُ مُحِيطُۢ بِٱلۡكَٰفِرِينَ
19. Ama (waa) sida roob darar ah ka yimaada daruuraha oo wata gudcurro madow, onkod, iyo hillaac: waxay geliyaan farahooda xagga dhegahooda biriqyada dartood baqe ay ka qabaan mowtka. Allena waa ku hareersan yahay gaalada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
يَكَادُ ٱلۡبَرۡقُ يَخۡطَفُ أَبۡصَٰرَهُمۡۖ كُلَّمَآ أَضَآءَ لَهُم مَّشَوۡاْ فِيهِ وَإِذَآ أَظۡلَمَ عَلَيۡهِمۡ قَامُواْۚ وَلَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ لَذَهَبَ بِسَمۡعِهِمۡ وَأَبۡصَٰرِهِمۡۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
20. Hillaacu wuxuu sigaa inuu dafo arragooda, mar kastoo u ifiyo (jidka) way ku socdaan, markase mugdi ku yimaado dushooda way joogsadaan. Hadduu Alle doono, wuxuu la tegi lahaa maqalkooda iyo araggooda. Hubaal Alle wax walba Wuu Karaa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱعۡبُدُواْ رَبَّكُمُ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ وَٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ
21. Dadow! Caabuda Rabbigiin, ee idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horreeyay, si aad u dhowrtaan (amarrada Alle oo Isaga jirtaan shirkiga iyo xumaha kale).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ فِرَٰشٗا وَٱلسَّمَآءَ بِنَآءٗ وَأَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَخۡرَجَ بِهِۦ مِنَ ٱلثَّمَرَٰتِ رِزۡقٗا لَّكُمۡۖ فَلَا تَجۡعَلُواْ لِلَّهِ أَندَادٗا وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
22. Allahaasoo idiinka yeelay dhulka gogol (fidsan), cirkana saqaf, idiinkana soo dejiyey daruuraha biyo (roob), kuna soo bixiyey midhaha risiqa idiin ah. Ee ha u yeelina Alle shariikyo aad la mid dhigtaan idinkoo ogsoon (inaysan jirin cid la mid ah).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِن كُنتُمۡ فِي رَيۡبٖ مِّمَّا نَزَّلۡنَا عَلَىٰ عَبۡدِنَا فَأۡتُواْ بِسُورَةٖ مِّن مِّثۡلِهِۦ وَٱدۡعُواْ شُهَدَآءَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
23. Haddaad ka shakisan tihiinna waxaan ku soo dejinnay addoonkayaga ( Nabi Muxammad) oo Waxyi ah, keena Suurad la mid ah (Qur’aanka), una yeedha markhaatiyadiinna (kaalmeeyayaashiinna) Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَإِن لَّمۡ تَفۡعَلُواْ وَلَن تَفۡعَلُواْ فَٱتَّقُواْ ٱلنَّارَ ٱلَّتِي وَقُودُهَا ٱلنَّاسُ وَٱلۡحِجَارَةُۖ أُعِدَّتۡ لِلۡكَٰفِرِينَ
24. Haddaydaan falin, mana faleysaane, iska jira Naarta shidaalkeedu yahay dad iyo dhagax (sanamadii ay caabudayeen), ee loo diyaarshay gaalada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-በቀራህ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት