Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-በቀራህ   አንቀፅ:
أَوَلَا يَعۡلَمُونَ أَنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَ
77. Miyeyna ogayn in Alle og yahay waxay qarin iyo waxay muujin?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمِنۡهُمۡ أُمِّيُّونَ لَا يَعۡلَمُونَ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّآ أَمَانِيَّ وَإِنۡ هُمۡ إِلَّا يَظُنُّونَ
78. Waxaa ka mid ah (ehlu Kitaabka) caamo aan aqoon Kitaabka, hase yeeshee isku maaweeliya hididdiilooyin been ah, ee se iska maleeya uun (inuusan Nabi Muxammad ku qorneyn Kutubtooda).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَوَيۡلٞ لِّلَّذِينَ يَكۡتُبُونَ ٱلۡكِتَٰبَ بِأَيۡدِيهِمۡ ثُمَّ يَقُولُونَ هَٰذَا مِنۡ عِندِ ٱللَّهِ لِيَشۡتَرُواْ بِهِۦ ثَمَنٗا قَلِيلٗاۖ فَوَيۡلٞ لَّهُم مِّمَّا كَتَبَتۡ أَيۡدِيهِمۡ وَوَيۡلٞ لَّهُم مِّمَّا يَكۡسِبُونَ
79. Hoog waxaa leh kuwa ku qora Kitaabka gacmahooda, markaas yidhaahda: Kani wuxuu ka yimid xagga Alle, si ay u siistaan qiimo yar. Hoog bay leeyihiin waxay gacmahooda qoreen darteed, hoog bayna leeyihiin waxay kasbadaan darteed (oo denbiyo ah).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَالُواْ لَن تَمَسَّنَا ٱلنَّارُ إِلَّآ أَيَّامٗا مَّعۡدُودَةٗۚ قُلۡ أَتَّخَذۡتُمۡ عِندَ ٱللَّهِ عَهۡدٗا فَلَن يُخۡلِفَ ٱللَّهُ عَهۡدَهُۥٓۖ أَمۡ تَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
80. Waxay (Yuhuuddu) yidhaahdeen: Naari nama taabaneyso waxaan aheyn ayaamo tirsan. Dheh: Ma waxaad ka heysataan ballan xagga Alle, marka Alle ma ka baxo ballankiisa? Mise waxaad ka sheegeysaan Alle wax aydaan ogeyn?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
بَلَىٰۚ مَن كَسَبَ سَيِّئَةٗ وَأَحَٰطَتۡ بِهِۦ خَطِيٓـَٔتُهُۥ فَأُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
81. Haayoo, Qofkii kasbadaa xume (ku dhaca shirki) ee uu gefkiisu hareereeyo, kuwaasu waa ehlu Naar, way ku dhex waari weligood.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أُوْلَٰٓئِكَ أَصۡحَٰبُ ٱلۡجَنَّةِۖ هُمۡ فِيهَا خَٰلِدُونَ
82. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala [17], kuwaasu waa ehlu Jannada, way ku dhex waari weligood.
[17]. Cabdullaah bin Mascuud a.k.r. Waxaa laga soo weriyey inuu yidhi: Rasuul Allow camal kee baa u fiican? Wuxuu yidhi: Salaadda oo waqtigeeda la tukado, wuxuu weydiiyey: Maxaa xiga? Wuxuu yidhi: Labada waalid oo la wanaajiyo oo baarri loo ahaado. Wuxuu weydiiyey: Haddana maxaa xiga? Wuxuu yidhi: In loo jihaado Alle darti. (W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِيثَٰقَ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ لَا تَعۡبُدُونَ إِلَّا ٱللَّهَ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَانٗا وَذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَقُولُواْ لِلنَّاسِ حُسۡنٗا وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَ ثُمَّ تَوَلَّيۡتُمۡ إِلَّا قَلِيلٗا مِّنكُمۡ وَأَنتُم مُّعۡرِضُونَ
83. (Xus) markaan la galnay Ilmahii Isaraa’iil ballan (leh): Ha caabudina waxaan ahayn Allaah, waalidkana u sama fala, qaraabada, agoomaha iyo masaakiinta, oo kula hadla dadka hadallo san, oogana salaadda, oo bixiya Zakada, markaasaad jeesateen in yar oo idinka mid ah maahee (imminkana sidoo kale) dhinac baad u jeesataan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-በቀራህ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት