Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-በቀራህ   አንቀፅ:
قُلۡ إِن كَانَتۡ لَكُمُ ٱلدَّارُ ٱلۡأٓخِرَةُ عِندَ ٱللَّهِ خَالِصَةٗ مِّن دُونِ ٱلنَّاسِ فَتَمَنَّوُاْ ٱلۡمَوۡتَ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
94. Dheh: Hadday daarta Aakhiro Alle agti ah ay tahay mid idiin gaar ah oo ayan wax ku laheyn cid kale oo dadka ka mid ah, janta dhimasho haddaad run sheegaysaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَن يَتَمَنَّوۡهُ أَبَدَۢا بِمَا قَدَّمَتۡ أَيۡدِيهِمۡۚ وَٱللَّهُ عَلِيمُۢ بِٱلظَّٰلِمِينَ
95. Mase jamanayaan waligood, waxay geysteen gacmahoodu awgii (oo denbiyo ah). Alle wuu og yahay daalimiinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَتَجِدَنَّهُمۡ أَحۡرَصَ ٱلنَّاسِ عَلَىٰ حَيَوٰةٖ وَمِنَ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْۚ يَوَدُّ أَحَدُهُمۡ لَوۡ يُعَمَّرُ أَلۡفَ سَنَةٖ وَمَا هُوَ بِمُزَحۡزِحِهِۦ مِنَ ٱلۡعَذَابِ أَن يُعَمَّرَۗ وَٱللَّهُ بَصِيرُۢ بِمَا يَعۡمَلُونَ
96. Waxaad heli inay yihiin (Yuhuudda) kuwa dadka ugu dadaal badan noolaansho, (waxay ka sii dadaal badan yihiin) weliba kuwa ah mushrikiinta. Midkood walbaa oo ka mid ah wuxuu jecel yahay in la siiyo cimri dherer gaara kun sano. Cimri dhererna kama fogeeyo in yarna ha ahaatee cadaabka uu mudan yahay. Alle wuu arkaa waxay falayaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُلۡ مَن كَانَ عَدُوّٗا لِّـجِبۡرِيلَ فَإِنَّهُۥ نَزَّلَهُۥ عَلَىٰ قَلۡبِكَ بِإِذۡنِ ٱللَّهِ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَهُدٗى وَبُشۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ
97. Dheh: Qofkii u ah cadow Jabriil – hubaal wuxuu ugu soo dejiyey (Qur’aanka) qalbigaaga Idanka Alle, isagoo rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah), waana u hanuun iyo bishaaro mu’miniinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَن كَانَ عَدُوّٗا لِّلَّهِ وَمَلَٰٓئِكَتِهِۦ وَرُسُلِهِۦ وَجِبۡرِيلَ وَمِيكَىٰلَ فَإِنَّ ٱللَّهَ عَدُوّٞ لِّلۡكَٰفِرِينَ
98. Qofkii cadow u ah Allaah, Malaa’igtiisa Rusushiisa, Jabriil iyo Miikaal, hubaal Alle waa u cadow gaalada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ءَايَٰتِۭ بَيِّنَٰتٖۖ وَمَا يَكۡفُرُ بِهَآ إِلَّا ٱلۡفَٰسِقُونَ
99. Waxaanu dhab ahaan kugu soo dejinnay (Nabi Muxammadow) Aayado cad, mana beeniyaan waxaan aheyn caasiyaasha (madaxa adag).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَوَكُلَّمَا عَٰهَدُواْ عَهۡدٗا نَّبَذَهُۥ فَرِيقٞ مِّنۡهُمۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
100. Mar kasta oo ay ballan galaan (ah inay rumeeyaan Nabigii la soo diro oo ayan hiil siin mushrikiinta), waxaa ka baxa koox ka mid ah? Mayee, badankoodu (Yuhuuddu) maba ay rumeysna (diinta ay sheegan).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَمَّا جَآءَهُمۡ رَسُولٞ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ مُصَدِّقٞ لِّمَا مَعَهُمۡ نَبَذَ فَرِيقٞ مِّنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ كِتَٰبَ ٱللَّهِ وَرَآءَ ظُهُورِهِمۡ كَأَنَّهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
101. Markuu halkaa ugu yimid Rasuul ka yimid xagga Alle (Nabi Muxammad) oo rumeyn waxay haystaan (ee ah Towraadda), ayaa koox ka mid ahi kuwii la siiyey Kitaabka (Yuhuudda) ka tuureen Kitaabka Alle (Towraadda) dhabarradooda gadaashood, sidii oo ayna garaneyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-በቀራህ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት