Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-በቀራህ   አንቀፅ:
وَلَن تَرۡضَىٰ عَنكَ ٱلۡيَهُودُ وَلَا ٱلنَّصَٰرَىٰ حَتَّىٰ تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمۡۗ قُلۡ إِنَّ هُدَى ٱللَّهِ هُوَ ٱلۡهُدَىٰۗ وَلَئِنِ ٱتَّبَعۡتَ أَهۡوَآءَهُم بَعۡدَ ٱلَّذِي جَآءَكَ مِنَ ٱلۡعِلۡمِ مَا لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٍ
120. Kaama raalli noqonayaanna Yuhuuddda iyo Nasaaradu (Kirishtaanku) jeer aad raacdo diintooda (iyo dhaqankooda). Dheh: Hanuunka Alle (Islaamka), kaasaa ah hanuunka (Xaqa ah). Haddaad raacdona hawadooda kaddib cilmiga kuu yimid, ka heli meysid xagga Alle sokeeye iyo gargaare midna.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يَتۡلُونَهُۥ حَقَّ تِلَاوَتِهِۦٓ أُوْلَٰٓئِكَ يُؤۡمِنُونَ بِهِۦۗ وَمَن يَكۡفُرۡ بِهِۦ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ
121. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Qur’aanka) baa u akhriya siday tahay in loo akhriyo [25], kuwaa baana rumeysan. Qofkiise rumeyn diida (Qur’aanka) kuwaa weeye kuwa khasaari.
[25]. Kuwa u akhriya Qur’aanka si xaq ah waa kuwa ku dhaqma waxa uu Qur’aanku amro, oo ka jooga waxa uu ka reebay oo u akhriya sida uu Alle u soo dejiyey.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
يَٰبَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتِيَ ٱلَّتِيٓ أَنۡعَمۡتُ عَلَيۡكُمۡ وَأَنِّي فَضَّلۡتُكُمۡ عَلَى ٱلۡعَٰلَمِينَ
122. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddeyda aan idiinku nicmeeyey iyo inaan idinka kor marshay ummadahii (jiray waqtigiinnii).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱتَّقُواْ يَوۡمٗا لَّا تَجۡزِي نَفۡسٌ عَن نَّفۡسٖ شَيۡـٔٗا وَلَا يُقۡبَلُ مِنۡهَا عَدۡلٞ وَلَا تَنفَعُهَا شَفَٰعَةٞ وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ
123. Iska jirana Maalin aanay nafi abaal u galeyn naf kale, madax furashona laga aqbalayn, shafeecona aanay wax u tareyn loona gargaareyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ وَإِذِ ٱبۡتَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِـۧمَ رَبُّهُۥ بِكَلِمَٰتٖ فَأَتَمَّهُنَّۖ قَالَ إِنِّي جَاعِلُكَ لِلنَّاسِ إِمَامٗاۖ قَالَ وَمِن ذُرِّيَّتِيۖ قَالَ لَا يَنَالُ عَهۡدِي ٱلظَّٰلِمِينَ
124. (Xus) markuu Rabbigi ku imtixaanay Ibraahiim ereyo cayiman, markaasuu wada oofiyey. Wuxuu yidhi: Waxaan kaaga dhigi Iimaam (hoggaamiye) dadka. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Iyo qaar ka mid ubadkeyga. (Alle) wuxuu yidhi: Axdigeyga kuma jiraan daalimiinta (gar ma qaatayaasha).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِذۡ جَعَلۡنَا ٱلۡبَيۡتَ مَثَابَةٗ لِّلنَّاسِ وَأَمۡنٗا وَٱتَّخِذُواْ مِن مَّقَامِ إِبۡرَٰهِـۧمَ مُصَلّٗىۖ وَعَهِدۡنَآ إِلَىٰٓ إِبۡرَٰهِـۧمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ أَن طَهِّرَا بَيۡتِيَ لِلطَّآئِفِينَ وَٱلۡعَٰكِفِينَ وَٱلرُّكَّعِ ٱلسُّجُودِ
125. (Xus) markaan ka dhignay Beytka (Kacbada) rug ay dadku ugu soo qasdaan (Xaj iyo Cumro) iyo meel aamin ah. Kana yeesha meel lagu tukado maqaamkii Ibraahiim. Waxaanu u xil saarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil Annagoo leh: U daahiriya Beytkayga kuwa soo siyaarta, iyo kuwa ku ictikaafa, iyo kuwa rukuuca (oo) sujuuda.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِـۧمُ رَبِّ ٱجۡعَلۡ هَٰذَا بَلَدًا ءَامِنٗا وَٱرۡزُقۡ أَهۡلَهُۥ مِنَ ٱلثَّمَرَٰتِ مَنۡ ءَامَنَ مِنۡهُم بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۚ قَالَ وَمَن كَفَرَ فَأُمَتِّعُهُۥ قَلِيلٗا ثُمَّ أَضۡطَرُّهُۥٓ إِلَىٰ عَذَابِ ٱلنَّارِۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
126. (Xus) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow, ka dhig beledkani (Makkah) magaalo nabad ah, kuna galladeyso dadkeeda midho, kuwooda rumeysan Alle iyo Maalinta Aakhiro. (Alle) wuxuu yidhi: Qofkiise gaalooba, waxaan u raaxeyn in yar, markaas kaddib waxaan ku dirqin cadaab Naar ah, oo ugu xun meel la ahaado.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-በቀራህ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት