Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: സ്സ്വാഫ്ഫാത്ത്   ആയത്ത്:
مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ
154. Maxaa si idin ka ah, sidee baad wax u xukumeysaan?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
155. Ee miyeydaan xusuusanayn (inuusan Alle lahayn xaas, wiil, gabdho, kuna habbooneyn inuu yeesho ilmo)?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَمۡ لَكُمۡ سُلۡطَٰنٞ مُّبِينٞ
156.Mise ma waxaad heysataan Xujo Cad?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَأۡتُواْ بِكِتَٰبِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
157. Ee keena Kitaabkiinna (caddayn) haddaad run sheegaysaan?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَجَعَلُواْ بَيۡنَهُۥ وَبَيۡنَ ٱلۡجِنَّةِ نَسَبٗاۚ وَلَقَدۡ عَلِمَتِ ٱلۡجِنَّةُ إِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ
158. Waxayse yeelaan (qaraabo) nasab Isaga (Alle) iyo malaa’igta dhexdooda, oo dhab ahaan waxay malaa’igtu og yihiin in (kuwa sidaa yidhaahda) la keeni 'cadaabka Naarta' [18].
[18]. Jin waa khalqi aan Aadmigu arag oo ka qarsoon waana jinka iyo malaa’igta.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ
159. Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka hufan yahay waxay ku sheegayaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
160. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَإِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ
161. Xaqiiq, idinka iyo waxaad caabudaysaanba (gaaloy).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
مَآ أَنتُمۡ عَلَيۡهِ بِفَٰتِنِينَ
162. Cidna kuma fidnayn kartaan [19].
[19].Si uu u qaato gaalnimo iyo camallo xun.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِلَّا مَنۡ هُوَ صَالِ ٱلۡجَحِيمِ
163. Mid maahee Naarta geli oo ku guban.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَمَا مِنَّآ إِلَّا لَهُۥ مَقَامٞ مَّعۡلُومٞ
164. Ma jiro mid naga mid ah (malaa’igta) aan lahayn meel lagu og yahay [20].
[20]. Cibaado ahaan, ama ma jiro mid aan lahayn howl la yaqaan uu qabto.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلصَّآفُّونَ
165. Waana innaga (malaa’igta ah) xaqiiq kuwa u safta safafka siman.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡمُسَبِّحُونَ
166. Waana innaga (malaa'igta ah) xaqiiq kuwa xurmo weyneeya oo hufa 'Alle' [21].
[21]. Iyagoo beeninaya waxay gaalada ka sheegaan Alle inuu leeyahay wiil ama gabdho ama shariigyo.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِن كَانُواْ لَيَقُولُونَ
167. Waxayna (gaaladu) odhan jireen:
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
لَوۡ أَنَّ عِندَنَا ذِكۡرٗا مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ
168. Hadduu yahay agtannada xuskii (warkii) kuwii hore 'Kitaab' [22] .
[22]. Ka hor soo waxyoodka Qur’aanka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
لَكُنَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
169. Waxaan ahaan laheyn addoomaha Alle ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَكَفَرُواْ بِهِۦۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
170. Wayse ku gaaloobaan 'haatan' [23], marka way ogaan doonaan.
[23]. Dhambaalka iyaga loo soo diray, Qur’aanka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلَقَدۡ سَبَقَتۡ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا ٱلۡمُرۡسَلِينَ
171. Waxaa dhab ahaan ugu hormaray Kelmaddayada (Yaboohayaga) addoomahayaga Rususha ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّهُمۡ لَهُمُ ٱلۡمَنصُورُونَ
172. Inay yihiin kuwa xaqiiq loo gargaari.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ
173. Iyo in ciidammadayadu ay yihiin xaqiiq kuwa adkaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ
174. Ee isaga jeeso ilaa muddo,
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَأَبۡصِرۡهُمۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ
175. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ
176. Ma Cadaabkanaga bay (gaaladu) degdegsanayaan?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمۡ فَسَآءَ صَبَاحُ ٱلۡمُنذَرِينَ
177. Markase uu ku soo dego ardaagooda, waxaa xumaan subaxa kuwa loo digay.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ
178. Ee isaga jeeso iyaga ilaa muddo.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَأَبۡصِرۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ
179. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
سُبۡحَٰنَ رَبِّكَ رَبِّ ٱلۡعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ
180. Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan Rabbigaa (Allaah), Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxay (gaaladu) ku tilmaamaan (sida inuu leeyahay wiil, gabdho, xaas, iwm).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَسَلَٰمٌ عَلَى ٱلۡمُرۡسَلِينَ
181. Nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Alle).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
182. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: സ്സ്വാഫ്ഫാത്ത്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക