Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: സ്സ്വാഫ്ഫാത്ത്   ആയത്ത്:

As-saafaat

وَٱلصَّٰٓفَّٰتِ صَفّٗا
1. Waxaan Anigu (Alle ah) ku dhaartay 'malaa’igta' safta safafka siman.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَٱلزَّٰجِرَٰتِ زَجۡرٗا
2. Iyo (malaa’igta) soo kaxeeya (daruuraha) soo kaxeyn.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَٱلتَّٰلِيَٰتِ ذِكۡرًا
3. Iyo (malaa’igta) akhriya "Qur’aanka' [1].
[1]. Alle s.w.t. wuxuu ku dhaartay malaa’igtaa, wuxuuna ku dhaartay xaqiiqda lagu xusay Aayadda xigta.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّ إِلَٰهَكُمۡ لَوَٰحِدٞ
4.Hubaal, Ilaahiinnu (Runta ahi) waa Mid keliya (Allaah).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَرَبُّ ٱلۡمَشَٰرِقِ
5. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada [2].
[2]. Xagal kasta ama meelaha ay ka soo baxdo qorraxda.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِزِينَةٍ ٱلۡكَوَاكِبِ
6. Waxaanu xaqiiq ku qurxinnay samada soke qurux xiddigaha ah [3].
[3]. Xiddigaha waxaa loo abuuray seddex waxyaalood: in lagu gano shayaadiinta, in lagu tilmaan qaato oo lagu garto jihooyinka iyo qurux ahaan samada soke.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَحِفۡظٗا مِّن كُلِّ شَيۡطَٰنٖ مَّارِدٖ
7. Iyo ka ilaalin shaydaan walboo fallaago ah ee Naxariis (Alle) laga fogeeyey.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلۡمَلَإِ ٱلۡأَعۡلَىٰ وَيُقۡذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٖ
8. Ma dhegaysan karaan (shayaadiinta) kulanka sare (ee malaa’igta samada) waxaana laga soo ganaa dhan kasta.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
دُحُورٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ وَاصِبٌ
9. Iyagoo (Shayaadiintaa) la soo eryey, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِلَّا مَنۡ خَطِفَ ٱلۡخَطۡفَةَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٞ ثَاقِبٞ
10. Marka laga reebo mid mid dafa (hadal uu ka maqlay samada), markaasaa waxaa laga daba geeyaa danab dab ololoya ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَهُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَم مَّنۡ خَلَقۡنَآۚ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّن طِينٖ لَّازِبِۭ
11. Ee weydii (gaalada) ma iyagaa abuur adag mise waxaa (kale sida malaa’igta, samooyinka, iyo arlada) ee aan abuurnay?. Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo dhagta.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
بَلۡ عَجِبۡتَ وَيَسۡخَرُونَ
12. Waxaadse la yaabtaa (beenintooda Xaqa), iyaguna way iska jees-jeesi.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِذَا ذُكِّرُواْ لَا يَذۡكُرُونَ
13. Marka la waaniyona ma waantoobaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِذَا رَأَوۡاْ ءَايَةٗ يَسۡتَسۡخِرُونَ
14. Markay arkaanna Calaamo (mucjizo) way ku jees-jeesaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَقَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٌ
15. Waxayna yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxaan ahayn sixir cad.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ
16. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo bixin?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ
17. Iyo aabbayaashayadii hore (iyagana ma la so bixin dhimasho kaddib)?.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُلۡ نَعَمۡ وَأَنتُمۡ دَٰخِرُونَ
18. Dheh: Haah, idinkoo waliba dulleysan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٞ وَٰحِدَةٞ فَإِذَا هُمۡ يَنظُرُونَ
19. Waa uun afuuf mar keliya ah (buunka), markaasay (ka soo bixi qubuuraha) iyagoo wax eegi.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَقَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا هَٰذَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ
20. Waxayna odhan: Hoog baa noo sug-naadaye! Kanu waa Maalinka Jaazeynta.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
هَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
21. Kani waa Maalinka kala baxa ee aad beenin jirteen.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
۞ ٱحۡشُرُواْ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ وَأَزۡوَٰجَهُمۡ وَمَا كَانُواْ يَعۡبُدُونَ
22. (Malaa'igay), soo kulmiya kuwii dulmi falka ahaa iyo eynigoodii [4] iyo waxay caabudi jireen.
[4]. Tafsiir kale waa xaasaskooda ama kuwa aan xaqa raacin ee la midka ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
مِن دُونِ ٱللَّهِ فَٱهۡدُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡجَحِيمِ
23. Alle sokadi, oo u taxaaba Naarta ololka badan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَقِفُوهُمۡۖ إِنَّهُم مَّسۡـُٔولُونَ
24. Joojiya, wax baa la weydiine (oo lagu qiri).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: സ്സ്വാഫ്ഫാത്ത്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക