Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አስ ሷፋት   አንቀፅ:

As-saafaat

وَٱلصَّٰٓفَّٰتِ صَفّٗا
1. Waxaan Anigu (Alle ah) ku dhaartay 'malaa’igta' safta safafka siman.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَٱلزَّٰجِرَٰتِ زَجۡرٗا
2. Iyo (malaa’igta) soo kaxeeya (daruuraha) soo kaxeyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَٱلتَّٰلِيَٰتِ ذِكۡرًا
3. Iyo (malaa’igta) akhriya "Qur’aanka' [1].
[1]. Alle s.w.t. wuxuu ku dhaartay malaa’igtaa, wuxuuna ku dhaartay xaqiiqda lagu xusay Aayadda xigta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ إِلَٰهَكُمۡ لَوَٰحِدٞ
4.Hubaal, Ilaahiinnu (Runta ahi) waa Mid keliya (Allaah).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَرَبُّ ٱلۡمَشَٰرِقِ
5. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada [2].
[2]. Xagal kasta ama meelaha ay ka soo baxdo qorraxda.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِزِينَةٍ ٱلۡكَوَاكِبِ
6. Waxaanu xaqiiq ku qurxinnay samada soke qurux xiddigaha ah [3].
[3]. Xiddigaha waxaa loo abuuray seddex waxyaalood: in lagu gano shayaadiinta, in lagu tilmaan qaato oo lagu garto jihooyinka iyo qurux ahaan samada soke.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَحِفۡظٗا مِّن كُلِّ شَيۡطَٰنٖ مَّارِدٖ
7. Iyo ka ilaalin shaydaan walboo fallaago ah ee Naxariis (Alle) laga fogeeyey.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلۡمَلَإِ ٱلۡأَعۡلَىٰ وَيُقۡذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٖ
8. Ma dhegaysan karaan (shayaadiinta) kulanka sare (ee malaa’igta samada) waxaana laga soo ganaa dhan kasta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
دُحُورٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ وَاصِبٌ
9. Iyagoo (Shayaadiintaa) la soo eryey, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِلَّا مَنۡ خَطِفَ ٱلۡخَطۡفَةَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٞ ثَاقِبٞ
10. Marka laga reebo mid mid dafa (hadal uu ka maqlay samada), markaasaa waxaa laga daba geeyaa danab dab ololoya ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَهُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَم مَّنۡ خَلَقۡنَآۚ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّن طِينٖ لَّازِبِۭ
11. Ee weydii (gaalada) ma iyagaa abuur adag mise waxaa (kale sida malaa’igta, samooyinka, iyo arlada) ee aan abuurnay?. Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo dhagta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
بَلۡ عَجِبۡتَ وَيَسۡخَرُونَ
12. Waxaadse la yaabtaa (beenintooda Xaqa), iyaguna way iska jees-jeesi.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِذَا ذُكِّرُواْ لَا يَذۡكُرُونَ
13. Marka la waaniyona ma waantoobaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِذَا رَأَوۡاْ ءَايَةٗ يَسۡتَسۡخِرُونَ
14. Markay arkaanna Calaamo (mucjizo) way ku jees-jeesaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٌ
15. Waxayna yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxaan ahayn sixir cad.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ
16. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo bixin?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ
17. Iyo aabbayaashayadii hore (iyagana ma la so bixin dhimasho kaddib)?.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُلۡ نَعَمۡ وَأَنتُمۡ دَٰخِرُونَ
18. Dheh: Haah, idinkoo waliba dulleysan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٞ وَٰحِدَةٞ فَإِذَا هُمۡ يَنظُرُونَ
19. Waa uun afuuf mar keliya ah (buunka), markaasay (ka soo bixi qubuuraha) iyagoo wax eegi.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا هَٰذَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ
20. Waxayna odhan: Hoog baa noo sug-naadaye! Kanu waa Maalinka Jaazeynta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
هَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ
21. Kani waa Maalinka kala baxa ee aad beenin jirteen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ ٱحۡشُرُواْ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ وَأَزۡوَٰجَهُمۡ وَمَا كَانُواْ يَعۡبُدُونَ
22. (Malaa'igay), soo kulmiya kuwii dulmi falka ahaa iyo eynigoodii [4] iyo waxay caabudi jireen.
[4]. Tafsiir kale waa xaasaskooda ama kuwa aan xaqa raacin ee la midka ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مِن دُونِ ٱللَّهِ فَٱهۡدُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡجَحِيمِ
23. Alle sokadi, oo u taxaaba Naarta ololka badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقِفُوهُمۡۖ إِنَّهُم مَّسۡـُٔولُونَ
24. Joojiya, wax baa la weydiine (oo lagu qiri).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አስ ሷፋት
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት