Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አስ ሷፋት   አንቀፅ:
مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ
154. Maxaa si idin ka ah, sidee baad wax u xukumeysaan?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَفَلَا تَذَكَّرُونَ
155. Ee miyeydaan xusuusanayn (inuusan Alle lahayn xaas, wiil, gabdho, kuna habbooneyn inuu yeesho ilmo)?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَمۡ لَكُمۡ سُلۡطَٰنٞ مُّبِينٞ
156.Mise ma waxaad heysataan Xujo Cad?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأۡتُواْ بِكِتَٰبِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
157. Ee keena Kitaabkiinna (caddayn) haddaad run sheegaysaan?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَجَعَلُواْ بَيۡنَهُۥ وَبَيۡنَ ٱلۡجِنَّةِ نَسَبٗاۚ وَلَقَدۡ عَلِمَتِ ٱلۡجِنَّةُ إِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ
158. Waxayse yeelaan (qaraabo) nasab Isaga (Alle) iyo malaa’igta dhexdooda, oo dhab ahaan waxay malaa’igtu og yihiin in (kuwa sidaa yidhaahda) la keeni 'cadaabka Naarta' [18].
[18]. Jin waa khalqi aan Aadmigu arag oo ka qarsoon waana jinka iyo malaa’igta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ
159. Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka hufan yahay waxay ku sheegayaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
160. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَإِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ
161. Xaqiiq, idinka iyo waxaad caabudaysaanba (gaaloy).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَآ أَنتُمۡ عَلَيۡهِ بِفَٰتِنِينَ
162. Cidna kuma fidnayn kartaan [19].
[19].Si uu u qaato gaalnimo iyo camallo xun.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِلَّا مَنۡ هُوَ صَالِ ٱلۡجَحِيمِ
163. Mid maahee Naarta geli oo ku guban.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَا مِنَّآ إِلَّا لَهُۥ مَقَامٞ مَّعۡلُومٞ
164. Ma jiro mid naga mid ah (malaa’igta) aan lahayn meel lagu og yahay [20].
[20]. Cibaado ahaan, ama ma jiro mid aan lahayn howl la yaqaan uu qabto.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلصَّآفُّونَ
165. Waana innaga (malaa’igta ah) xaqiiq kuwa u safta safafka siman.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡمُسَبِّحُونَ
166. Waana innaga (malaa'igta ah) xaqiiq kuwa xurmo weyneeya oo hufa 'Alle' [21].
[21]. Iyagoo beeninaya waxay gaalada ka sheegaan Alle inuu leeyahay wiil ama gabdho ama shariigyo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِن كَانُواْ لَيَقُولُونَ
167. Waxayna (gaaladu) odhan jireen:
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَوۡ أَنَّ عِندَنَا ذِكۡرٗا مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ
168. Hadduu yahay agtannada xuskii (warkii) kuwii hore 'Kitaab' [22] .
[22]. Ka hor soo waxyoodka Qur’aanka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَكُنَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
169. Waxaan ahaan laheyn addoomaha Alle ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَكَفَرُواْ بِهِۦۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
170. Wayse ku gaaloobaan 'haatan' [23], marka way ogaan doonaan.
[23]. Dhambaalka iyaga loo soo diray, Qur’aanka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ سَبَقَتۡ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا ٱلۡمُرۡسَلِينَ
171. Waxaa dhab ahaan ugu hormaray Kelmaddayada (Yaboohayaga) addoomahayaga Rususha ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّهُمۡ لَهُمُ ٱلۡمَنصُورُونَ
172. Inay yihiin kuwa xaqiiq loo gargaari.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ
173. Iyo in ciidammadayadu ay yihiin xaqiiq kuwa adkaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ
174. Ee isaga jeeso ilaa muddo,
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَأَبۡصِرۡهُمۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ
175. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ
176. Ma Cadaabkanaga bay (gaaladu) degdegsanayaan?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمۡ فَسَآءَ صَبَاحُ ٱلۡمُنذَرِينَ
177. Markase uu ku soo dego ardaagooda, waxaa xumaan subaxa kuwa loo digay.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ
178. Ee isaga jeeso iyaga ilaa muddo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَأَبۡصِرۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ
179. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
سُبۡحَٰنَ رَبِّكَ رَبِّ ٱلۡعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ
180. Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan Rabbigaa (Allaah), Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxay (gaaladu) ku tilmaamaan (sida inuu leeyahay wiil, gabdho, xaas, iwm).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَسَلَٰمٌ عَلَى ٱلۡمُرۡسَلِينَ
181. Nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Alle).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
182. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አስ ሷፋት
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት