Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አስ ሷፋት   አንቀጽ:
فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ
127. Wayse beeniyeen, waxaana xaqiiq loo soo kulmin (Cadaab),
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
128. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
129. Waxaana ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِلۡ يَاسِينَ
130. Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ilyaasiin [14].
[14]. Ilyaasiin waa wadarta Ilyaas, waxaana loola jeedaa Ilyaas iyo kuwii raacay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
131. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
132. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ لُوطٗا لَّمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
133. Oo xaqiiq Luud wuxuu ka mid ahaa Rususha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ نَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ
134. (Xus) markaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِلَّا عَجُوزٗا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ
135. Habar duq ah (marwadiisii) maahee oo ku hadhay (halaagga).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
136. Kaddib waxaan baabbi’innay intii kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّكُمۡ لَتَمُرُّونَ عَلَيۡهِم مُّصۡبِحِينَ
137. Waxaadna xaqiiq ag martaan (dhulkoodii) subaxnimo,
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَبِٱلَّيۡلِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
138. Iyo habeennimo, ee miyeydaan wax garan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
139. Oo xaqiiq Yuunus wuxuu ka mid ahaa Rusushii (la soo diray).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ أَبَقَ إِلَى ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ
140. (Xus) markuu u cararay doonnidii buuxday.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ ٱلۡمُدۡحَضِينَ
141. Marka wuu la qori tuurtay [15], wuxuuse noqday mid laga raayey (baddana lagu tuuray).
[15]. Si loo cayimo qofka laga tuurayo doonnida si loo badbaadiyo rikaabka kale. Waxaa ku soo baxay qori tuurkii Yuunus c.s., markaasay ku tuureen badda.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱلۡتَقَمَهُ ٱلۡحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٞ
142. Markaasuu nibirigu liqay isagoo eedeysan [16].
[16]. Isagoo eedeysan, waayo wuxuu ka quustay dadkiisii ahaa xuma falka, wuxuuna ka soo tagay isagoo aan ka helin idan xagga Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَوۡلَآ أَنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلۡمُسَبِّحِينَ
143. Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwa na xurmo weyneeya oo tasbiixsada (ee ehlu salaadka ah).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَلَبِثَ فِي بَطۡنِهِۦٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ
144. Wuxuu ku negaan lahaa caloosha (nibriga) tan iyo Maalinta Qiyaamaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ فَنَبَذۡنَٰهُ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ سَقِيمٞ
145. Waxaana ku soo tuurnay bannaan cid la' ah isagoo buka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنۢبَتۡنَا عَلَيۡهِ شَجَرَةٗ مِّن يَقۡطِينٖ
146. Waxaana u soo bixinnay geed Aredube ah [17].
[17]. Maadaamana Nabi Yuunus xeebta lagu soo tuuray isagoo aan dub lahayn. Wuxuu Alle u soo saaaray geedkaasi bocorka (aredube, ubo) si uu u harsiiyo oo uga ilaaliyo cayaayin wax yeela.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ مِاْئَةِ أَلۡفٍ أَوۡ يَزِيدُونَ
147. Waxaana u dirnay Boqol kun ama ka badanba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَـَٔامَنُواْ فَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٖ
148. Wayna rumeeyeen; waxaana u raaxeynay ilaa muddo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَلِرَبِّكَ ٱلۡبَنَاتُ وَلَهُمُ ٱلۡبَنُونَ
149. Ee weydii (gaalada) in Rabbigaa gabdho leeyahay, iyaguna wiilal?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ خَلَقۡنَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِنَٰثٗا وَهُمۡ شَٰهِدُونَ
150. Mise ma waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, iyaguna ay goob joog ka ahaayeen?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَآ إِنَّهُم مِّنۡ إِفۡكِهِمۡ لَيَقُولُونَ
151. Ogaada, taasi xaqiiq waa been abuurashadooda inay yidhaahdaan:
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَدَ ٱللَّهُ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ
152. Allaa ilmo leh, waana beenaalayaal dhabtii.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَصۡطَفَى ٱلۡبَنَاتِ عَلَى ٱلۡبَنِينَ
153. Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አስ ሷፋት
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት