Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: സ്സ്വാഫ്ഫാത്ത്   ആയത്ത്:
وَجَعَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُۥ هُمُ ٱلۡبَاقِينَ
77. Oo ka yeellay durriyaddiisa kuwa soo hadhay uun.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
78. Waxaana u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
سَلَٰمٌ عَلَىٰ نُوحٖ فِي ٱلۡعَٰلَمِينَ
79. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Nuux.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
80. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
81. Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
82. Markaasaan harqinnay intii kale.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
۞ وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِۦ لَإِبۡرَٰهِيمَ
83. Waxaana ka mid ah kuwa raacay
jidkiisa Ibraahiim [7].
[7]. Nabi Ibraahiim c.s. wuxuu raacay dhabbihii Nabi Nuux iyo intii rumeysey towxiidka iyo mabaadiida diinta Islaamka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِذۡ جَآءَ رَبَّهُۥ بِقَلۡبٖ سَلِيمٍ
84. Markuu ula yimid Rabbigi qalbi fayow [8].
[8]. Qalbiga fayow waa kan ka nabad galay shirki, kibir, xasad, is cajabin, iwm ee daacadda ah u hoggaansan Alle.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَاذَا تَعۡبُدُونَ
85. Markuu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Waa maxay waxaad caabudaysaan?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَئِفۡكًا ءَالِهَةٗ دُونَ ٱللَّهِ تُرِيدُونَ
86. been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
87. Maxaadse ka maleysaneysaan Rabbiga uumanka?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَنَظَرَ نَظۡرَةٗ فِي ٱلنُّجُومِ
88. Markaasuu eegay eegmo xiddigaha,
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٞ
89. Wuxuuna yidhi: Anigu waa bukaa.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَتَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ مُدۡبِرِينَ
90. Markaasay ka jeesteen oo tageen.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَرَاغَ إِلَىٰٓ ءَالِهَتِهِمۡ فَقَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ
91. Markaasuu aaday ilaahyadoodii, oo yidhi: Miyeydaan (wax) cuneyn [9].
[9]. Inay cunaan qurbaannada hortooda la dhigay. Waana ku jeesjees iyo muujin caqli xumada dadkaa sanammada hor dhigay raashinka iyo hadiyooyinka.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
مَا لَكُمۡ لَا تَنطِقُونَ
92. Maxaad leedihiin oo aydaan la hadleyn?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَرَاغَ عَلَيۡهِمۡ ضَرۡبَۢا بِٱلۡيَمِينِ
93. Markaasuu ku jeestay oo ku garaacay gacanta midig.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَأَقۡبَلُوٓاْ إِلَيۡهِ يَزِفُّونَ
94. Markaasay soo aadeen (dadkii) xaggiisa iyagoo soo degdegaya.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قَالَ أَتَعۡبُدُونَ مَا تَنۡحِتُونَ
95. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (idinku sameysaan)?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَٱللَّهُ خَلَقَكُمۡ وَمَا تَعۡمَلُونَ
96. Allaah baana idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba?
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قَالُواْ ٱبۡنُواْ لَهُۥ بُنۡيَٰنٗا فَأَلۡقُوهُ فِي ٱلۡجَحِيمِ
97. Waxay yidhaahdeen: U dhisa meel (dab lagu shido) kuna tuura dabkaa ololaya.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَأَرَادُواْ بِهِۦ كَيۡدٗا فَجَعَلۡنَٰهُمُ ٱلۡأَسۡفَلِينَ
98. Waxay la dooneen dabin ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hooseeya.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّي سَيَهۡدِينِ
99. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
رَبِّ هَبۡ لِي مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
100. Rabbiyow! I sii (ubad) wanaagsan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَبَشَّرۡنَٰهُ بِغُلَٰمٍ حَلِيمٖ
101. Waxaana ugu bishaaraynay wiil dul qaad badan (Ismaaciil).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعۡيَ قَالَ يَٰبُنَيَّ إِنِّيٓ أَرَىٰ فِي ٱلۡمَنَامِ أَنِّيٓ أَذۡبَحُكَ فَٱنظُرۡ مَاذَا تَرَىٰۚ قَالَ يَٰٓأَبَتِ ٱفۡعَلۡ مَا تُؤۡمَرُۖ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّٰبِرِينَ
102.Markuu gaaray da' inuu la shaqeeyo oo hanaqaaday [10], (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Maandhow! Waxaan ku arkay riyo anigoo kuu gawracaya (qurbaan ahaan Alle darti), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, hadduu Alle idmo, waxaad heli inaan ka mid noqdo kuwa samir yeesha.
[10]. Ismaaciil awood u yeeshay inuu la shaqeeyo oo kaalmeeyo aabbihi Ibraahiim.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: സ്സ്വാഫ്ഫാത്ത്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക