Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore saafaati   Aaya.:
وَجَعَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُۥ هُمُ ٱلۡبَاقِينَ
77. Oo ka yeellay durriyaddiisa kuwa soo hadhay uun.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ
78. Waxaana u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
سَلَٰمٌ عَلَىٰ نُوحٖ فِي ٱلۡعَٰلَمِينَ
79. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Nuux.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ
80. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
81. Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ
82. Markaasaan harqinnay intii kale.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
۞ وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِۦ لَإِبۡرَٰهِيمَ
83. Waxaana ka mid ah kuwa raacay
jidkiisa Ibraahiim [7].
[7]. Nabi Ibraahiim c.s. wuxuu raacay dhabbihii Nabi Nuux iyo intii rumeysey towxiidka iyo mabaadiida diinta Islaamka.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِذۡ جَآءَ رَبَّهُۥ بِقَلۡبٖ سَلِيمٍ
84. Markuu ula yimid Rabbigi qalbi fayow [8].
[8]. Qalbiga fayow waa kan ka nabad galay shirki, kibir, xasad, is cajabin, iwm ee daacadda ah u hoggaansan Alle.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَاذَا تَعۡبُدُونَ
85. Markuu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Waa maxay waxaad caabudaysaan?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَئِفۡكًا ءَالِهَةٗ دُونَ ٱللَّهِ تُرِيدُونَ
86. been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
87. Maxaadse ka maleysaneysaan Rabbiga uumanka?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَنَظَرَ نَظۡرَةٗ فِي ٱلنُّجُومِ
88. Markaasuu eegay eegmo xiddigaha,
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٞ
89. Wuxuuna yidhi: Anigu waa bukaa.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَتَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ مُدۡبِرِينَ
90. Markaasay ka jeesteen oo tageen.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَرَاغَ إِلَىٰٓ ءَالِهَتِهِمۡ فَقَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ
91. Markaasuu aaday ilaahyadoodii, oo yidhi: Miyeydaan (wax) cuneyn [9].
[9]. Inay cunaan qurbaannada hortooda la dhigay. Waana ku jeesjees iyo muujin caqli xumada dadkaa sanammada hor dhigay raashinka iyo hadiyooyinka.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
مَا لَكُمۡ لَا تَنطِقُونَ
92. Maxaad leedihiin oo aydaan la hadleyn?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَرَاغَ عَلَيۡهِمۡ ضَرۡبَۢا بِٱلۡيَمِينِ
93. Markaasuu ku jeestay oo ku garaacay gacanta midig.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَأَقۡبَلُوٓاْ إِلَيۡهِ يَزِفُّونَ
94. Markaasay soo aadeen (dadkii) xaggiisa iyagoo soo degdegaya.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالَ أَتَعۡبُدُونَ مَا تَنۡحِتُونَ
95. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (idinku sameysaan)?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَٱللَّهُ خَلَقَكُمۡ وَمَا تَعۡمَلُونَ
96. Allaah baana idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالُواْ ٱبۡنُواْ لَهُۥ بُنۡيَٰنٗا فَأَلۡقُوهُ فِي ٱلۡجَحِيمِ
97. Waxay yidhaahdeen: U dhisa meel (dab lagu shido) kuna tuura dabkaa ololaya.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَأَرَادُواْ بِهِۦ كَيۡدٗا فَجَعَلۡنَٰهُمُ ٱلۡأَسۡفَلِينَ
98. Waxay la dooneen dabin ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hooseeya.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّي سَيَهۡدِينِ
99. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
رَبِّ هَبۡ لِي مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
100. Rabbiyow! I sii (ubad) wanaagsan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَبَشَّرۡنَٰهُ بِغُلَٰمٍ حَلِيمٖ
101. Waxaana ugu bishaaraynay wiil dul qaad badan (Ismaaciil).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعۡيَ قَالَ يَٰبُنَيَّ إِنِّيٓ أَرَىٰ فِي ٱلۡمَنَامِ أَنِّيٓ أَذۡبَحُكَ فَٱنظُرۡ مَاذَا تَرَىٰۚ قَالَ يَٰٓأَبَتِ ٱفۡعَلۡ مَا تُؤۡمَرُۖ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّٰبِرِينَ
102.Markuu gaaray da' inuu la shaqeeyo oo hanaqaaday [10], (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Maandhow! Waxaan ku arkay riyo anigoo kuu gawracaya (qurbaan ahaan Alle darti), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, hadduu Alle idmo, waxaad heli inaan ka mid noqdo kuwa samir yeesha.
[10]. Ismaaciil awood u yeeshay inuu la shaqeeyo oo kaalmeeyo aabbihi Ibraahiim.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore saafaati
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu