Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore nagge   Aaya.:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱلَّذِينَ هَادُواْ وَٱلنَّصَٰرَىٰ وَٱلصَّٰبِـِٔينَ مَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَلَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
62. Hubaal kuwa rumeeyey (ee ka mid ah ummaddan) iyo kuwii heystay Yuhuudiyada ama Nasaarada ama Saabbi’iinta (ka hor Nabi Muxammad s.c.w), kuwaa ka midka ah ee rumeeyay Alle iyo Maalinta dambe (Aakhiro) oo sama falay, waxay ka heli abaalkooda xagga Rabbigood, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِيثَٰقَكُمۡ وَرَفَعۡنَا فَوۡقَكُمُ ٱلطُّورَ خُذُواْ مَآ ءَاتَيۡنَٰكُم بِقُوَّةٖ وَٱذۡكُرُواْ مَا فِيهِ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ
63. (Xusuusta) markaan idinka qaadnay ballan adag, oo kor u soo qaadnay Buurta dushiinna (Annagoo leh): Ku qaata waxaan idin siinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusa waxa ku yaal, si aad isaga jirtaan (shirkiga iyo xumaha kale).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
ثُمَّ تَوَلَّيۡتُم مِّنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَۖ فَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَرَحۡمَتُهُۥ لَكُنتُم مِّنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ
64. Markaasaad jeesateen intaas kaddib, haddaanu Fadliga Alle iyo Naxariistiisu korkiinna ahaateen, waxaad ka mid ahaan laheydeen kuwa khasaaray.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَلَقَدۡ عَلِمۡتُمُ ٱلَّذِينَ ٱعۡتَدَوۡاْ مِنكُمۡ فِي ٱلسَّبۡتِ فَقُلۡنَا لَهُمۡ كُونُواْ قِرَدَةً خَٰسِـِٔينَ
65. Waxaad dhab ahaan ogtihiin 'Yuhuudey' kuwaas idinka mid ah ee ku xadgudbay arrinkii Sabtida, Waxaanuna ku nidhi: Noqda daayeerro dulleysan oo deyro ah.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَجَعَلۡنَٰهَا نَكَٰلٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهَا وَمَا خَلۡفَهَا وَمَوۡعِظَةٗ لِّلۡمُتَّقِينَ
66. Waxaana ka yeelnay ciqaabtan mid ay ku cibrad qaataan kuwaa joogay waqtigaa iyo kuwii ka dambeeyey iyo waano ku socota kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦٓ إِنَّ ٱللَّهَ يَأۡمُرُكُمۡ أَن تَذۡبَحُواْ بَقَرَةٗۖ قَالُوٓاْ أَتَتَّخِذُنَا هُزُوٗاۖ قَالَ أَعُوذُ بِٱللَّهِ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡجَٰهِلِينَ
67. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Alle wuxuu idin amri inaad gowracdaan sac [13]. Waxay yidhaahdeen: Miyaad nagu jeesjeesi. Wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galayaa Alle inaan ka mid noqdo jaahiliinta.
[13]. Xikmadda gowricidda saca waa si looga gooyo qalbiyadooda xurmeynta dibigii ay horay u caabudeen. Markiina qayb ka mid ah saca la gowracay lagu dhuftay ninkii la dilay. Wuxuu Alle u soo celiyey nafta ninkii, kaasoo u sheegay ninkii dilay.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالُواْ ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ يُبَيِّن لَّنَا مَا هِيَۚ قَالَ إِنَّهُۥ يَقُولُ إِنَّهَا بَقَرَةٞ لَّا فَارِضٞ وَلَا بِكۡرٌ عَوَانُۢ بَيۡنَ ذَٰلِكَۖ فَٱفۡعَلُواْ مَا تُؤۡمَرُونَ
68. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa; inuu noo caddeeyo waxay tahay. (Muuse) wuxuu yidhi: (Alle) Wuxuu leeyahay, waa sac aan duq aheyn iyo ugub midna, oo u dhexeysa labadaa xaaladood; ee fala waxa la idin amray.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قَالُواْ ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ يُبَيِّن لَّنَا مَا لَوۡنُهَاۚ قَالَ إِنَّهُۥ يَقُولُ إِنَّهَا بَقَرَةٞ صَفۡرَآءُ فَاقِعٞ لَّوۡنُهَا تَسُرُّ ٱلنَّٰظِرِينَ
69. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waa maxay midabkee- du. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, Waa sac huruud ah oo midabkeedu cad yahay, ay u bogayaan arkayaasha.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore nagge
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu