Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore nagge   Aaya.:
وَقَالُواْ كُونُواْ هُودًا أَوۡ نَصَٰرَىٰ تَهۡتَدُواْۗ قُلۡ بَلۡ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِـۧمَ حَنِيفٗاۖ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
135. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Noqda Yuhuud ama Nasaaro, waad hanuuni. Dheh: Mayee, (waxaanu raaceynaa) diintii Ibraahiim (Islaamka), toosnahii, kamana aanu mid aheyn mushrikiinta.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قُولُوٓاْ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَمَآ أُنزِلَ إِلَيۡنَا وَمَآ أُنزِلَ إِلَىٰٓ إِبۡرَٰهِـۧمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطِ وَمَآ أُوتِيَ مُوسَىٰ وَعِيسَىٰ وَمَآ أُوتِيَ ٱلنَّبِيُّونَ مِن رَّبِّهِمۡ لَا نُفَرِّقُ بَيۡنَ أَحَدٖ مِّنۡهُمۡ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُسۡلِمُونَ
136. Dhaha: Waxaanu rumeynay Alle iyo waxa nalagu soo dejiyey oo Waxyi ah iyo wixii lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii firkiisa ahaa, iyo wixii la siiyey Muuse iyo Ciise, iyo wixii laga siiyey Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala sooceynona axad ka mid ah (Rususha), oo (Alle) baan u hoggaansannahay.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فَإِنۡ ءَامَنُواْ بِمِثۡلِ مَآ ءَامَنتُم بِهِۦ فَقَدِ ٱهۡتَدَواْۖ وَّإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّمَا هُمۡ فِي شِقَاقٖۖ فَسَيَكۡفِيكَهُمُ ٱللَّهُۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
137. Hadday rumeeyaan waxaad rumeysan tihiin oo kale, waa kuwo hanuunsan, haddiise ay jeestaan waxay uun ku sugan yihiiin gaalnimo iyo khilaaf. Alle baana kaaga filnaan doona. Waana Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
صِبۡغَةَ ٱللَّهِ وَمَنۡ أَحۡسَنُ مِنَ ٱللَّهِ صِبۡغَةٗۖ وَنَحۡنُ لَهُۥ عَٰبِدُونَ
138. Qaata Aslidda (diinta) Alle, yaa ka wanaagsan Alle aslid (diin) ahaan. Isagoo (Keliya) baanu caabudnaa.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
قُلۡ أَتُحَآجُّونَنَا فِي ٱللَّهِ وَهُوَ رَبُّنَا وَرَبُّكُمۡ وَلَنَآ أَعۡمَٰلُنَا وَلَكُمۡ أَعۡمَٰلُكُمۡ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُخۡلِصُونَ
139. Dheh: Ma waxaad nagala doodeysaan arrinka Alle Isagoo ah Rabbigayo iyo Rabbigiin? Waxaanu leennahay acmaashayada, idinkuna waxaad leedihiin acmaashiinna. Innaguna Isagaan daacad u nahay oo u Keli yeelnaa cibaadada.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَمۡ تَقُولُونَ إِنَّ إِبۡرَٰهِـۧمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطَ كَانُواْ هُودًا أَوۡ نَصَٰرَىٰۗ قُلۡ ءَأَنتُمۡ أَعۡلَمُ أَمِ ٱللَّهُۗ وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن كَتَمَ شَهَٰدَةً عِندَهُۥ مِنَ ٱللَّهِۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ
140. Mise waxaad leedihiin in Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Nabiyadii ahaa firkiisa ahaayeen Yuhuud ama Nasaaro? Dheh: Ma idinkaa ogsoon mise Alle? Yaa ka dulmi badan kan qariya marag uu ka heysto xagga Alle? Alle ma mooga waxaad fashaan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
تِلۡكَ أُمَّةٞ قَدۡ خَلَتۡۖ لَهَا مَا كَسَبَتۡ وَلَكُم مَّا كَسَبۡتُمۡۖ وَلَا تُسۡـَٔلُونَ عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
141. Taasi waa ummad tagtay. Waxay leedahay (abaalka) waxay kasabtay, idinkuna waxaad leedihiin waxaad kasbataan. Ma la idin weydiinayona inaad ka jawaab bixisaan waxay camal falayeen.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore nagge
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu