Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore nagge   Aaya.:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡهِمۡ ءَأَنذَرۡتَهُمۡ أَمۡ لَمۡ تُنذِرۡهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
6. Kuwa gaalooba (ee xaq diidka ah) waa isugu mid haddaad u digto iyo haddaadan u digin, ma rumeynayaan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
خَتَمَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ وَعَلَىٰ سَمۡعِهِمۡۖ وَعَلَىٰٓ أَبۡصَٰرِهِمۡ غِشَٰوَةٞۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ
7. Wuxuu Alle ku dhigay shaabbad daboosha quluubtooda iyo maqalkooda, araggoodana waxaa ku rogan Caad [5]. Waxayna leeyihiin cadaab weyn.
[5]. Caad u diida qaadashada hanuunka. Arrintannina waxaa u sabab ah kibirkooda iyo ku madax adeyggooda denbiyada.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَبِٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَمَا هُم بِمُؤۡمِنِينَ
8. Waxaa ka mid ah dadka kuwo (munaafiqiin ah) yidhaahda: Waxaanu rumeysannahay Alle iyo Maalinta Aakhiro oo aan ahaynba mu’miniin [6].
[6]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaa lay amray inaan la dagaallamo dadka intay ka qiraan oo yidhaahdaan ma jiro ilaah xaq lagu caabudo aan ahayn Allaah, iyo in Muxammad yahay Rasuulkii Alle, hadday sidaas yidhaahdaan way iga ilaashadeen dhiiggooda iyo maalkooda, waxaan xaq (Islaam ama xaq dadow) ahayn, xisaabintoodana waxaa leh Allaah Kor ahaaye.” (W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
يُخَٰدِعُونَ ٱللَّهَ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَمَا يَخۡدَعُونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمۡ وَمَا يَشۡعُرُونَ
9. Waxay (dooni inay) dagaan Alle iyo kuwa rumeysan, mase dagayaan waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ فَزَادَهُمُ ٱللَّهُ مَرَضٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمُۢ بِمَا كَانُواْ يَكۡذِبُونَ
10. Quluubtooda waxaa ah cudur (shaki, nifaaq, kibir, iwm), markaasuu Alle u kordhiyey cudur. Waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan waxay been sheegi jireen darteed.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ لَا تُفۡسِدُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ قَالُوٓاْ إِنَّمَا نَحۡنُ مُصۡلِحُونَ
11. Marka lagu yidhaahdo: Ha fasaadanina (hallaynina) arlada, Waxay yidhaahdaan: Waxaanu nahay uun wax hagaajiyaal.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَلَآ إِنَّهُمۡ هُمُ ٱلۡمُفۡسِدُونَ وَلَٰكِن لَّا يَشۡعُرُونَ
12. Ogaada, hubaal, Waa iyaga kuwa wax bi’iska ahi ee wax halleeya, mase ay dareensana.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ ءَامِنُواْ كَمَآ ءَامَنَ ٱلنَّاسُ قَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ كَمَآ ءَامَنَ ٱلسُّفَهَآءُۗ أَلَآ إِنَّهُمۡ هُمُ ٱلسُّفَهَآءُ وَلَٰكِن لَّا يَعۡلَمُونَ
13. Marka lagu yidhaahdo: Rumeeya sida ay dadku wax u rumeeyeen, waxay yidhaahdaan: Ma waxaanu u rumeyn siday maangaabku u rumeeyeen? Ogaada, hubaal, waa iyaga kuwa maangaabka ahi, mase oga.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَإِذَا لَقُواْ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَوۡاْ إِلَىٰ شَيَٰطِينِهِمۡ قَالُوٓاْ إِنَّا مَعَكُمۡ إِنَّمَا نَحۡنُ مُسۡتَهۡزِءُونَ
14. Markay la kulmaan kuwa (Xaqa) rumeysan, waxay (munaafiqiintu) yidhaahdaan: Waanu rumaysannahay innaguba. Markase ay isla keli noqdaan shaydaamadooda (madaxdooda xun), waxay yidhaahdaan: Innagu idinkaynu idinla jidhnaa; waa uun iska jeesjeeseennay.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
ٱللَّهُ يَسۡتَهۡزِئُ بِهِمۡ وَيَمُدُّهُمۡ فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ
15. Alle baa ku jees-jeesi, wuxuuna kaga tagi xadgudubkooda banbaxsan ee ay ku jaha wareersan yihiin indha la’aan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱشۡتَرَوُاْ ٱلضَّلَٰلَةَ بِٱلۡهُدَىٰ فَمَا رَبِحَت تِّجَٰرَتُهُمۡ وَمَا كَانُواْ مُهۡتَدِينَ
16. Kuwaasi waa kuwa iibsada habowga halkii hanuunka, sidaas awgeed ganacsigoodu ma keeno wax faa’ido ah, Mana aha kuwo hanuunsan.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore nagge
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu