Check out the new design

Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba * - Loowdi firooji ɗi

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Firo maanaaji Simoore.: Simoore nagge   Aaya.:
۞ مَا نَنسَخۡ مِنۡ ءَايَةٍ أَوۡ نُنسِهَا نَأۡتِ بِخَيۡرٖ مِّنۡهَآ أَوۡ مِثۡلِهَآۗ أَلَمۡ تَعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
106. Aayad kastoo aan nasakhno ama aan sababno in la illaabo, waxaan keennaa mid ka khayr badan ama la mid ah. Miyaadan ogeyn inuu Alle wax walba Karo?
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَلَمۡ تَعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ لَهُۥ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۗ وَمَا لَكُم مِّن دُونِ ٱللَّهِ مِن وَلِيّٖ وَلَا نَصِيرٍ
107. Miyaadan ogeyn in Alle leeyahay Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, oo aydaan lahayn Alle ka sokow sokeeye iyo gargaare midna.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
أَمۡ تُرِيدُونَ أَن تَسۡـَٔلُواْ رَسُولَكُمۡ كَمَا سُئِلَ مُوسَىٰ مِن قَبۡلُۗ وَمَن يَتَبَدَّلِ ٱلۡكُفۡرَ بِٱلۡإِيمَٰنِ فَقَدۡ ضَلَّ سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ
108. Mise ma waxaad rabtaan inaad su'aalo hor dhigtaan [21] Rasuulkiinna sidii Muuse horey loo su'aalay. Qofkiina qaataa iimaan darro halkii Iimaanka, wuxuu ka lumay jidka toosan.
[21]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle wuu xaaraanshay muranka, maalka oo lagu baxsho wax xun oo reebban, ku tiri ku teenta, iyo su’aasha badan.” W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَدَّ كَثِيرٞ مِّنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ لَوۡ يَرُدُّونَكُم مِّنۢ بَعۡدِ إِيمَٰنِكُمۡ كُفَّارًا حَسَدٗا مِّنۡ عِندِ أَنفُسِهِم مِّنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلۡحَقُّۖ فَٱعۡفُواْ وَٱصۡفَحُواْ حَتَّىٰ يَأۡتِيَ ٱللَّهُ بِأَمۡرِهِۦٓۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ
109. In badan oo ka mid ah ehlul Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay jecel yihiin inay dib idiinku soo ceshaan gaalnimo Iimaankiinna kaddib, xasad ay idiin qabaan darteed, kaddib markuu u caddaaday Xaqa. Ee iska cafiya oo iska dhaafa, ilaa inta Alle uu ka keeno Amarkiisa. Alle wax walba wuu Karaa.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَأَقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُواْ ٱلزَّكَوٰةَۚ وَمَا تُقَدِّمُواْ لِأَنفُسِكُم مِّنۡ خَيۡرٖ تَجِدُوهُ عِندَ ٱللَّهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٞ
110. Ooga Salaadda, bixiyana Zakada, wax waliboo khayr ahna aad u hormarisaan nafahiinna, Waxaad ka heli Alle agtii. Hubaal Alle waxaad fashaan wuu Arkaa.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
وَقَالُواْ لَن يَدۡخُلَ ٱلۡجَنَّةَ إِلَّا مَن كَانَ هُودًا أَوۡ نَصَٰرَىٰۗ تِلۡكَ أَمَانِيُّهُمۡۗ قُلۡ هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
111. Waxay (Yuhuudda iyo Nasaarada) yidhaahdaan: Qofna ma galo Jannada aan aheyn mid ah Yuhuud ama Nasaaro. taasi waa hididdiiladooda maran [22]. Dheh: Keena caddayntiinna haddaad run sheegaysaan.
[22]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Qofkii fala camal cibaado ah aan waafaqsaneyn amarkayaga (amarka Nabiga) lagama aqbalayo.” W.w. Al-Bukhaari.
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
بَلَىٰۚ مَنۡ أَسۡلَمَ وَجۡهَهُۥ لِلَّهِ وَهُوَ مُحۡسِنٞ فَلَهُۥٓ أَجۡرُهُۥ عِندَ رَبِّهِۦ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
112. Haayoo! Qofkii isu dhiiba isagoo wada dhan Alle oo isagu sama fale ah (raaca dowga Nabi Muxammad s.c.w.), wuxuu ka heleyaa abaalgudkiisa (ah Janno) xagga Rabbigiis, mana ahaaneyso cabsi dushooda (xagga waxa soo socda ee arrinka Aakhirada) mana ka murugoodaan (waxa ku seega adduunka).
Tafsiraaɗe Aarabu ɗen:
 
Firo maanaaji Simoore.: Simoore nagge
Loowdi cimooje ɗe Tonngoode hello ngon
 
Firo maanaaji Alqur'aana Teddunde nden - Firo soomaliiwo - Abdullah Hassan Yaaquuba - Loowdi firooji ɗi

Eggo (lapito) mum Abdullah Hassan Yaaquub.

Uddu