Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-An‘ām   Verse:
وَلَا تَقۡرَبُواْ مَالَ ٱلۡيَتِيمِ إِلَّا بِٱلَّتِي هِيَ أَحۡسَنُ حَتَّىٰ يَبۡلُغَ أَشُدَّهُۥۚ وَأَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ وَٱلۡمِيزَانَ بِٱلۡقِسۡطِۖ لَا نُكَلِّفُ نَفۡسًا إِلَّا وُسۡعَهَاۖ وَإِذَا قُلۡتُمۡ فَٱعۡدِلُواْ وَلَوۡ كَانَ ذَا قُرۡبَىٰۖ وَبِعَهۡدِ ٱللَّهِ أَوۡفُواْۚ ذَٰلِكُمۡ وَصَّىٰكُم بِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَذَكَّرُونَ
152. Ha u dhowaannina maalka agoonka sida u fiican maahee, jeer uu gaaro da’diisa tabar galka iyo xoogga; u oofiya si dhan beeggidda iyo miisaanka oo caddaalad ah - Ma saarno nafna waxaan ahayn karaankeeda; markaad hadleysaan ahaada caadil haba ahaatee qaraabo dhow (lidkeed), oofiyana Axdiga Alle; (arrin)kani buu idinku farad yeelay, inaad xusuusataan.
Arabic Tafsirs:
وَأَنَّ هَٰذَا صِرَٰطِي مُسۡتَقِيمٗا فَٱتَّبِعُوهُۖ وَلَا تَتَّبِعُواْ ٱلسُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمۡ عَن سَبِيلِهِۦۚ ذَٰلِكُمۡ وَصَّىٰكُم بِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ
153. (Ogow) in kani (Islaamka) yahay Jidkayga midka toosan ee raaca, hana raacina jidadka kale ee idinka duwi Jidkiisa. (Arrin)kani buu idinku faral yeelay si aad uga dhowrsataan (xumaha).
Arabic Tafsirs:
ثُمَّ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ تَمَامًا عَلَى ٱلَّذِيٓ أَحۡسَنَ وَتَفۡصِيلٗا لِّكُلِّ شَيۡءٖ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لَّعَلَّهُم بِلِقَآءِ رَبِّهِمۡ يُؤۡمِنُونَ
154. Waxaan siinnay Muuse kitaabka (Towraadda), si aan ugu iltirno (Galladayada) korkiisa kan sama falay (waa Muusee), kitaabkaasoo ka yeelaya caddaan wax waliba oo hanuun iyo Naxariis ah, si ay la kulanka Rabbigood u rumeeyaan.
Arabic Tafsirs:
وَهَٰذَا كِتَٰبٌ أَنزَلۡنَٰهُ مُبَارَكٞ فَٱتَّبِعُوهُ وَٱتَّقُواْ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
155. Kanina waa Kitaab (Qur’aan) aan soo dejinnay, barakeysan, ee raaca oo iska jira (xumaha) si la idiinku naxariisto.
Arabic Tafsirs:
أَن تَقُولُوٓاْ إِنَّمَآ أُنزِلَ ٱلۡكِتَٰبُ عَلَىٰ طَآئِفَتَيۡنِ مِن قَبۡلِنَا وَإِن كُنَّا عَن دِرَاسَتِهِمۡ لَغَٰفِلِينَ
156. Si aydaan u odhan: Waxaa uun Kitaab lagu soo dejiyey labo qolo oo naga horreeyay, innaguna waxaan aheyn run ahaan kuwo moog waxay akhristeen.
Arabic Tafsirs:
أَوۡ تَقُولُواْ لَوۡ أَنَّآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا ٱلۡكِتَٰبُ لَكُنَّآ أَهۡدَىٰ مِنۡهُمۡۚ فَقَدۡ جَآءَكُم بَيِّنَةٞ مِّن رَّبِّكُمۡ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٞۚ فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن كَذَّبَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَصَدَفَ عَنۡهَاۗ سَنَجۡزِي ٱلَّذِينَ يَصۡدِفُونَ عَنۡ ءَايَٰتِنَا سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ بِمَا كَانُواْ يَصۡدِفُونَ
157. Ama aydaan u odhan: Haddii Kitaab naloo soo dejin lahaa, waxaan ahaan kuwo ka hanuunsan iyaga. Haatan waxaa idiinka yimid Xujo Cad (Qur’aan) xagga Rabbigiin, oo ah hanuun iyo naxariis. Ee yaa ka dulmi badan mid beeniya Aayadaha Alle oo ka jeesada xaggooda? Waxaan ku abaal marin doonnaa kuwa ka jeesta Aayadahayaga cadaab xun, ka jeesigooda (Aayadahaa) darteed.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-An‘ām
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close