Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-An‘ām   Verse:
۞ وَلَوۡ أَنَّنَا نَزَّلۡنَآ إِلَيۡهِمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ وَكَلَّمَهُمُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَحَشَرۡنَا عَلَيۡهِمۡ كُلَّ شَيۡءٖ قُبُلٗا مَّا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُوٓاْ إِلَّآ أَن يَشَآءَ ٱللَّهُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ يَجۡهَلُونَ
111. Haddaan u soo diri laheyn malaa’ig (u sidda Dhambaalkan), meytiduna ay kala hadli lahaayeen (arrinkani), oo aan ku soo kulmin laheyn wax walba oo dhan hortooda, ma ay rumeyn lahayn (Xaqa), in maahee Alle doono, badankooduse waa moog yihiin oo ma garanayaan (Xaqa aad uga keentay xagga Alle).
Arabic Tafsirs:
وَكَذَٰلِكَ جَعَلۡنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوّٗا شَيَٰطِينَ ٱلۡإِنسِ وَٱلۡجِنِّ يُوحِي بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٖ زُخۡرُفَ ٱلۡقَوۡلِ غُرُورٗاۚ وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ مَا فَعَلُوهُۖ فَذَرۡهُمۡ وَمَا يَفۡتَرُونَ
112. Sidaasaan ugu yeellay Nabi walbaa cadow - shayaadiinta ku jira dadka iyo jinka, qaarkoodba u waxyoonayo qaar kale hadal (been ah oo) la qurxiyey ay ku hodaan. Rabbigaa hadduu doono, ma ay fali lahayn, ee iskaga tag iyaga iyo waxay been abuuranba.
Arabic Tafsirs:
وَلِتَصۡغَىٰٓ إِلَيۡهِ أَفۡـِٔدَةُ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ وَلِيَرۡضَوۡهُ وَلِيَقۡتَرِفُواْ مَا هُم مُّقۡتَرِفُونَ
113. Waa si ay ugu iilato laabaha kuwa aan rumeysanayn Aakhirada oo ugu raalli noqdaan, iyo si ay u kasbadaan waxay kasban (oo denbiyo ah).
Arabic Tafsirs:
أَفَغَيۡرَ ٱللَّهِ أَبۡتَغِي حَكَمٗا وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنزَلَ إِلَيۡكُمُ ٱلۡكِتَٰبَ مُفَصَّلٗاۚ وَٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يَعۡلَمُونَ أَنَّهُۥ مُنَزَّلٞ مِّن رَّبِّكَ بِٱلۡحَقِّۖ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُمۡتَرِينَ
114. Ma cidaan ahayn Alle baan doonaa inuu noo kala garsooro innaga iyo idinka, Isagoo ah Kan idiin soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) ay wax walba ku cad yihiin. Kuwaan (horay u) siinnay Kitaabka waxay ogsoon yihiin in laga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah. Sidaas darteed ha ka mid noqon kuwa ka shakiya.
Arabic Tafsirs:
وَتَمَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ صِدۡقٗا وَعَدۡلٗاۚ لَّا مُبَدِّلَ لِكَلِمَٰتِهِۦۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
115. Kelmadda Rabbigaa waxay ku taam noqotay run iyo caddaalad. Ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa. Waana Maqlaha (wax kasta),wax kasta ogsoon.
Arabic Tafsirs:
وَإِن تُطِعۡ أَكۡثَرَ مَن فِي ٱلۡأَرۡضِ يُضِلُّوكَ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَإِنۡ هُمۡ إِلَّا يَخۡرُصُونَ
116. Haddaad adeecdo intooda badan waxa dhulka jooga, waxay kaa lumin Jidka Alle. Ma raacaan waxaan ahayn male, oo been uun bay sheegaan.
Arabic Tafsirs:
إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ مَن يَضِلُّ عَن سَبِيلِهِۦۖ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ
117. Hubaal Rabbigaa baa Og midka ka luma Jidkiisa, Isagaana Og cidda hanuunsan.
Arabic Tafsirs:
فَكُلُواْ مِمَّا ذُكِرَ ٱسۡمُ ٱللَّهِ عَلَيۡهِ إِن كُنتُم بِـَٔايَٰتِهِۦ مُؤۡمِنِينَ
118. Ee cuna waxa (hilibka neefka) lagu xusay Magaca Alle (markii la gowracayey), haddaad tihiin kuwa Aayadihiisa rumeysan.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-An‘ām
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close