Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-An‘ām   Verse:
فَإِن كَذَّبُوكَ فَقُل رَّبُّكُمۡ ذُو رَحۡمَةٖ وَٰسِعَةٖ وَلَا يُرَدُّ بَأۡسُهُۥ عَنِ ٱلۡقَوۡمِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ
147. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow) waxaad dhahdaa: Rabbigiin waa Rabbiga Naxariista Ballaadhan, Ciqaabkiisana lagama celiyo qoloda denbiilayaasha ah.
Arabic Tafsirs:
سَيَقُولُ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْ لَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَآ أَشۡرَكۡنَا وَلَآ ءَابَآؤُنَا وَلَا حَرَّمۡنَا مِن شَيۡءٖۚ كَذَٰلِكَ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ حَتَّىٰ ذَاقُواْ بَأۡسَنَاۗ قُلۡ هَلۡ عِندَكُم مِّنۡ عِلۡمٖ فَتُخۡرِجُوهُ لَنَآۖ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَإِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا تَخۡرُصُونَ
148. Kuwa ah mushrikiinta waxay odhan: Hadduu Alle doono, ma aanu u shariig yeelneyn innaga iyo aabbayaasheenba, mana aan ka xarrimneen (nafahayaga) waxba (uu Alle banneeyey). Sidaasoo kale bay u beeniyeen kuwii ka horreeyay jeer ay ka dhadhamiyeen Ciqaabkayaga. Dheh: Ma heysaan wax cilmi ah aad noo soo saareysaan? Waxaad uun raacdaan wax iska male awaal ah, waxaadna uun sheegtaan beeno.
Arabic Tafsirs:
قُلۡ فَلِلَّهِ ٱلۡحُجَّةُ ٱلۡبَٰلِغَةُۖ فَلَوۡ شَآءَ لَهَدَىٰكُمۡ أَجۡمَعِينَ
149. Dheh: Alle baa iska leh Xujada Xeesha Dheer. Hadduu doono wuu idin hanuunin lahaa dhammaantiin.
Arabic Tafsirs:
قُلۡ هَلُمَّ شُهَدَآءَكُمُ ٱلَّذِينَ يَشۡهَدُونَ أَنَّ ٱللَّهَ حَرَّمَ هَٰذَاۖ فَإِن شَهِدُواْ فَلَا تَشۡهَدۡ مَعَهُمۡۚ وَلَا تَتَّبِعۡ أَهۡوَآءَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ وَهُم بِرَبِّهِمۡ يَعۡدِلُونَ
150. Dheh: Keena markhaatiyadiinna ka marag kacaya in Alle xaaraameeyey waxakani. Ee hadday ka marag kacaan, ha la marag kicin. Hana raacin hawooyinka kuwaa beeniya Aayadahayaga, iyo kuwaa aan rumeysaneyn Aakhirada, ee Rabbigood wax la sima oo la mid dhiga.
Arabic Tafsirs:
۞ قُلۡ تَعَالَوۡاْ أَتۡلُ مَا حَرَّمَ رَبُّكُمۡ عَلَيۡكُمۡۖ أَلَّا تُشۡرِكُواْ بِهِۦ شَيۡـٔٗاۖ وَبِٱلۡوَٰلِدَيۡنِ إِحۡسَٰنٗاۖ وَلَا تَقۡتُلُوٓاْ أَوۡلَٰدَكُم مِّنۡ إِمۡلَٰقٖ نَّحۡنُ نَرۡزُقُكُمۡ وَإِيَّاهُمۡۖ وَلَا تَقۡرَبُواْ ٱلۡفَوَٰحِشَ مَا ظَهَرَ مِنۡهَا وَمَا بَطَنَۖ وَلَا تَقۡتُلُواْ ٱلنَّفۡسَ ٱلَّتِي حَرَّمَ ٱللَّهُ إِلَّا بِٱلۡحَقِّۚ ذَٰلِكُمۡ وَصَّىٰكُم بِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
151. Dheh: Kaalaya, Waxaan akhriyi waxa uu (Alle) Rabbigiin idinka xaaraameeyey: (xusuusnaada) inaydaan (cibaadada Alle) la wadaajin waxba; u muujiya wanaag oo baarri u ahaada waalidiintiin, ha u dilina carruurtiinna (ka cabsi) faqri darteed - Annagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba; oo ha u dhowaannina xumaano oo dhan (denbiyada waaweyn sida zinada) kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba, hana ku dilina nafta uu Alle xaaraameeyey arrin xaq ah [12] maahee, Sidaasuu idinku farad yeelay, bal inaad garowsataan.
[12]. Uu sharciga qiray sida qisaaska, dilka murtaddiinta, dhagax ku dilidda zaaniga horay u guursaday ama guursatay haddii lagu caddeeyo zinada ama iyagu qirtaan.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-An‘ām
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close