Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Sād   Verse:

Saad

صٓۚ وَٱلۡقُرۡءَانِ ذِي ٱلذِّكۡرِ
1. Saad [1], Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qur’aanka sharafta leh ee waanada badan [2].
[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
[2]. Inta hadalka ka go’an waa inaysan jirin ilaahyo badan balse uu Ilaaha Xaqa yahay Mid Keliya - Allaah iyo in soo bixinta Qiyaame Xaq tahay.
Arabic Tafsirs:
بَلِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فِي عِزَّةٖ وَشِقَاقٖ
2. Kuwase gaalada ahi waxay ku sugan yihiin qabwayni iyo collaytan (xaq diiddo).
Arabic Tafsirs:
كَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَبۡلِهِم مِّن قَرۡنٖ فَنَادَواْ وَّلَاتَ حِينَ مَنَاصٖ
3. Badanaa intaan halaagnay hortood facyo (Xaqa beeniyey), markaasay calaacaleen (oo tawbad keeneen) goor calaalal (tawbad keen la aqbalayn), lagana baxsan karin (Cadaabka Alle).
Arabic Tafsirs:
وَعَجِبُوٓاْ أَن جَآءَهُم مُّنذِرٞ مِّنۡهُمۡۖ وَقَالَ ٱلۡكَٰفِرُونَ هَٰذَا سَٰحِرٞ كَذَّابٌ
4. Waxay la yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah (Nabi Muxammad). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu waa saaxir, beenaale.
Arabic Tafsirs:
أَجَعَلَ ٱلۡأٓلِهَةَ إِلَٰهٗا وَٰحِدًاۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيۡءٌ عُجَابٞ
5. Ma wuxuu ka dhigay ilaahyadii Ilaah Keliya? Waxakani waa wax la yaab leh.
Arabic Tafsirs:
وَٱنطَلَقَ ٱلۡمَلَأُ مِنۡهُمۡ أَنِ ٱمۡشُواْ وَٱصۡبِرُواْ عَلَىٰٓ ءَالِهَتِكُمۡۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيۡءٞ يُرَادُ
6. Odayaashii ka mid ahaana way soo baxeen (iyagoo ku leh dadkoodii): Socda, oo ku samra oo sugnaada ilaahyadiinna. (arrin)kani waa wax laynala dooni [3].
[3]. Uu isku soo dubbariday Muxammad si uu idiin qabsado oo magac iyo sharaf ugu qaato.
Arabic Tafsirs:
مَا سَمِعۡنَا بِهَٰذَا فِي ٱلۡمِلَّةِ ٱلۡأٓخِرَةِ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا ٱخۡتِلَٰقٌ
7. Weligayo kuma aanu maqal (arrin)kan oo kale diintii kale [4]. (Arrin)kani ma aha waxaan aheyn been abuur.
[4]. Waxay ugala jeedaan diintii kale diinta Nasaarada ama diintii shirkiga oo ay Quraysh heysatay.
Arabic Tafsirs:
أَءُنزِلَ عَلَيۡهِ ٱلذِّكۡرُ مِنۢ بَيۡنِنَاۚ بَلۡ هُمۡ فِي شَكّٖ مِّن ذِكۡرِيۚ بَل لَّمَّا يَذُوقُواْ عَذَابِ
8. Ma waxaa lagu soo dejiyey Qur’aanka isagoo (Muxammad) na dhex jooga?
Mayee waxay ka shakisan yihiin Waanadeyda. Mayee, wali ma aysan dhadhamin Cadaabkayga.
Arabic Tafsirs:
أَمۡ عِندَهُمۡ خَزَآئِنُ رَحۡمَةِ رَبِّكَ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡوَهَّابِ
9. Mise ma waxay hayaan khasnadaha Naxariista Rabbigaa, Adkaadaha Sare, Deeqsiga ah aad wax u bixiya?
Arabic Tafsirs:
أَمۡ لَهُم مُّلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَاۖ فَلۡيَرۡتَقُواْ فِي ٱلۡأَسۡبَٰبِ
10. Mise ma waxay leeyihiin Mulkiga (iyo maamulka) cirarka iyo dhulka iyo waxa u dhexeeya? Ee ha u koreen salaanno xagga 'samada hadday karaan' [5].
[5]. Si ay ugu soo dejiyaan waxyiga kay doonaan. Waa dhaleeceyn iyo caajiz gelin.
Arabic Tafsirs:
جُندٞ مَّا هُنَالِكَ مَهۡزُومٞ مِّنَ ٱلۡأَحۡزَابِ
11. Ciidanka halkaas jooga (gaalada) waa xisbiyo [6] la jabin (lagana adkaan).
[6]. Aayaddanina waxay tilmaameysaa dagaalkii Godka (Al-Axzaab) labadaba waa loo yaqaan. Mufasiriinta qaarna waxay yidhaahdeen waxay tilmaameysaa dagaalkii Badar.
Arabic Tafsirs:
كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ وَعَادٞ وَفِرۡعَوۡنُ ذُو ٱلۡأَوۡتَادِ
12. Waxaa beeniyey (Rususha) iyaga hortood qoladii Nuux, Caad iyo Fircoon ee lahaa boqortooyo xoog leh [7].
[7]. Dhismooyin dhaadheer iyo ciidammo tiro badan iyo tiirar uu dadka geeyo ciqaab ahaan.
Arabic Tafsirs:
وَثَمُودُ وَقَوۡمُ لُوطٖ وَأَصۡحَٰبُ لۡـَٔيۡكَةِۚ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلۡأَحۡزَابُ
13. Iyo Thamuud iyo qoladii Luud, iyo reer howdkii (loo diray Nabi Shucayb), kuwaa bay ahaayeen xisbiyada.
Arabic Tafsirs:
إِن كُلٌّ إِلَّا كَذَّبَ ٱلرُّسُلَ فَحَقَّ عِقَابِ
14. Ma jiro mid iyaga ka mid ah oo aan beenin Rususha, Markaasay xaq noqotay cadaabi inay ku dhacdo.
Arabic Tafsirs:
وَمَا يَنظُرُ هَٰٓؤُلَآءِ إِلَّا صَيۡحَةٗ وَٰحِدَةٗ مَّا لَهَا مِن فَوَاقٖ
15. Kuwaana (gaaladani) ma sugayaan waxaan aheyn hal Qeylo aanan daah lahayn iyo dib u dhac midna [8].
[8]. Ama fursad. Erey ahaan macnaha xiskin waa waqti u dhexeeya labada lisitaan ee caanaha hasha. Dhawaaqaas waa calaamo Qiyaamaha.
Arabic Tafsirs:
وَقَالُواْ رَبَّنَا عَجِّل لَّنَا قِطَّنَا قَبۡلَ يَوۡمِ ٱلۡحِسَابِ
16. Waxayna yidhaahdeen: Rabbigayow! Noo soo dedeji saamigayaga (ciqaabka ) ka hor Maalinta Xisaabta (Qiyaamada).
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Sād
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close