Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ሁድ   አንቀፅ:
إِن نَّقُولُ إِلَّا ٱعۡتَرَىٰكَ بَعۡضُ ءَالِهَتِنَا بِسُوٓءٖۗ قَالَ إِنِّيٓ أُشۡهِدُ ٱللَّهَ وَٱشۡهَدُوٓاْ أَنِّي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تُشۡرِكُونَ
54. Waxa keliya aanu leennahay waa in qaar ka mid ah ilaahyadayada ay ku gaarsiiyeen xumaan (dhibaato). Wuxuu yidhi: Waxaan marag gashanayaa Alle, idinkuna ka ahaada marag inaan Anigu barii ka ahay waxaad wax la wadaajisaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مِن دُونِهِۦۖ فَكِيدُونِي جَمِيعٗا ثُمَّ لَا تُنظِرُونِ
55. Ee Isaga (Alle) ka soo haray. Ee ii tab dhigta idinkoo isu dhan, hana i siinnina wax fursad ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنِّي تَوَكَّلۡتُ عَلَى ٱللَّهِ رَبِّي وَرَبِّكُمۚ مَّا مِن دَآبَّةٍ إِلَّا هُوَ ءَاخِذُۢ بِنَاصِيَتِهَآۚ إِنَّ رَبِّي عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
56. Anigu waxaan xaqiiq tala saartay Allaah, Rabbigay iyo Rabbigiinba, ma jiro (noole) jooga (dhulka) oo uusan heyn foodda. Hubaal, Rabbigay wuxuu ku sugan yahay Jid Toosan (umuurahiisa oo dhan).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَقَدۡ أَبۡلَغۡتُكُم مَّآ أُرۡسِلۡتُ بِهِۦٓ إِلَيۡكُمۡۚ وَيَسۡتَخۡلِفُ رَبِّي قَوۡمًا غَيۡرَكُمۡ وَلَا تَضُرُّونَهُۥ شَيۡـًٔاۚ إِنَّ رَبِّي عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٍ حَفِيظٞ
57. Haddaad jeesataan waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii la iigu soo kiin dhiibay. Wuxuuna Rabbigay keeni qolo kale halkiinna, waxnana kama dhimi kartaan. Rabbigay wax walba kor buu ka ilaaliyaa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَمَّا جَآءَ أَمۡرُنَا نَجَّيۡنَا هُودٗا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ بِرَحۡمَةٖ مِّنَّا وَنَجَّيۡنَٰهُم مِّنۡ عَذَابٍ غَلِيظٖ
58. Markuu yimid Amarkayaga, Waxaan ku badbaadinnay Huud iyo intii la rumeysey (Xaqa) Naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana ka badbaadinnay Cadaab Adag.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَتِلۡكَ عَادٞۖ جَحَدُواْ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِمۡ وَعَصَوۡاْ رُسُلَهُۥ وَٱتَّبَعُوٓاْ أَمۡرَ كُلِّ جَبَّارٍ عَنِيدٖ
59. Taasi waa Caad. Waxay dafireen Aayadihii Rabbigood, oo caasiyeen Rusushiisa, waxayna raaceen amarka macangag kasta oo madax adag.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَأُتۡبِعُواْ فِي هَٰذِهِ ٱلدُّنۡيَا لَعۡنَةٗ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۗ أَلَآ إِنَّ عَادٗا كَفَرُواْ رَبَّهُمۡۗ أَلَا بُعۡدٗا لِّعَادٖ قَوۡمِ هُودٖ
60. Waxaana la raaciyey Nacalad adduunyadan iyo Maalinta Qiyaamahaba. Ogaada, hubaal, Caad waxay beeniyeen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Caad, qolodii Huud.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ وَإِلَىٰ ثَمُودَ أَخَاهُمۡ صَٰلِحٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥۖ هُوَ أَنشَأَكُم مِّنَ ٱلۡأَرۡضِ وَٱسۡتَعۡمَرَكُمۡ فِيهَا فَٱسۡتَغۡفِرُوهُ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِۚ إِنَّ رَبِّي قَرِيبٞ مُّجِيبٞ
61. Thammudna (waxaan u dirnay) walaalkood Saalix. Wuxuu yidhi. Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya [15], ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) aan Isaga aheyn. Wuxuu idinka aheysiiyey dhulka oo idin dejiyey dhexdiisa si aad u camirtaan, ee weydiista Alle denbi dhaaf, una tawbad keena. (Alle) Rabbigay wuu Dhow yahay Ajiibaa (baryada).
[15]. Aadmiga waxaa loo dejiyey adduunka inuu camiro arlada oo ku caabuda Alle Keligi.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ يَٰصَٰلِحُ قَدۡ كُنتَ فِينَا مَرۡجُوّٗا قَبۡلَ هَٰذَآۖ أَتَنۡهَىٰنَآ أَن نَّعۡبُدَ مَا يَعۡبُدُ ءَابَآؤُنَا وَإِنَّنَا لَفِي شَكّٖ مِّمَّا تَدۡعُونَآ إِلَيۡهِ مُرِيبٖ
62.Waxay yidhaahdeen: Saalixoow!Waxaad aheyd mid dhexdayada lagu rajo weyn yahay intaan ka hor. Ee ma waxaad naga reebi inaan caabudno waxay aabbayaasha- yo caabudayeen? Innagu waxaan ka qabnaa shaki yaab leh waxaa aad noogu yeedhi (ee ah Towxiidka Islaamka).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ሁድ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት