Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ሁድ   አንቀፅ:
قَالَتۡ يَٰوَيۡلَتَىٰٓ ءَأَلِدُ وَأَنَا۠ عَجُوزٞ وَهَٰذَا بَعۡلِي شَيۡخًاۖ إِنَّ هَٰذَا لَشَيۡءٌ عَجِيبٞ
72. Waxay tidhi: Waa la yaabe! Miyaan dhali anigoo habar duqowday ah, ninkayguna yahay oday gaboobay? Arrinkani waa wax la yaab leh.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُوٓاْ أَتَعۡجَبِينَ مِنۡ أَمۡرِ ٱللَّهِۖ رَحۡمَتُ ٱللَّهِ وَبَرَكَٰتُهُۥ عَلَيۡكُمۡ أَهۡلَ ٱلۡبَيۡتِۚ إِنَّهُۥ حَمِيدٞ مَّجِيدٞ
73. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad la yaabi Amarka Alle? Naxariista Alle iyo Barakooyinkiisa korkiinna ha ahaadeen reer (Ibraahiimow). Hubaal, Alle Waa Ammaanle la Mahdiyo, Sharaf Badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَلَمَّا ذَهَبَ عَنۡ إِبۡرَٰهِيمَ ٱلرَّوۡعُ وَجَآءَتۡهُ ٱلۡبُشۡرَىٰ يُجَٰدِلُنَا فِي قَوۡمِ لُوطٍ
74. Markay baqdintii ka tagtay Ibraahiim, oo u timid bishaaradu, wuxuu billaabay inuu nagala doodo arrinta qolodii Luud.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ إِبۡرَٰهِيمَ لَحَلِيمٌ أَوَّٰهٞ مُّنِيبٞ
75. Hubaal Ibraahiim waa dulbadane, qalbi jilicsan [21], tawbad keen badan.
[21]. Taah iyo oohin badan markuu Alle baryayo, u murugood badan dadka, aad uga cabsada Alle.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُ أَعۡرِضۡ عَنۡ هَٰذَآۖ إِنَّهُۥ قَدۡ جَآءَ أَمۡرُ رَبِّكَۖ وَإِنَّهُمۡ ءَاتِيهِمۡ عَذَابٌ غَيۡرُ مَرۡدُودٖ
76. Ibraahiimow! Iska daa warkani. Waxaa yimid Amarka Rabbigaa. Iyagana waxaa u iman cadaab aan dib loo celineyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَمَّا جَآءَتۡ رُسُلُنَا لُوطٗا سِيٓءَ بِهِمۡ وَضَاقَ بِهِمۡ ذَرۡعٗا وَقَالَ هَٰذَا يَوۡمٌ عَصِيبٞ
77. Markay Rusushayadii 'malaa'igta ahayd' u yimaadeen Luud. Wuu ka walbahaaray [22] wuuna la cidhiidhyamay, wuxuuna yidhi: Kani waa Maalin daran.
[22]. Wuxuu dareemay Nabi Luud welwel iyo walbahaar markay yimaadeen Rusushaa Alle (ee malaa’igta aheyd), waayo waxay ku yimadeen qaab iyo muuqaal niman dhallinyaro ahoo qurux badan, waxayna jeclaayeen qoonkii Luud dhallinyarada sidaa u qurxoon oo ku sameyn jireen falxumo. Markaasuu Luud ka welwelay taasi oo dareemay inuusan awoodin inuu difaaco hadday ku soo xadgudbaan qoomkiisa nimankaa dhallinyarada ah. Nabi Luud wuxuu u cabsaday bed qabidda iyo sharafta martidiisa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَجَآءَهُۥ قَوۡمُهُۥ يُهۡرَعُونَ إِلَيۡهِ وَمِن قَبۡلُ كَانُواْ يَعۡمَلُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ هَٰٓؤُلَآءِ بَنَاتِي هُنَّ أَطۡهَرُ لَكُمۡۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَلَا تُخۡزُونِ فِي ضَيۡفِيٓۖ أَلَيۡسَ مِنكُمۡ رَجُلٞ رَّشِيدٞ
78. Tolkiisii baa u yimid (sida in) la soo dedejiyey xaggiisa, iyagoo horeyba u sameyn jirey falal xun [23]. wuxuu yidhi: Tolkayow! Kuwani waa gabdhahaygii [24], iyagaa idiinka daahirsan ee Alle ka cabsada oo ha igu ceebeynina martiday. Miyaanu idinku jirin nin toosan?
[23]. Waa tilmaan dhaqankooda xumaa ee ahaa fuulidda ragga (khaniisnimada).
[24]. Wuxuu ula jeedaa dumarka qoonkiisa ee guur doonka ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ لَقَدۡ عَلِمۡتَ مَا لَنَا فِي بَنَاتِكَ مِنۡ حَقّٖ وَإِنَّكَ لَتَعۡلَمُ مَا نُرِيدُ
79. Waxay yidhaahdeen: Waad ogtahay inaanaan ku laheyn wax xaq ah gabdha-
haaga, waadna og tahay waxaanu rabno.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ لَوۡ أَنَّ لِي بِكُمۡ قُوَّةً أَوۡ ءَاوِيٓ إِلَىٰ رُكۡنٖ شَدِيدٖ
80. Wuxuu yidhi: Hahe! Ma aan lahaado xoog aan idinku caabbiyo, ama meel aan u ciirsadoo tiir adag leh.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ يَٰلُوطُ إِنَّا رُسُلُ رَبِّكَ لَن يَصِلُوٓاْ إِلَيۡكَۖ فَأَسۡرِ بِأَهۡلِكَ بِقِطۡعٖ مِّنَ ٱلَّيۡلِ وَلَا يَلۡتَفِتۡ مِنكُمۡ أَحَدٌ إِلَّا ٱمۡرَأَتَكَۖ إِنَّهُۥ مُصِيبُهَا مَآ أَصَابَهُمۡۚ إِنَّ مَوۡعِدَهُمُ ٱلصُّبۡحُۚ أَلَيۡسَ ٱلصُّبۡحُ بِقَرِيبٖ
81. Waxay yidhaahdeen: Luudoow! Waxaanu innagu nahay Rusushii Rabbigaa! Waxnana kuma gaarsiin karaan, ee la guuree ehelkaaga qayb ka mid ah habeenka, oo yuusan midkiinna dib u soo jeesan marwadaada maahee, waxaa ku dhici, waxa ku dhici iyaga, ballankooduna waa subaxa, miyuusan subaxu dhoweyn?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ሁድ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት