Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ሁድ   አንቀፅ:
وَيَٰقَوۡمِ لَا يَجۡرِمَنَّكُمۡ شِقَاقِيٓ أَن يُصِيبَكُم مِّثۡلُ مَآ أَصَابَ قَوۡمَ نُوحٍ أَوۡ قَوۡمَ هُودٍ أَوۡ قَوۡمَ صَٰلِحٖۚ وَمَا قَوۡمُ لُوطٖ مِّنكُم بِبَعِيدٖ
89. Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan denbi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, qolodii Luudna ma aha wax idinka fog.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِۚ إِنَّ رَبِّي رَحِيمٞ وَدُودٞ
90. Ee weydiista denbi dhaaf Rabbigiin una tawbad keena. Rabbigay waa Naxariis Badane, Jecel (ciddii tawbad keenta).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ يَٰشُعَيۡبُ مَا نَفۡقَهُ كَثِيرٗا مِّمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَىٰكَ فِينَا ضَعِيفٗاۖ وَلَوۡلَا رَهۡطُكَ لَرَجَمۡنَٰكَۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡنَا بِعَزِيزٖ
91. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Fahmi mayno in badan oo waxaad leedahay ah, waxaana kuu aragnaa mid daciif ah dhexdayada. Haddaannu kugu xaq dhowreyn tolkaa dhagax tuur baan kugu dili lahayn, mana tihid adigu mid nagu leh ciso iyo sharaf dhexdeenna.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ يَٰقَوۡمِ أَرَهۡطِيٓ أَعَزُّ عَلَيۡكُم مِّنَ ٱللَّهِ وَٱتَّخَذۡتُمُوهُ وَرَآءَكُمۡ ظِهۡرِيًّاۖ إِنَّ رَبِّي بِمَا تَعۡمَلُونَ مُحِيطٞ
92. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma reerkaan ka dhashay baa idin kala darajo roonaaday Alle? Oo ka yeelataan sida waxaad tuurtaan dhabarkiinna gadaashiis; hubaal Rabbigay waa koobaa waxa aad fashaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَيَٰقَوۡمِ ٱعۡمَلُواْ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمۡ إِنِّي عَٰمِلٞۖ سَوۡفَ تَعۡلَمُونَ مَن يَأۡتِيهِ عَذَابٞ يُخۡزِيهِ وَمَنۡ هُوَ كَٰذِبٞۖ وَٱرۡتَقِبُوٓاْ إِنِّي مَعَكُمۡ رَقِيبٞ
93. Tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, aniguna sidoo kale waan camal falanayaa. Waad ogaan doontaan waa kee kan ay ku iman cadaab dulleysa, waana kee kaasi ah beenale, oo dhowra, aniguna sidoo kale waan idinla dhowri (sugayaa natiijada iyo waxa idinku dhaca).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَمَّا جَآءَ أَمۡرُنَا نَجَّيۡنَا شُعَيۡبٗا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ بِرَحۡمَةٖ مِّنَّا وَأَخَذَتِ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ ٱلصَّيۡحَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دِيَٰرِهِمۡ جَٰثِمِينَ
94. Markuu yimid Amarkayagii, Waxaan ku badbaadinnay Shucayb iyo intii la rumeysey Naxariis ka ahaatay Xaggayaga. oo qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha) falay, markaasay noqdeen baqti af gambi u dhex yaal guryahooda [26].
[26] Ummadahaasoo dhan waa la rogay.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
كَأَن لَّمۡ يَغۡنَوۡاْ فِيهَآۗ أَلَا بُعۡدٗا لِّمَدۡيَنَ كَمَا بَعِدَتۡ ثَمُودُ
95. Sidii inayan weligoodba ku noolaan halkaa. Ee ha fogaadeen Madyan siday u fogaadeenba Thamuud.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ
96. Waxaana dhab ahaan la soo dirnay Muuse Aayadahayagii iyo Xujo Cad.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَٱتَّبَعُوٓاْ أَمۡرَ فِرۡعَوۡنَۖ وَمَآ أَمۡرُ فِرۡعَوۡنَ بِرَشِيدٖ
97. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, waxayse raaceen amarkii Fircoon, oo amarka Fircoon ma aheyn mid toosan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ሁድ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት