Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ሁድ   አንቀፅ:
قَالَ يَٰنُوحُ إِنَّهُۥ لَيۡسَ مِنۡ أَهۡلِكَۖ إِنَّهُۥ عَمَلٌ غَيۡرُ صَٰلِحٖۖ فَلَا تَسۡـَٔلۡنِ مَا لَيۡسَ لَكَ بِهِۦ عِلۡمٌۖ إِنِّيٓ أَعِظُكَ أَن تَكُونَ مِنَ ٱلۡجَٰهِلِينَ
46. (Alle) wuxuu yidhi: Nuuxow! Wiilku ka mid ma aha ehelkaaga ; waa camal xun yahay, ee ha i weydiisan waxaad u lahayn cilmi. Waxaan kaa waanin inaad ka mid noqoto jaahiliinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ رَبِّ إِنِّيٓ أَعُوذُ بِكَ أَنۡ أَسۡـَٔلَكَ مَا لَيۡسَ لِي بِهِۦ عِلۡمٞۖ وَإِلَّا تَغۡفِرۡ لِي وَتَرۡحَمۡنِيٓ أَكُن مِّنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ
47. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! waxaan kaa magan galayaa inaan ku weydiisto wax aanan u lahayn cilmi. Haddaadan ii denbi dhaafin oo ii naxariisan, waxaan ka mid noqon kuwa khasaaray.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قِيلَ يَٰنُوحُ ٱهۡبِطۡ بِسَلَٰمٖ مِّنَّا وَبَرَكَٰتٍ عَلَيۡكَ وَعَلَىٰٓ أُمَمٖ مِّمَّن مَّعَكَۚ وَأُمَمٞ سَنُمَتِّعُهُمۡ ثُمَّ يَمَسُّهُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٞ
48. Waxaa la yidhi Nuuxow! Ku deg Nabad galyo Xaggayaga ah iyo barakooyin korkaaga iyo korkooda ummado ka mid ah kuwa kula jira (waa mu'miniinta, waxaase jiri doona) ummado (kale oo gaalo ah) aan u raaxeyn (in xoogaa muddo ah), kaddib waxaa ka taaban doona Xaggayaga cadaab xanuun badan (Aakhirada).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
تِلۡكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلۡغَيۡبِ نُوحِيهَآ إِلَيۡكَۖ مَا كُنتَ تَعۡلَمُهَآ أَنتَ وَلَا قَوۡمُكَ مِن قَبۡلِ هَٰذَاۖ فَٱصۡبِرۡۖ إِنَّ ٱلۡعَٰقِبَةَ لِلۡمُتَّقِينَ
49. Kuwani waa warar la xidhiidha waxa dahsoonaa ee aan kuu waxyoonno (Nabiyow), ma aad ogeyn adiga iyo qoonkaaguba kani (Qur’aanka) ka hor. Ee samir. Hubaal, cidhibta (wanaagsan) waxaa iska leh kuwa dhowrsoon.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِلَىٰ عَادٍ أَخَاهُمۡ هُودٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۖ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا مُفۡتَرُونَ
50. (Qoladii) Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya! Ma lihidin Ilaah kale (xaq ah) aan Isaga aheyn, idinku ma ahidin waxna aan aheyn been abuurtayaal.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
يَٰقَوۡمِ لَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ أَجۡرًاۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱلَّذِي فَطَرَنِيٓۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
51. Tolkayow! idinkuma weydiisanayo wax abaalgud ah (Dhambaalka Alle), abaal gudkeyga wuxuu saaran yahay oo keliya Kan i abuuray (Alle). Ee ma waydaan haddaba wax fahmeyn?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَيَٰقَوۡمِ ٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِ يُرۡسِلِ ٱلسَّمَآءَ عَلَيۡكُم مِّدۡرَارٗا وَيَزِدۡكُمۡ قُوَّةً إِلَىٰ قُوَّتِكُمۡ وَلَا تَتَوَلَّوۡاْ مُجۡرِمِينَ
52. Tolkayow! Weydiista denbi dhaaf (Alle) Rabbigiin una tawbad keena, Wuxuu idiin soo dirayaa daruuro shubaya roob badan oo darar ah, idiinkuna darayaa xoog xooggiinna, hana jeesannina idinkoo denbiilayaal ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ يَٰهُودُ مَا جِئۡتَنَا بِبَيِّنَةٖ وَمَا نَحۡنُ بِتَارِكِيٓ ءَالِهَتِنَا عَن قَوۡلِكَ وَمَا نَحۡنُ لَكَ بِمُؤۡمِنِينَ
53. Waxay yidhaahdeen: Huudow! Noolama aad imaan wax Xujo Cad ah, kagamana tagayno ilaahyadayada hadalkaaga (darti), kumana rumayneyno.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ሁድ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት