Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ዩኑስ   አንቀፅ:
وَمِنۡهُم مَّن يَنظُرُ إِلَيۡكَۚ أَفَأَنتَ تَهۡدِي ٱلۡعُمۡيَ وَلَوۡ كَانُواْ لَا يُبۡصِرُونَ
43. Waxaana ka mid ah kuwo ku soo eega [14], ma adigaase ku toosin kara waddada indhoolaha iyagoon wax arkayn?
[14]. Macnaha waxaa weeye way arkaan calaamadaha Nabinnimada Rasuulka s.c.w. mase ay raacaan oo wax kuma qaataan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَظۡلِمُ ٱلنَّاسَ شَيۡـٔٗا وَلَٰكِنَّ ٱلنَّاسَ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
44. Hubaal Alle kama dulmiyo dadka waxba;dadkuse iyagaa nafahooda dulmiya.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ كَأَن لَّمۡ يَلۡبَثُوٓاْ إِلَّا سَاعَةٗ مِّنَ ٱلنَّهَارِ يَتَعَارَفُونَ بَيۡنَهُمۡۚ قَدۡ خَسِرَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِلِقَآءِ ٱللَّهِ وَمَا كَانُواْ مُهۡتَدِينَ
45. Maalinta uu soo kulmin iyagoo dhan, (waxay ahaan) sida inaysan ku negaanba (adduunka) waxaan aheyn saacad maalin ka mid ah, wayna is aqoonsan. Waxaa run ahaan khasaari kuwa beeniyey la kunlanka Alle, mana ay ahayn kuwo hanuunsan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِمَّا نُرِيَنَّكَ بَعۡضَ ٱلَّذِي نَعِدُهُمۡ أَوۡ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَيۡنَا مَرۡجِعُهُمۡ ثُمَّ ٱللَّهُ شَهِيدٌ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ
46. Haddaan ku tusinno 'intaad nooshahay' qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno (oo cadaab ah), ama aan ku oofsannoba, waa Xaggayaga meel noqodkooda, Allaana ka marag ah oo u jeeda waxay falayaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلِكُلِّ أُمَّةٖ رَّسُولٞۖ فَإِذَا جَآءَ رَسُولُهُمۡ قُضِيَ بَيۡنَهُم بِٱلۡقِسۡطِ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
47. Ummad kasta waxay leedahay Rasuul; markuu u yimaado Rasuulkoodu, waxaa lagu kala xukumi dhexdooda si caddaalad ah iyagoon la dulmineyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
48. Waxay (gaaladu) odhan: Waa goorma ballan qaadkani-haddaad run sheegaysaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُل لَّآ أَمۡلِكُ لِنَفۡسِي ضَرّٗا وَلَا نَفۡعًا إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۗ لِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌۚ إِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ فَلَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ سَاعَةٗ وَلَا يَسۡتَقۡدِمُونَ
49. Dheh: Anigu uma hayo naftayda wax dhib ama dheef ah wuxuu Alle doono ma’ahee. Ummad kasta waxay leedahay muddo loo qabtay; markuu yimaado ajalkoodu, ma dib dhigi karaan saacad, kamana soo hormari karaan (waqtigooda).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَتَىٰكُمۡ عَذَابُهُۥ بَيَٰتًا أَوۡ نَهَارٗا مَّاذَا يَسۡتَعۡجِلُ مِنۡهُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ
50. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado cadaabkiisu habeen ama maalin cad - maxay ka degdegsanayaan denbiilayaashu [15]?
[15]. Maxay ka degdegsanayaan, waxay tilmaameysaa ku jeesjeeska gaalada ay ku jeesjeesayeen Nabiga s.c.w. iyagoo ku lahaa: Noo keen ciqaabka Alle caddeyn ahaan inaad run sheegayso.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَثُمَّ إِذَا مَا وَقَعَ ءَامَنتُم بِهِۦٓۚ ءَآلۡـَٰٔنَ وَقَدۡ كُنتُم بِهِۦ تَسۡتَعۡجِلُونَ
51. Mise markuu dhaco ayaad rumayn? Ma imminka (baad rumeyn)? Idinkoo horay u doonayey in la idiin soo dedejiyo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ قِيلَ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡخُلۡدِ هَلۡ تُجۡزَوۡنَ إِلَّا بِمَا كُنتُمۡ تَكۡسِبُونَ
52. Markaasaa lagu odhan kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha) falay: Dhadhamiya cadaabka waarista. La idinku abaal marin maayo waxaan aheyn waxaad geysateen (oo denbiyo ah).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ وَيَسۡتَنۢبِـُٔونَكَ أَحَقٌّ هُوَۖ قُلۡ إِي وَرَبِّيٓ إِنَّهُۥ لَحَقّٞۖ وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ
53. Waxay ku weydiin: Ma run baa (Qiyaamada)? Dheh: Haa, Waa igu Rabbigaye! Waa xaq. Mana ka baxsan kartaan (Cadaabka).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ዩኑስ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት