Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ዩኑስ   አንቀፅ:
فَلَوۡلَا كَانَتۡ قَرۡيَةٌ ءَامَنَتۡ فَنَفَعَهَآ إِيمَٰنُهَآ إِلَّا قَوۡمَ يُونُسَ لَمَّآ ءَامَنُواْ كَشَفۡنَا عَنۡهُمۡ عَذَابَ ٱلۡخِزۡيِ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٖ
98. Maxay u jiri weydey magaalo rumaysa oo uu wax u taro iimaankeedu oo aan ahayn qolodii Yuunus? Markay rumeeyeen waxaan ka feydnay cadaabkii dulliga ee nolosha adduunka, waxaana u raaxaynay tan iyo muddo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ لَأٓمَنَ مَن فِي ٱلۡأَرۡضِ كُلُّهُمۡ جَمِيعًاۚ أَفَأَنتَ تُكۡرِهُ ٱلنَّاسَ حَتَّىٰ يَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ
99. Hadduu doono Rabbigaa, way rumayn lahaayeen waxa dhulka jooga oo dhan kulligood. Ee ma waxaad adigu khasbi dadka jeer ay noqdaan mu’miniin.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَا كَانَ لِنَفۡسٍ أَن تُؤۡمِنَ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَيَجۡعَلُ ٱلرِّجۡسَ عَلَى ٱلَّذِينَ لَا يَعۡقِلُونَ
100. Nafna ma rumeyso Idanka Alle la'aantii, Wuxuuna Alle yeelaa qurunka [25] kuwaa dushooda aan (Xaqa) garowsan.
[25]. Waxaa ka mid ah macnooyinkeeda wasakh, cadho, ciqaab, gaalnimo, iyo habow.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُلِ ٱنظُرُواْ مَاذَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ وَمَا تُغۡنِي ٱلۡأٓيَٰتُ وَٱلنُّذُرُ عَن قَوۡمٖ لَّا يُؤۡمِنُونَ
101. Dheh: Fiiriya waxa ku sugan cirarka iyo dhulka; maxayse wax u tarayaan calaamdaha iyo digniinuhu cid aan rumeyneyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَهَلۡ يَنتَظِرُونَ إِلَّا مِثۡلَ أَيَّامِ ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلِهِمۡۚ قُلۡ فَٱنتَظِرُوٓاْ إِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُنتَظِرِينَ
102. Ma waxay sugayaan (wax kale) aan aheyn (baabbi’ii) sida maalmihii dadkii tegey hortood (ee Xaqa beeniyey)? Dheh: Suga (Ciqaabka Alle), aniguna (sidoo kale) la jirkiin waxaan ka mid ahay inta sugiye.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ نُنَجِّي رُسُلَنَا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ كَذَٰلِكَ حَقًّا عَلَيۡنَا نُنجِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
103. Markaasaan badbaadinnaa Rusushayada iyo kuwa rumeysan. Sidaas bayna xaq noogu tahay inaan badbaadinno mu’miniinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُلۡ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِن كُنتُمۡ فِي شَكّٖ مِّن دِينِي فَلَآ أَعۡبُدُ ٱلَّذِينَ تَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَٰكِنۡ أَعۡبُدُ ٱللَّهَ ٱلَّذِي يَتَوَفَّىٰكُمۡۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
104. Dheh: Dadow! Haddaad ka shakisan tihiin diintayda, (ogaada inaan) Anigu caabudin kuwa aad caabuddaan Alle sokadi [26]. waxaanse caabudaa Alle Keliya ee idin oofsada, waxaana la amray inaan ka mid ahaado mu’miniinta.
[26]. Dadka caabuda sanamyada xaqiiqdu waxaa weeye inaysan caabudin sanammo ee waxay caabudaan hawadooda, hawadoodaasi baa amreysa inay caabudaan sanamyadooda. Waxa la caabudona waa labo: asnaam aan ka war heyn in la caabudo, waxayna odhan doonaan Qiyaamaha innagu war kama heyn cibaadadiinna, iyo cid ogsoon in la caabudo, kuwaasina Qiyaamaha waa ku dafiri doonaan kuwii caabudi jirey.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَأَنۡ أَقِمۡ وَجۡهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفٗا وَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ
105. Iyo inaad u jeediso wajigaaga xagga diinta (Islaamka) adigoo toosan, hana ka mid noqonin mushrikiinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَا تَدۡعُ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُكَ وَلَا يَضُرُّكَۖ فَإِن فَعَلۡتَ فَإِنَّكَ إِذٗا مِّنَ ٱلظَّٰلِمِينَ
106. Ha baryin (caabudin) Alle la jirki waxaan wax ku tari karin (haddaad caabuddo) waxna aan ku yeeli karin (haddaadan caabudin), haddaadse sidaa yeesho, waxaad ka mid noqon daalimiinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ዩኑስ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት