Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ዩኑስ   አንቀፅ:
أَلَآ إِنَّ أَوۡلِيَآءَ ٱللَّهِ لَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
62. Ogaada, hubaal, awliyada Alle ma ahaaneyso cabsi korkooda mana murugoonayaan [16].
[16]. Abuu Saciid Al-Khudri a.k.r. waxaa laga soo weriyey in Rasuulkii Alle s.c.w. yidhi: Markii qofka la saaro meydkiisa alwaaxa janaazada (oo janaasadu tahay diyaar) oo raggu ku qaadaan garbahooda, haddii mowtanahu ahaa qof wanaagsan waxay tidhaahdaa: I dedejiya I dedejiya, haddiise uu ahaa qof aan wanaagsaneyn waxay odhan: Hooggeeda'e xaggee u siddaan. Waxaa maqla codkeeda wax walba aadanaha maahee, hadduu maqli lahaana waa uu suuxi lahaa." (W.w. Al-Bukhaari).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ
63. (Waa) kuwa (Towxiidka) rumeysan ee iska ilaasha (shirkiga iyo xumaha kale).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَهُمُ ٱلۡبُشۡرَىٰ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ لَا تَبۡدِيلَ لِكَلِمَٰتِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
64. Waxay leeyihiin bishaaro [17] nolosha adduunkan iyo aakhiradaba. Ma jiro wax beddelaad ah Kelmadaha Alle (iyo baaqasho Ballankiisa). Arrinkaasi weeye Liibaanta Weyn.
[17]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Riyada wanaagsan (ee dhabowda) uu ku riyooda qof wanaagsan ee Alle ka cabsada waa qayb ka mid ah afartan iyo lixdanka qaybood ee Nabinnimada. W.w.Al-Bukhaari
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَا يَحۡزُنكَ قَوۡلُهُمۡۘ إِنَّ ٱلۡعِزَّةَ لِلَّهِ جَمِيعًاۚ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
65. Yeysan ku murugo gelin (gaalada) hadalkoodu, Ciso oo dhan waxaa iska leh Allaah. Waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَلَآ إِنَّ لِلَّهِ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِۗ وَمَا يَتَّبِعُ ٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ شُرَكَآءَۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا ٱلظَّنَّ وَإِنۡ هُمۡ إِلَّا يَخۡرُصُونَ
66. Ogaada, hubaal, Allaah baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Ma raacaan (run ahaan) wax shuruko ah kuwa barya cid kale Alle sokadi, ma raacaan (waxna) aan ahayn malo, oo been uun bay sheegayaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِتَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَسۡمَعُونَ
67. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana iftiin aad wax ku aragtaan. Waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin ciddii wax maqli.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدٗاۗ سُبۡحَٰنَهُۥۖ هُوَ ٱلۡغَنِيُّۖ لَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِي ٱلۡأَرۡضِۚ إِنۡ عِندَكُم مِّن سُلۡطَٰنِۭ بِهَٰذَآۚ أَتَقُولُونَ عَلَى ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
68. Waxay yidhaahdaan: Alle wuxuu leeyahay ilmo [18], Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan). waa Hodanka Deeqtoon. Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wax Xujo ahna uma haysataan (arrin)kani. Ma waxaad ka sheegaysaan Alle wax aydaan ogeyn?
[18]. Waa sida ay yidhaahdaan Kirishtaanka iyo mushrikiinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُلۡ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَفۡتَرُونَ عَلَى ٱللَّهِ ٱلۡكَذِبَ لَا يُفۡلِحُونَ
69. Dheh: Kuwa Alle ka been sheega ma liibaanaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَتَٰعٞ فِي ٱلدُّنۡيَا ثُمَّ إِلَيۡنَا مَرۡجِعُهُمۡ ثُمَّ نُذِيقُهُمُ ٱلۡعَذَابَ ٱلشَّدِيدَ بِمَا كَانُواْ يَكۡفُرُونَ
70. Waa raaxo (yar) adduunkan gudahi, markaas Xaggayaga buu ahaan meel noqodkoodu, markaas baan dhadhansiin cadaab daran, gaalnimadooda darteed.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ዩኑስ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት