Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: യൂനുസ്   ആയത്ത്:
وَمِنۡهُم مَّن يَنظُرُ إِلَيۡكَۚ أَفَأَنتَ تَهۡدِي ٱلۡعُمۡيَ وَلَوۡ كَانُواْ لَا يُبۡصِرُونَ
43. Waxaana ka mid ah kuwo ku soo eega [14], ma adigaase ku toosin kara waddada indhoolaha iyagoon wax arkayn?
[14]. Macnaha waxaa weeye way arkaan calaamadaha Nabinnimada Rasuulka s.c.w. mase ay raacaan oo wax kuma qaataan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَظۡلِمُ ٱلنَّاسَ شَيۡـٔٗا وَلَٰكِنَّ ٱلنَّاسَ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
44. Hubaal Alle kama dulmiyo dadka waxba;dadkuse iyagaa nafahooda dulmiya.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ كَأَن لَّمۡ يَلۡبَثُوٓاْ إِلَّا سَاعَةٗ مِّنَ ٱلنَّهَارِ يَتَعَارَفُونَ بَيۡنَهُمۡۚ قَدۡ خَسِرَ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِلِقَآءِ ٱللَّهِ وَمَا كَانُواْ مُهۡتَدِينَ
45. Maalinta uu soo kulmin iyagoo dhan, (waxay ahaan) sida inaysan ku negaanba (adduunka) waxaan aheyn saacad maalin ka mid ah, wayna is aqoonsan. Waxaa run ahaan khasaari kuwa beeniyey la kunlanka Alle, mana ay ahayn kuwo hanuunsan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَإِمَّا نُرِيَنَّكَ بَعۡضَ ٱلَّذِي نَعِدُهُمۡ أَوۡ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَيۡنَا مَرۡجِعُهُمۡ ثُمَّ ٱللَّهُ شَهِيدٌ عَلَىٰ مَا يَفۡعَلُونَ
46. Haddaan ku tusinno 'intaad nooshahay' qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno (oo cadaab ah), ama aan ku oofsannoba, waa Xaggayaga meel noqodkooda, Allaana ka marag ah oo u jeeda waxay falayaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَلِكُلِّ أُمَّةٖ رَّسُولٞۖ فَإِذَا جَآءَ رَسُولُهُمۡ قُضِيَ بَيۡنَهُم بِٱلۡقِسۡطِ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ
47. Ummad kasta waxay leedahay Rasuul; markuu u yimaado Rasuulkoodu, waxaa lagu kala xukumi dhexdooda si caddaalad ah iyagoon la dulmineyn.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
48. Waxay (gaaladu) odhan: Waa goorma ballan qaadkani-haddaad run sheegaysaan.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُل لَّآ أَمۡلِكُ لِنَفۡسِي ضَرّٗا وَلَا نَفۡعًا إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۗ لِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌۚ إِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ فَلَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ سَاعَةٗ وَلَا يَسۡتَقۡدِمُونَ
49. Dheh: Anigu uma hayo naftayda wax dhib ama dheef ah wuxuu Alle doono ma’ahee. Ummad kasta waxay leedahay muddo loo qabtay; markuu yimaado ajalkoodu, ma dib dhigi karaan saacad, kamana soo hormari karaan (waqtigooda).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَتَىٰكُمۡ عَذَابُهُۥ بَيَٰتًا أَوۡ نَهَارٗا مَّاذَا يَسۡتَعۡجِلُ مِنۡهُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ
50. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado cadaabkiisu habeen ama maalin cad - maxay ka degdegsanayaan denbiilayaashu [15]?
[15]. Maxay ka degdegsanayaan, waxay tilmaameysaa ku jeesjeeska gaalada ay ku jeesjeesayeen Nabiga s.c.w. iyagoo ku lahaa: Noo keen ciqaabka Alle caddeyn ahaan inaad run sheegayso.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
أَثُمَّ إِذَا مَا وَقَعَ ءَامَنتُم بِهِۦٓۚ ءَآلۡـَٰٔنَ وَقَدۡ كُنتُم بِهِۦ تَسۡتَعۡجِلُونَ
51. Mise markuu dhaco ayaad rumayn? Ma imminka (baad rumeyn)? Idinkoo horay u doonayey in la idiin soo dedejiyo.
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
ثُمَّ قِيلَ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡخُلۡدِ هَلۡ تُجۡزَوۡنَ إِلَّا بِمَا كُنتُمۡ تَكۡسِبُونَ
52. Markaasaa lagu odhan kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha) falay: Dhadhamiya cadaabka waarista. La idinku abaal marin maayo waxaan aheyn waxaad geysateen (oo denbiyo ah).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
۞ وَيَسۡتَنۢبِـُٔونَكَ أَحَقٌّ هُوَۖ قُلۡ إِي وَرَبِّيٓ إِنَّهُۥ لَحَقّٞۖ وَمَآ أَنتُم بِمُعۡجِزِينَ
53. Waxay ku weydiin: Ma run baa (Qiyaamada)? Dheh: Haa, Waa igu Rabbigaye! Waa xaq. Mana ka baxsan kartaan (Cadaabka).
അറബി തഫ്സീറുകൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: യൂനുസ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അവസാനിപ്പിക്കുക