Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 詩人たち章   節:
مَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يُمَتَّعُونَ
207. Maxay u tari Waxa loogu raaxeeyey?
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنذِرُونَ
208. Ma jirtona magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal.
アラビア語 クルアーン注釈:
ذِكۡرَىٰ وَمَا كُنَّا ظَٰلِمِينَ
209. Si loo waaniyo, mana nihin kuwo ku gardarrooda (dadka).
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمَا تَنَزَّلَتۡ بِهِ ٱلشَّيَٰطِينُ
210. Ma ayan keenin [15] 'Qur’aankan' Shaydaammada.
[15]. Siday yidhaahdaan gaalada, waxaase Alle Xaggiisa ka keenay malag Jabriil, Ruuxa aaminka ah oo ku soo dejiyey Nabi Muxammad s.c.w.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمَا يَنۢبَغِي لَهُمۡ وَمَا يَسۡتَطِيعُونَ
211. Kuma habboona, mana laha awood (sheydaammadu) inay isagoo kale (Qur’aankan) keenaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
إِنَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّمۡعِ لَمَعۡزُولُونَ
212. Waa kuwo laga fogeeyey inay maqalaan 'Qur’aanka' [16].
[16]. Sida lagu xusay Suuradda 72: Aayadda 9.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَلَا تَدۡعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُعَذَّبِينَ
213. Ee ha la baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle si aadan uga mid noqon kuwa la cadaabayo.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَأَنذِرۡ عَشِيرَتَكَ ٱلۡأَقۡرَبِينَ
214. U dig xigtadaada kuu dhow.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
215. Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta.
アラビア語 クルアーン注釈:
فَإِنۡ عَصَوۡكَ فَقُلۡ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تَعۡمَلُونَ
216. Haddayse ku caasiyaan dheh: Anigu barii baan ka ahay waxaad fashaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ
217. Talo saarona (Alle) Adkaadaha Sare, Naxariista Badan,
アラビア語 クルアーン注釈:
ٱلَّذِي يَرَىٰكَ حِينَ تَقُومُ
218. Ee ku arka markaad kaceyso [17].
[17]. Markaad ka soo kacdo gogoshaada habeenkii si aad u tukato salaatu leyl adigoo keligaa ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَتَقَلُّبَكَ فِي ٱلسَّٰجِدِينَ
219. Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood [18] kuwa u sujuuda (Alle).
[18]. Adigoo ku dhex jira kuwaasi kula tukada jameeco ahaanta.
アラビア語 クルアーン注釈:
إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ
220. Hubaal (Alle) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.
アラビア語 クルアーン注釈:
هَلۡ أُنَبِّئُكُمۡ عَلَىٰ مَن تَنَزَّلُ ٱلشَّيَٰطِينُ
221. Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada?
アラビア語 クルアーン注釈:
تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٖ
222. Waxay ku soo degaan beenaale kasta, denbiile ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
يُلۡقُونَ ٱلسَّمۡعَ وَأَكۡثَرُهُمۡ كَٰذِبُونَ
223. Waxay dhigtaan dhegaha [19], badankoodna waa beenlawyo.
[19]. Tani waxay ahayd ka hor inta aan arrinkaa laga mamnuucin shayaadiinta oo laga hor joogsan, sida ku soo aroortay Suuradda 72: Aayadaha 8-9.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَٱلشُّعَرَآءُ يَتَّبِعُهُمُ ٱلۡغَاوُۥنَ
224. Gabyaayadana waxaa raaca kuwa habowsan.
アラビア語 クルアーン注釈:
أَلَمۡ تَرَ أَنَّهُمۡ فِي كُلِّ وَادٖ يَهِيمُونَ
225. Miyaadan arag inay tog kasta la wareegeystaan (wareer ku jira, iyagoo ku ammaana dad run iyo beenba)?
アラビア語 クルアーン注釈:
وَأَنَّهُمۡ يَقُولُونَ مَا لَا يَفۡعَلُونَ
226. Iyo inay sheegaan waxaysan falayn [20].
[20]. Waxaa loola jeedaa in gabyaayada qaarkood iska tiriyaan gabayga iyagoo aan ugala jeedin khayr fidin, aan lahayn wax mowqif cad ah, iyagoo ku hadla been iyagoo aan wax kala saarin, wax iska ammaana ama caaya iyagoo uun raacaya hawadooda iyo danahooda.
アラビア語 クルアーン注釈:
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَذَكَرُواْ ٱللَّهَ كَثِيرٗا وَٱنتَصَرُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا ظُلِمُواْۗ وَسَيَعۡلَمُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَيَّ مُنقَلَبٖ يَنقَلِبُونَ
227. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ma'ahee oo samaha fala, oo xusa Alle in badan, oo difaaca nafahooda (iyo mu’miniintaba) marka la dulmiyo kaddib [21]. Way ogaan kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) rogmasho noocee ah bay rogmi 'Qiyaamada' [22]?
[21]. Ee ugu jawaaba gabay ahaan wax sheegga gabyaayada cadowga.
[22]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: In laabta midkiin malax ka buuxsanto baa ka fiican inuu ka buuxsamo gabay.” Waa gabayada xun aan qiimaha lahayn.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 詩人たち章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる