Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: At-Tawbah   Verse:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قَٰتِلُواْ ٱلَّذِينَ يَلُونَكُم مِّنَ ٱلۡكُفَّارِ وَلۡيَجِدُواْ فِيكُمۡ غِلۡظَةٗۚ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلۡمُتَّقِينَ
123. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! La dagaallama kuwa idinku qabsan ee ka mid ah gaalada (duullaanlka idinku ah) hana idinka heleyn adadayg. Ogaada inuu Alle la jiro dhowrsanayaasha.
Arabic Tafsirs:
وَإِذَا مَآ أُنزِلَتۡ سُورَةٞ فَمِنۡهُم مَّن يَقُولُ أَيُّكُمۡ زَادَتۡهُ هَٰذِهِۦٓ إِيمَٰنٗاۚ فَأَمَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ فَزَادَتۡهُمۡ إِيمَٰنٗا وَهُمۡ يَسۡتَبۡشِرُونَ
124. Marka Suurad la soo dejiyo, waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwo yidhaahda: Kiinnee bay tani u kordhisay Iimaan?. Kuwa rumeysan waxay u kordhisaa iimaan, oo waa bay ku farxaan oo bishaareystaan.
Arabic Tafsirs:
وَأَمَّا ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ فَزَادَتۡهُمۡ رِجۡسًا إِلَىٰ رِجۡسِهِمۡ وَمَاتُواْ وَهُمۡ كَٰفِرُونَ
125. Kuwase quluubta ka buka [43], waxay u kordhisaa fadaro [44] 'ka badan' fadaradoodii, waxayna dhintaan iyagoo gaalo ah.
[43]. Jirrada qalbiga waxaa halkan loola jeedaa gaalnimada, nifaaqa, shakiga, kibirka, iwm.
[44]. Rijz luqad ahaan waa xumaan, fadaro, najaaso waxaana loola jeedaa gaalnimo iyo munaafiqnimo.
Arabic Tafsirs:
أَوَلَا يَرَوۡنَ أَنَّهُمۡ يُفۡتَنُونَ فِي كُلِّ عَامٖ مَّرَّةً أَوۡ مَرَّتَيۡنِ ثُمَّ لَا يَتُوبُونَ وَلَا هُمۡ يَذَّكَّرُونَ
126. Miyeyna arag in la jarribo sannad walba mar ama labo jeer? Sidaa oy tahay uma tawbad keenaan (Alle), mana waansamaan.
Arabic Tafsirs:
وَإِذَا مَآ أُنزِلَتۡ سُورَةٞ نَّظَرَ بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٍ هَلۡ يَرَىٰكُم مِّنۡ أَحَدٖ ثُمَّ ٱنصَرَفُواْۚ صَرَفَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُم بِأَنَّهُمۡ قَوۡمٞ لَّا يَفۡقَهُونَ
127. Marka Suurad la soo dejiyo, wuxuu eegaa qaarkoodba qaarka kale (oo isweydiiyaan): Cid ma idin aragtaa? markaasay jeesadaan. Alle baa ka jeediyey quluubtooda (hanuunka), waayo waa qolo aan wax fahmin.
Arabic Tafsirs:
لَقَدۡ جَآءَكُمۡ رَسُولٞ مِّنۡ أَنفُسِكُمۡ عَزِيزٌ عَلَيۡهِ مَا عَنِتُّمۡ حَرِيصٌ عَلَيۡكُم بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ رَءُوفٞ رَّحِيمٞ
128. Waxaa dhab ahaan idiin yimid Rasuul idinka mid ah 'waa Nabi Muxammad s.c.w', oo ay ku adag tahay waxa idin dhiba, idiin roon oo dadaal badan, mu’miniinta u turid iyo naxariis badan.
Arabic Tafsirs:
فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَقُلۡ حَسۡبِيَ ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ عَلَيۡهِ تَوَكَّلۡتُۖ وَهُوَ رَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ
129. Haddayse (ka) jeesadaan (Iimaanka iyo camalka san), dheh: Waxaa igu Filan Allaah. Ma jiro ilaah (xaq lagu caabudo) Isaga maahee. Isagaan tala saartaa, waana Rabbiga Carshiga Weyn.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: At-Tawbah
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close