Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: At-Tawbah   Verse:
فَلَا تُعۡجِبۡكَ أَمۡوَٰلُهُمۡ وَلَآ أَوۡلَٰدُهُمۡۚ إِنَّمَا يُرِيدُ ٱللَّهُ لِيُعَذِّبَهُم بِهَا فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَتَزۡهَقَ أَنفُسُهُمۡ وَهُمۡ كَٰفِرُونَ
55. Yaanay maalkooda iyo carruurtooda ku cajab gelin; Alle wuxuu uun doonayaa inuu ku cadaabo nolosha adduukan, iyo in nafahu ka baxaan iyagoo gaalo ah.
Arabic Tafsirs:
وَيَحۡلِفُونَ بِٱللَّهِ إِنَّهُمۡ لَمِنكُمۡ وَمَا هُم مِّنكُمۡ وَلَٰكِنَّهُمۡ قَوۡمٞ يَفۡرَقُونَ
56. Waxay ku dhaartaan Alle inay idinka mid yihiin, mana idinka mid aha, waase qolo baqi.
Arabic Tafsirs:
لَوۡ يَجِدُونَ مَلۡجَـًٔا أَوۡ مَغَٰرَٰتٍ أَوۡ مُدَّخَلٗا لَّوَلَّوۡاْ إِلَيۡهِ وَهُمۡ يَجۡمَحُونَ
57. Hadday heli lahaayeen magan ama hog, ama meel ay galaan (qaxooti ahaan), way u jeesan lahaayeen iyagoo u kala dheereynaya.
Arabic Tafsirs:
وَمِنۡهُم مَّن يَلۡمِزُكَ فِي ٱلصَّدَقَٰتِ فَإِنۡ أُعۡطُواْ مِنۡهَا رَضُواْ وَإِن لَّمۡ يُعۡطَوۡاْ مِنۡهَآ إِذَا هُمۡ يَسۡخَطُونَ
58. Waxaa ka mid ah qaar kugu eedeeya arrin la xiriirta (qaybinta) sadaqooyinka. Haddii wax laga siiyo raalli ah, haddiise aan wax laga siin, mise way cadhoodaan.
Arabic Tafsirs:
وَلَوۡ أَنَّهُمۡ رَضُواْ مَآ ءَاتَىٰهُمُ ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥ وَقَالُواْ حَسۡبُنَا ٱللَّهُ سَيُؤۡتِينَا ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦ وَرَسُولُهُۥٓ إِنَّآ إِلَى ٱللَّهِ رَٰغِبُونَ
59. Hadday raalli ku noqon lahaayeen waxay Alle iyo Rasuulkiisu siiyeen oo ay odhan lahaayeen: Alle baa nagu Filan. Alle baa na siin wax (badan) oo ka mid ah Fadlgiiisa iyo Deeqdiisa [20], iyo (sidoo kale) Rasuulkiisa. Innagu Alle uun baan rabnaa oo wax ka dooneynaa.
[20]. Waxaa loola jeedaa waxaan rabnaa Alle iyo fadligiisa iyo aqbalkiisa, ama waxaan rabnaa wax kasta uu rabo Alle inuu naga siiyo fadligiisa.
Arabic Tafsirs:
۞ إِنَّمَا ٱلصَّدَقَٰتُ لِلۡفُقَرَآءِ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱلۡعَٰمِلِينَ عَلَيۡهَا وَٱلۡمُؤَلَّفَةِ قُلُوبُهُمۡ وَفِي ٱلرِّقَابِ وَٱلۡغَٰرِمِينَ وَفِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِۖ فَرِيضَةٗ مِّنَ ٱللَّهِۗ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٞ
60. Sadaqooyinka 'Zakada' [21] waxaa sideedaba iska leh oo keliya Fuqarada, Masaakiinta, kuwa lagu howl galiyo inay soo ururiyaan, kuwa ay u soo wehel sameen quluubtooda (Islaamka); iyo in lagu xoreeyo addoomaha; oo waxaa wax ku leh deymeysanayaasha, in lagu bixiyo Jidka Alle (jihaadka), iyo socotada 'go'doonsan', waa faral Alle uu gooyay. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
[21]. Sakada waxay ka daahirsaa qofka bakheylnimada iyo maal jaceylka zaa’idka ah. Waxay kobcisaa tilmaamaha wanaagsan ee la ammaano, oo sidoo kale waxay u kordhisaa maalkooda.
Arabic Tafsirs:
وَمِنۡهُمُ ٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ ٱلنَّبِيَّ وَيَقُولُونَ هُوَ أُذُنٞۚ قُلۡ أُذُنُ خَيۡرٖ لَّكُمۡ يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَيُؤۡمِنُ لِلۡمُؤۡمِنِينَ وَرَحۡمَةٞ لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنكُمۡۚ وَٱلَّذِينَ يُؤۡذُونَ رَسُولَ ٱللَّهِ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
61. Waxaa ka mid ah (munaafiqiinta) kuwa dhiba Nabiga oo dhaha: Waa mid rumeysta (war kasta) uu maqlo [22]. Dheh: Waa khayr maqlihiinna (ee) rumeysan Alle; oo aamin ku qaba mu’miniinta; waana u naxariis kuwiinna idinka mid ah ee rumeysan. Kuwa se dhiba Rasuulka Alle waxay leeyihiin cadaab xanuun badan.
[22]. Waxaa loola jeedaa waa qof rumeysta wax kasta uu maqlo.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: At-Tawbah
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close