Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-Anfāl   Verse:
وَٱذۡكُرُوٓاْ إِذۡ أَنتُمۡ قَلِيلٞ مُّسۡتَضۡعَفُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ تَخَافُونَ أَن يَتَخَطَّفَكُمُ ٱلنَّاسُ فَـَٔاوَىٰكُمۡ وَأَيَّدَكُم بِنَصۡرِهِۦ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
26. Xusuusta markaad aheydeen kuwo tiro yar oo lagu daciifsado dhulka, cabsanaya si aan dadku idiin kala dafin, markaasuu idin siiyey hoy aamin ah oo idinku xoojiyey Gargaarkiisa, oo idin siiyey wax ka mid ah waxyaalaha wanaagsan inaad ku mahdisaan (Alle).
Arabic Tafsirs:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَخُونُواْ ٱللَّهَ وَٱلرَّسُولَ وَتَخُونُوٓاْ أَمَٰنَٰتِكُمۡ وَأَنتُمۡ تَعۡلَمُونَ
27. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha khayaamina Alle iyo Rasuulka, hana khayaamina ammaanooyinkiinna idinkoo ogsoon.
Arabic Tafsirs:
وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَآ أَمۡوَٰلُكُمۡ وَأَوۡلَٰدُكُمۡ فِتۡنَةٞ وَأَنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥٓ أَجۡرٌ عَظِيمٞ
28. Oo ogaada in maalkiinna iyo carruurtiinu ay yihiin fidmo (imtixaan) iyo in Alle agtiisa yahay Abaalgud weyn (Janno).
Arabic Tafsirs:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تَتَّقُواْ ٱللَّهَ يَجۡعَل لَّكُمۡ فُرۡقَانٗا وَيُكَفِّرۡ عَنكُمۡ سَيِّـَٔاتِكُمۡ وَيَغۡفِرۡ لَكُمۡۗ وَٱللَّهُ ذُو ٱلۡفَضۡلِ ٱلۡعَظِيمِ
29. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad Alle ka cabsataan (oo dhowrtaan amarradiisa), Wuxuu idin siin kala saare (aad ku kala saartaan samaanta iyo xumaanta), idinkana tirtiri xumaatooyinkiinna, oo idiin denbi dhaafi. Alle waa Kan iska leh Fadliga Weyn.
Arabic Tafsirs:
وَإِذۡ يَمۡكُرُ بِكَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لِيُثۡبِتُوكَ أَوۡ يَقۡتُلُوكَ أَوۡ يُخۡرِجُوكَۚ وَيَمۡكُرُونَ وَيَمۡكُرُ ٱللَّهُۖ وَٱللَّهُ خَيۡرُ ٱلۡمَٰكِرِينَ
30. (Xusuusta, Nabiyow) markay galaadu kuu tab dhigeen si ay kuu xidhaan, ama kuu dilaan ama kuu saaraan debedda; way tab dhigeen, Allena wuu tab dhigay. Alle waa kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa.
Arabic Tafsirs:
وَإِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُنَا قَالُواْ قَدۡ سَمِعۡنَا لَوۡ نَشَآءُ لَقُلۡنَا مِثۡلَ هَٰذَآ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
31. Marka loo akhriyo Aayadahayaga, waxay yidhaahdaan: Waan maqallay (Qur’aanka); haddaan doonno waxaan odhan karnaa kanoo kale. (Waxa)kani ma aha waxaan aheyn sheeko - xariirtii dadkii hore.
Arabic Tafsirs:
وَإِذۡ قَالُواْ ٱللَّهُمَّ إِن كَانَ هَٰذَا هُوَ ٱلۡحَقَّ مِنۡ عِندِكَ فَأَمۡطِرۡ عَلَيۡنَا حِجَارَةٗ مِّنَ ٱلسَّمَآءِ أَوِ ٱئۡتِنَا بِعَذَابٍ أَلِيمٖ
32. (Xusuusta) markay yidhaahdeen (jees jees ahaan): Allahayow! Hadduu (Qur’aan)kani xaq yahay Adiga kaa yimid, nagaga soo daadi dhagaxyo roob oo kale ah xagga cirka ama noo keen cadaab xanuun badan (inaan beeninnay darteed).
Arabic Tafsirs:
وَمَا كَانَ ٱللَّهُ لِيُعَذِّبَهُمۡ وَأَنتَ فِيهِمۡۚ وَمَا كَانَ ٱللَّهُ مُعَذِّبَهُمۡ وَهُمۡ يَسۡتَغۡفِرُونَ
33. Ma ahase Alle mid cadaabaya – adigoo dhex jooga, mana aha mid cadaabaya iyagoo denbi dhaaf dalbi [9].
[9]. Ibnu Cabbaas a.k.r. wuxuu yidhi: Waxaa jiray labo ammaan, Nabiga iyo denbi dhaaf dalabka, Nabigii waa tagay oo Alle baa oofsaday, marka waxaa haray denbi dhaaf dalabka.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-Anfāl
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close