Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-Anfāl   Verse:
إِذۡ تَسۡتَغِيثُونَ رَبَّكُمۡ فَٱسۡتَجَابَ لَكُمۡ أَنِّي مُمِدُّكُم بِأَلۡفٖ مِّنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ مُرۡدِفِينَ
9. (Xusuusta) markaad gargaar weydiisateen Rabbigiin ee uu idinka aqbalay (ee yidhi): Waxaan idinku xoojin kun malaa’igta ka mid ah oo is daba joogta.
Arabic Tafsirs:
وَمَا جَعَلَهُ ٱللَّهُ إِلَّا بُشۡرَىٰ وَلِتَطۡمَئِنَّ بِهِۦ قُلُوبُكُمۡۚ وَمَا ٱلنَّصۡرُ إِلَّا مِنۡ عِندِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
10. Kama uu yeelinna Alle waxaan ahayn bishaaro, iyo inay ku xasisho quluubtiinnu, oo ma jirto guul aan ka imaan xagga Alle. Hubaal Alle waa Adkaade Sare, Xakiim ah.
Arabic Tafsirs:
إِذۡ يُغَشِّيكُمُ ٱلنُّعَاسَ أَمَنَةٗ مِّنۡهُ وَيُنَزِّلُ عَلَيۡكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ لِّيُطَهِّرَكُم بِهِۦ وَيُذۡهِبَ عَنكُمۡ رِجۡزَ ٱلشَّيۡطَٰنِ وَلِيَرۡبِطَ عَلَىٰ قُلُوبِكُمۡ وَيُثَبِّتَ بِهِ ٱلۡأَقۡدَامَ
11. (Xusuusta) markuu (Alle) sababay inay lulmo idin qabato, nabaadiino ahaan idiinka timid Xaggiisa, oo idiinkaga soo dejiyey biyo (roob) xagga daruuraha si uu idiinkugu daahiriyo, idiinkagana bi’iyo waswaaska Shaydaanka iyo si uu u xoojiyo quluubtiinna, oo idiinku sugo cagaha.
Arabic Tafsirs:
إِذۡ يُوحِي رَبُّكَ إِلَى ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ أَنِّي مَعَكُمۡ فَثَبِّتُواْ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ سَأُلۡقِي فِي قُلُوبِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱلرُّعۡبَ فَٱضۡرِبُواْ فَوۡقَ ٱلۡأَعۡنَاقِ وَٱضۡرِبُواْ مِنۡهُمۡ كُلَّ بَنَانٖ
12. Markuu Rabbigaa u waxyooday malaa’igta: Anigu waa idin la jiraaye ee qalbi suga kuwa (Xaqa) rumeeyey. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaaloobay, ee ku dhufta luqumaha korkooda, kuna dhufta xubnaha far kasta oo ay leeyihiin [5].
[5]. Tani waxay ka dhacday dagaalka, ujeeddadana waa gooya qoorta, laakiin hadduu cadowga xidho canbuur bireedyo oo ay adkaato in qoorta la gooyo, markaa waxaa la goyn gacanta si uu u qaadi kari waayo hubka, sida seefta, waranka, qoriga, iwm. Sidoo kale foodaha waxaa loola jeedaa faraha gacmahooda iyo cagahooda.
Arabic Tafsirs:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ شَآقُّواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥۚ وَمَن يُشَاقِقِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَإِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
13. Maxaa yeelay waxay khilaafeen oo caasiyeen Alle iyo Rasuulkiisa. Qofkii khilaafa Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal, Alle ciqaabkiisu wuu daran yahay.
Arabic Tafsirs:
ذَٰلِكُمۡ فَذُوقُوهُ وَأَنَّ لِلۡكَٰفِرِينَ عَذَابَ ٱلنَّارِ
14. Arrinkaas (cadaabka adduunka ah gaaloy) dhadhamiya, waxay kaloo gaaladu leeyihiin cadaab Naar ah (Aakhirada).
Arabic Tafsirs:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ زَحۡفٗا فَلَا تُوَلُّوهُمُ ٱلۡأَدۡبَارَ
15. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Markaad la kulantaan kuwa gaaloobay oo duullaan ah dagaal dooni ha u jeedininna dhabarrada.
Arabic Tafsirs:
وَمَن يُوَلِّهِمۡ يَوۡمَئِذٖ دُبُرَهُۥٓ إِلَّا مُتَحَرِّفٗا لِّقِتَالٍ أَوۡ مُتَحَيِّزًا إِلَىٰ فِئَةٖ فَقَدۡ بَآءَ بِغَضَبٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَمَأۡوَىٰهُ جَهَنَّمُۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ
16. Qofkii u jeediya dhabarkiisa maalinkaa inay tahay maahee xeel dagaal, ama inuu ku biirayo ciidan (uu ka tirsan yahay) wuxuu ku mudan taasi Cadho ah xagga Alle, hoygiisuna waa Jahannama, oo u xun meel la ahaado.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-Anfāl
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close