Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Translations’ Index

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the meanings Surah: Az-Zukhruf   Ayah:

Az-zukhruf

حمٓ
1. Xaa Miim [1].
[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ
2. Waxaan ku dhaartay Kitaabka (Qur’aanka) ee caddeeya (Xaqa).
Arabic explanations of the Qur’an:
إِنَّا جَعَلۡنَٰهُ قُرۡءَٰنًا عَرَبِيّٗا لَّعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
3. Hubaal Annagaa (Alle ah) ka yeellay Qur’aan af Carabi ah, si aad u fahantaan.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَإِنَّهُۥ فِيٓ أُمِّ ٱلۡكِتَٰبِ لَدَيۡنَا لَعَلِيٌّ حَكِيمٌ
4. Wuxuuna xaqiiq ku sugan yahay asalka Kitaabka [2] nala yaal, Kor ah, Xikmad Badan.
[2]. Waxaa loola jeedaa Looxa Maxfuudka.
Arabic explanations of the Qur’an:
أَفَنَضۡرِبُ عَنكُمُ ٱلذِّكۡرَ صَفۡحًا أَن كُنتُمۡ قَوۡمٗا مُّسۡرِفِينَ
5. Miyaan idinka deysannaa (Qur’aanka) gebigiisaba inaad tihiin qolo xad gudub badan awgeed?
Arabic explanations of the Qur’an:
وَكَمۡ أَرۡسَلۡنَا مِن نَّبِيّٖ فِي ٱلۡأَوَّلِينَ
6. Badanaa intaan Nabi u dirnay kuwii hore dhexdood!
Arabic explanations of the Qur’an:
وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن نَّبِيٍّ إِلَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
7. Ma jirin Nabi u yimaada oo aysan ku jees-jeesin.
Arabic explanations of the Qur’an:
فَأَهۡلَكۡنَآ أَشَدَّ مِنۡهُم بَطۡشٗا وَمَضَىٰ مَثَلُ ٱلۡأَوَّلِينَ
8. Markaasaan hallignay kuwo [3] ka xoog iyo qabasho badnaa, waxaana hore u tagay mataalka kuwii hore (ee la halaagay).
[3]. Waxaa loola jeedaa gaalada ku jira Quraysh, iwm.
Arabic explanations of the Qur’an:
وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡعَلِيمُ
9. Haddaad (gaaladaa) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada? Waxay odhan: Waxaa abuuray (Alle) Adkaadaha, Wax kasta Ogaha ah.
Arabic explanations of the Qur’an:
ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ مَهۡدٗا وَجَعَلَ لَكُمۡ فِيهَا سُبُلٗا لَّعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ
10. Kan idiinka dhigay dhulka gogol, idiinkuna yeelay dhexdiisa waddooyin si aad ugu toostaan.
Arabic explanations of the Qur’an:
 
Translation of the meanings Surah: Az-Zukhruf
Surahs’ Index Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Translations’ Index

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

close