Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Az-Zumar   Verse:
وَبَدَا لَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
48. Waxaana u muuqan (ciqaabka) xumaantay kasbadeen, oo waxaa ku dhici waxay ku jees-jeesi jireen (oo cadaab ah).
Arabic Tafsirs:
فَإِذَا مَسَّ ٱلۡإِنسَٰنَ ضُرّٞ دَعَانَا ثُمَّ إِذَا خَوَّلۡنَٰهُ نِعۡمَةٗ مِّنَّا قَالَ إِنَّمَآ أُوتِيتُهُۥ عَلَىٰ عِلۡمِۭۚ بَلۡ هِيَ فِتۡنَةٞ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
49. Markuu dhib taabato Aadmiga, wuu na baryaa, markaanse siinno nicmo Xaggayaga ah wuxuu yidhaahdaa: Wax kale ma’ahee’ waxaa uun laygu siiyey aqoonta (aan u leeyahay jidadka lagu helo), mayee’ waa imtixaan, badankooduse ma oga.
Arabic Tafsirs:
قَدۡ قَالَهَا ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
50. Kuwii ka horreeyey baa sidaas yidhi, waxbase uma tarin waxay kasbadeen.
Arabic Tafsirs:
فَأَصَابَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْۚ وَٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ مِنۡ هَٰٓؤُلَآءِ سَيُصِيبُهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا كَسَبُواْ وَمَا هُم بِمُعۡجِزِينَ
51. Markaasaa waxaa ku dhacay xumaanta waxay kasbadeen; oo kuwaa fala dulmiga ee ka mid ah kuwani waxaa iyagana ku dhici doona xumaanta waxay kasbadaan, mana baxsan karaan [10].
[10]. Macnaha waa ma karaan inay ka joojiyaan Allaah inuu falo waxa uu doono ama inay ka fakadaan Ciqaabkiisa.
Arabic Tafsirs:
أَوَلَمۡ يَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ وَيَقۡدِرُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
52. Miyeyna ogeyn inuu Alle u fidiyo risiqa cidduu doono, oo ku cidhiidhiyo (cidduu doono). Arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn.
Arabic Tafsirs:
۞ قُلۡ يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ أَسۡرَفُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ لَا تَقۡنَطُواْ مِن رَّحۡمَةِ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ يَغۡفِرُ ٱلذُّنُوبَ جَمِيعًاۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
53. Dheh: Addoomahaygow ku xad-gudbay nafahooda, ha ka quusannina Naxariista Alle. Alle wuu dhaafaa denbiyada oo dhan [11]. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
[11]. Waa waxaan ahayn qofkii ku dhinta shirki ama gaalnimo.
Arabic Tafsirs:
وَأَنِيبُوٓاْ إِلَىٰ رَبِّكُمۡ وَأَسۡلِمُواْ لَهُۥ مِن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَكُمُ ٱلۡعَذَابُ ثُمَّ لَا تُنصَرُونَ
54. Oo u noqda xagga Rabbigiin idinkoo tawbad keen ah, una hoggaansama ka hor intaanu idiin imaan cadaabku, markaasoo aan la idiin gargaareyn.
Arabic Tafsirs:
وَٱتَّبِعُوٓاْ أَحۡسَنَ مَآ أُنزِلَ إِلَيۡكُم مِّن رَّبِّكُم مِّن قَبۡلِ أَن يَأۡتِيَكُمُ ٱلۡعَذَابُ بَغۡتَةٗ وَأَنتُمۡ لَا تَشۡعُرُونَ
55. Raaca kan wanaagga badan ee la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin (Qur’aanka), ka hor intaanu kedis idiinku imaan cadaabku, idinkoon dareemeyn.
Arabic Tafsirs:
أَن تَقُولَ نَفۡسٞ يَٰحَسۡرَتَىٰ عَلَىٰ مَا فَرَّطتُ فِي جَنۢبِ ٱللَّهِ وَإِن كُنتُ لَمِنَ ٱلسَّٰخِرِينَ
56. Si ayan nafi u odhan [12]: Alla waxaan ku gabood falay oo ka gaabiyey caabudidda Alle, waxaana ka mid ahaa kuwa ku jees-jeesa (Xaqa).
[12]. Maalinta Qiyaamaha
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Az-Zumar
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close