Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Az-Zumar   Verse:
أَفَمَن شَرَحَ ٱللَّهُ صَدۡرَهُۥ لِلۡإِسۡلَٰمِ فَهُوَ عَلَىٰ نُورٖ مِّن رَّبِّهِۦۚ فَوَيۡلٞ لِّلۡقَٰسِيَةِ قُلُوبُهُم مِّن ذِكۡرِ ٱللَّهِۚ أُوْلَٰٓئِكَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ
22. Ma mid uu qalbigiisa Alle u furay islaamka sidaas darteed ku sugan Nuur xagga Rabbigi ah (baa la mid ah mid qalbi adag)? Waxaa hoog leh kuwa ay qalbiyadoodu ay yihiin adeyg xagga Xusidda Alle. Kuwaasu waxay ku sugan yihiin habow cad.
Arabic Tafsirs:
ٱللَّهُ نَزَّلَ أَحۡسَنَ ٱلۡحَدِيثِ كِتَٰبٗا مُّتَشَٰبِهٗا مَّثَانِيَ تَقۡشَعِرُّ مِنۡهُ جُلُودُ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُمۡ ثُمَّ تَلِينُ جُلُودُهُمۡ وَقُلُوبُهُمۡ إِلَىٰ ذِكۡرِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُدَى ٱللَّهِ يَهۡدِي بِهِۦ مَن يَشَآءُۚ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَمَا لَهُۥ مِنۡ هَادٍ
23. Alle wuxuu soo dejiyey hadal kan u fiican, Kitaab qaybahiisu isu eg yihiin oo soo noqnoqda [6], ay la jiriiricoodaan dubabka kuwa ka baqa Rabbigood. markaasay dubabkooda iyo qalbiyadoodu u jilcaan Xuska Alle (Qur'aanka iyo Sunnada Rasuulkiisa). Kaasi waa hanuunka Alle. Wuxuu ku hanuuniyaa cidduu doono, qofkuu Alle lumiyaana ma leh cid hanuunin.
[6]. Axkaanta, cilmiga, qisooyinka, iwm waa lagu soo celceliyaa Qur’aanka gudahi si loogu cibrad iyo waano qaato oo dadka u saameyso.
Arabic Tafsirs:
أَفَمَن يَتَّقِي بِوَجۡهِهِۦ سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ وَقِيلَ لِلظَّٰلِمِينَ ذُوقُواْ مَا كُنتُمۡ تَكۡسِبُونَ
24. Ma mid kaga gabbada wejigiisa [7] cadaabka xun Maalinta Qiyaamaha (baa la mid ah mid aan sidaas ahayn) waxaana lagu odhan daalimiinta: Dhadhamiya waxa aad kasbateen (oo denbiyo ah).
[7]. Halkii gacmahiisa, oo markaasi ku xirnaan doono luquntiisa.
Arabic Tafsirs:
كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَأَتَىٰهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِنۡ حَيۡثُ لَا يَشۡعُرُونَ
25. Waxaa beeniyey (Xaqa) kuwii ka horreeyey (gaaladan), wuxuuna uga yimid cadaabku meelo aysan dreemeyn.
Arabic Tafsirs:
فَأَذَاقَهُمُ ٱللَّهُ ٱلۡخِزۡيَ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ
26. Markaasuu Alle ku dhadhansiiyey dulli noloshan adduunka, cadaabka Aakhiraana ka sii weyn; hadday ogaan lahaayen.
Arabic Tafsirs:
وَلَقَدۡ ضَرَبۡنَا لِلنَّاسِ فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ مِن كُلِّ مَثَلٖ لَّعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ
27. Waxaan dhab ahaan ugu soo qaadannay dadka Qur'aankan dhexdi tusaale nooc kasta leh inay waantoobaan.
Arabic Tafsirs:
قُرۡءَانًا عَرَبِيًّا غَيۡرَ ذِي عِوَجٖ لَّعَلَّهُمۡ يَتَّقُونَ
28. Qur’aan af Carabi ah, aan wax qallooc ahi lahayn [8], si ay (xumaha uga) dhowrsadaan (oo Alle u hoggaansamaan).
[8]. Aan lahayn wax ka weecasho ah xaqa.
Arabic Tafsirs:
ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا رَّجُلٗا فِيهِ شُرَكَآءُ مُتَشَٰكِسُونَ وَرَجُلٗا سَلَمٗا لِّرَجُلٍ هَلۡ يَسۡتَوِيَانِ مَثَلًاۚ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
29. Allaah wuxuu soo qaataa tusaale: addoon ay wadaagaan niman badan oo is khilaaafsan, iyo addoon kale oo gebigiba uu wada leeyahay hal nin. Miyey labadaasu isku mid yihiin xaal ahaan? Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, badankooduse ma oga.
Arabic Tafsirs:
إِنَّكَ مَيِّتٞ وَإِنَّهُم مَّيِّتُونَ
30. Hubaal waad dhiman, iyaguna (sidoo kale) way dhiman.
Arabic Tafsirs:
ثُمَّ إِنَّكُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ عِندَ رَبِّكُمۡ تَخۡتَصِمُونَ
31. Maalinta Qiyaamahana waxaad hubaal ku doodeysaan Rabbigiin horti.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Az-Zumar
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close