Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-Furqān   Verse:
أَمۡ تَحۡسَبُ أَنَّ أَكۡثَرَهُمۡ يَسۡمَعُونَ أَوۡ يَعۡقِلُونَۚ إِنۡ هُمۡ إِلَّا كَٱلۡأَنۡعَٰمِ بَلۡ هُمۡ أَضَلُّ سَبِيلًا
44. Mise waxaad mooddaa inay badankoo- du wax maqli ama wax fahmi? Ma aha waxaan xoolo oo kale ahayn [20], iyagaabase ka sii lunsan jid ahaan.
[20]. Geela, lo’da ama adhiga ee wax iska raaca weydiin la’aan meeshii loo kaxeeyaba.
Arabic Tafsirs:
أَلَمۡ تَرَ إِلَىٰ رَبِّكَ كَيۡفَ مَدَّ ٱلظِّلَّ وَلَوۡ شَآءَ لَجَعَلَهُۥ سَاكِنٗا ثُمَّ جَعَلۡنَا ٱلشَّمۡسَ عَلَيۡهِ دَلِيلٗا
45. Miyaadan arag sida Rabbigaa u fidiyo hadhka? Hadduu doonona wuxuu ka yeeli lahaa mid xasilan 'taagan', markaasaan uga yeelnay qorraxda tilmaan ay leedahay [21].
[21]. Kaasoo tusineysa jiritaanka hadhka, ama ka yeesha wax u muuqda siyaalo kala duwan. Markaasaan soo qabannaa qabasho qarsoon oo soo ururinnaa oo xaggeenna u soo noqdaa ilaa la waayo hadh oo dhan.
Arabic Tafsirs:
ثُمَّ قَبَضۡنَٰهُ إِلَيۡنَا قَبۡضٗا يَسِيرٗا
46. Markaasaan u soo qabannaa xaggayaga qabasho aayar ah oo yar [22].
[22]. Marka qorraxdu ku aaddan tahay madaxayaga oo maalinta kala baranto.
Arabic Tafsirs:
وَهُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِبَاسٗا وَٱلنَّوۡمَ سُبَاتٗا وَجَعَلَ ٱلنَّهَارَ نُشُورٗا
47. (Alle) waa Kan idiin ka yeelay habeenka hu' [23], hurdadana nasasho, kana dhigay maalinta foof [24].
[23]. Macnaha waa idinku daboola oo qariya mugdigiisa.
[24]. Waxaa loola jeedaa cusbooneysiinta nolosha iyo dhaqdhaqaaqa.
Arabic Tafsirs:
وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ ٱلرِّيَٰحَ بُشۡرَۢا بَيۡنَ يَدَيۡ رَحۡمَتِهِۦۚ وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ طَهُورٗا
48. Waa Kan soo dira dabeylaha bishaaro ahaan ka horreeya Raxmaddiisa (roobka), Waxaana ka soo dejinnaa daruuraha biyo daahir ah.
Arabic Tafsirs:
لِّنُحۡـِۧيَ بِهِۦ بَلۡدَةٗ مَّيۡتٗا وَنُسۡقِيَهُۥ مِمَّا خَلَقۡنَآ أَنۡعَٰمٗا وَأَنَاسِيَّ كَثِيرٗا
49. Si aan ugu nooleyno dhul dhintay, oo ugu waraabinno waxaan abuurnay oo duunyo iyo dad badanba leh.
Arabic Tafsirs:
وَلَقَدۡ صَرَّفۡنَٰهُ بَيۡنَهُمۡ لِيَذَّكَّرُواْ فَأَبَىٰٓ أَكۡثَرُ ٱلنَّاسِ إِلَّا كُفُورٗا
50. Waana u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka, biyaha) bal inay waansamaan [25], wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn gaalnimo.
[25]. Waa inuu Alle awoodo inuu soo nooleyn karo meytida.
Arabic Tafsirs:
وَلَوۡ شِئۡنَا لَبَعَثۡنَا فِي كُلِّ قَرۡيَةٖ نَّذِيرٗا
51. Haddaan doonno, waxaan u soo diri laheyn magaalo walba dige [26].
[26]. Wuxuuse Alle doonay inuu soo diro Nabi Muxammad s.c.w. inuu ahaado Rasuulka lagu khatimo Rususha Alle oo dhan, isagoo loo diray dhammaan dadka arlada jooga ilaa Qiyaamaha.
Arabic Tafsirs:
فَلَا تُطِعِ ٱلۡكَٰفِرِينَ وَجَٰهِدۡهُم بِهِۦ جِهَادٗا كَبِيرٗا
52. Ee ha adeecin gaalada, kulana dadaal dadaal weyn (gaarsiinta Qur'aanka ee u muujiya Xaqa si dhan, buriyana baadilka).
Arabic Tafsirs:
۞ وَهُوَ ٱلَّذِي مَرَجَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ هَٰذَا عَذۡبٞ فُرَاتٞ وَهَٰذَا مِلۡحٌ أُجَاجٞ وَجَعَلَ بَيۡنَهُمَا بَرۡزَخٗا وَحِجۡرٗا مَّحۡجُورٗا
53. (Alle) waa Kan isku dara labada badood, kan waa macaan lagu oon baxo, kanna waa qadhaadh (afka huriya), Wuxuuna yeelay xayir iyo xijaab kala dhex yaal.
Arabic Tafsirs:
وَهُوَ ٱلَّذِي خَلَقَ مِنَ ٱلۡمَآءِ بَشَرٗا فَجَعَلَهُۥ نَسَبٗا وَصِهۡرٗاۗ وَكَانَ رَبُّكَ قَدِيرٗا
54. Waa Kan ka abuuray dadka biyo, markaas u yeelay xigto iyo xididba. Rabbigaa waa Mid Wax Walba Kara.
Arabic Tafsirs:
وَيَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ مَا لَا يَنفَعُهُمۡ وَلَا يَضُرُّهُمۡۗ وَكَانَ ٱلۡكَافِرُ عَلَىٰ رَبِّهِۦ ظَهِيرٗا
55. Waxayse caabudaan Alle sokadi, waxaan wax tari karin, waxna yeeli karin, gaalna waa sheydaan kalkaal ka soo hor jeeda Rabbigi.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-Furqān
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close