Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-Furqān   Verse:
إِذَا رَأَتۡهُم مِّن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ سَمِعُواْ لَهَا تَغَيُّظٗا وَزَفِيرٗا
12. Markay (Naartu) ka aragto meel fog, waxay ka maqlaan cadho daran iyo cartan.
Arabic Tafsirs:
وَإِذَآ أُلۡقُواْ مِنۡهَا مَكَانٗا ضَيِّقٗا مُّقَرَّنِينَ دَعَوۡاْ هُنَالِكَ ثُبُورٗا
13. Marka lagu tuuro dhexdeeda meel cidhiidhi ah iyagoo isku xidhan, waxay u yeedhan halkaa halaag [4].
[4]. Waxay u rajeeyaan halaaggaa oo u yeertaan thubuur (dhimasho) si aan loogu cadaabin cadaabka daran ee Naarta.
Arabic Tafsirs:
لَّا تَدۡعُواْ ٱلۡيَوۡمَ ثُبُورٗا وَٰحِدٗا وَٱدۡعُواْ ثُبُورٗا كَثِيرٗا
14. (Waxaa la odhan): Ha u yeedhannina maanta halaag keliya, ee u yeedha halaag badan [5].
[5]. Thubuuraa waa weedh ay Carabta odhan jireen markay la kulmaan cadow ka xoog badan ama ku dhacdo musiibo weyn, macnaheeduna waxaa weeye Allow naga soo gaadh oo na badbaadi ama nafta naga qaad.
Arabic Tafsirs:
قُلۡ أَذَٰلِكَ خَيۡرٌ أَمۡ جَنَّةُ ٱلۡخُلۡدِ ٱلَّتِي وُعِدَ ٱلۡمُتَّقُونَۚ كَانَتۡ لَهُمۡ جَزَآءٗ وَمَصِيرٗا
15. Dheh: Ma taasaa wanaagsan - mise Jannada waaridda ee loo yaboohay kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale)? Taasi waa u abaal marin iyo aayo wanaagsan.
Arabic Tafsirs:
لَّهُمۡ فِيهَا مَا يَشَآءُونَ خَٰلِدِينَۚ كَانَ عَلَىٰ رَبِّكَ وَعۡدٗا مَّسۡـُٔولٗا
16. Waxay leeyihiin gudaheeda (Jannada) waxay doonaan iyagoo ku waadhaya; waa yabooh ku habboon in la weydiisto Rabbigaa [6].
[6]. Waa yabooh ay malaa’igta u dalbaan mu’miniinta oo Alle uga baryaan, mu’miniintana sidoo kale Alle weydiistaan.
Arabic Tafsirs:
وَيَوۡمَ يَحۡشُرُهُمۡ وَمَا يَعۡبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ فَيَقُولُ ءَأَنتُمۡ أَضۡلَلۡتُمۡ عِبَادِي هَٰٓؤُلَآءِ أَمۡ هُمۡ ضَلُّواْ ٱلسَّبِيلَ
17. (Xus) Maalintuu soo kulmin (gaalada) iyo waxay caabudayeen Alle sokadi, markaas wuxuu odhan: “Ma idinkaa lumiyey addoomahaygaan, mise iyagaa iskood uga lumay Jidka (Toosan ee Islaamka)?.”
Arabic Tafsirs:
قَالُواْ سُبۡحَٰنَكَ مَا كَانَ يَنۢبَغِي لَنَآ أَن نَّتَّخِذَ مِن دُونِكَ مِنۡ أَوۡلِيَآءَ وَلَٰكِن مَّتَّعۡتَهُمۡ وَءَابَآءَهُمۡ حَتَّىٰ نَسُواْ ٱلذِّكۡرَ وَكَانُواْ قَوۡمَۢا بُورٗا
18. Waxay odhan: “Xurmo oo dhan Adigaa (Allow) iska leh oo ka hufan (xumaan)! Naguma habboona inaan yeelanno awliyo (gargaarayaal) Adiga ka sokow, waxaadse u raaxeysay iyaga iyo aabbayaashood ilaa ay halmaameen waanada, waxayna ahaayeen qolo hoogay oo ba'ay.
Arabic Tafsirs:
فَقَدۡ كَذَّبُوكُم بِمَا تَقُولُونَ فَمَا تَسۡتَطِيعُونَ صَرۡفٗا وَلَا نَصۡرٗاۚ وَمَن يَظۡلِم مِّنكُمۡ نُذِقۡهُ عَذَابٗا كَبِيرٗا
19. Sidaasay dhab ahaan idiinku beenin waxaad sheegaysaan, markaasna ma kartaan is furasho iyo gargaar midna. Ciddiina wax dulmida [7] oo idinka mid ah waxaanu dhadhansiin cadaab weyn.
[7]. La timaadda shirki ama denbiyo kale oo weyn oo sidaa ku dhinta.
Arabic Tafsirs:
وَمَآ أَرۡسَلۡنَا قَبۡلَكَ مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ إِلَّآ إِنَّهُمۡ لَيَأۡكُلُونَ ٱلطَّعَامَ وَيَمۡشُونَ فِي ٱلۡأَسۡوَاقِۗ وَجَعَلۡنَا بَعۡضَكُمۡ لِبَعۡضٖ فِتۡنَةً أَتَصۡبِرُونَۗ وَكَانَ رَبُّكَ بَصِيرٗا
20. Ma aan dirinna hortaa adiga (Nabiyow) wax Rusul ah oo aan cunayn cunnada, soconayna suuqyada (shaqeysanayn). Waxaana uga yeelnay qaarkiinba qaar kale imtixaan ee ma samreysaan? Rabbigaa waa Mid Arka (oo u jeeda wax walba).
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-Furqān
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close