Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-Baqarah   Verse:
وَإِذۡ نَجَّيۡنَٰكُم مِّنۡ ءَالِ فِرۡعَوۡنَ يَسُومُونَكُمۡ سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ يُذَبِّحُونَ أَبۡنَآءَكُمۡ وَيَسۡتَحۡيُونَ نِسَآءَكُمۡۚ وَفِي ذَٰلِكُم بَلَآءٞ مِّن رَّبِّكُمۡ عَظِيمٞ
49. (Xusuusta) markaan idinka badbaadinnay dadkii Fircoon [11], ee idin dhadhansiiyey cadaab tan u daran, iyagoo dilayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegtaan), waxaana taas ku sugnaa imtixaan weyn xagga Rabbigiin ah.
[11]. Fircoon waa naynaas lagu magacabi jirey boqorradii Masar ee waa’ hore jirey, waxaa ku soo arooray taariikhda in Fircoonkii xukumayey Masar waagii Muuse uu ahaa Menephthan ina Ramsiis.
Arabic Tafsirs:
وَإِذۡ فَرَقۡنَا بِكُمُ ٱلۡبَحۡرَ فَأَنجَيۡنَٰكُمۡ وَأَغۡرَقۡنَآ ءَالَ فِرۡعَوۡنَ وَأَنتُمۡ تَنظُرُونَ
50. Markaan idiin kala dhanballay badda, oo aan idin badbaadinnay, oo aan harqinnay dadkii Fircoon idinkoo arkaya.
Arabic Tafsirs:
وَإِذۡ وَٰعَدۡنَا مُوسَىٰٓ أَرۡبَعِينَ لَيۡلَةٗ ثُمَّ ٱتَّخَذۡتُمُ ٱلۡعِجۡلَ مِنۢ بَعۡدِهِۦ وَأَنتُمۡ ظَٰلِمُونَ
51. (Xusuusta) markaan la sameennay ballan Muuse muddo afartan habeen ah, markaas aad yeelateen dibi (aad caabuddaan) kaddib (markuu tagey), waxaad tihiinna daalimiin (gar ma qaatayaal).
Arabic Tafsirs:
ثُمَّ عَفَوۡنَا عَنكُم مِّنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
52. Markaasaan idin cafinnay intaas oo dhan kaddib si aad u mahdisaan (Alle).
Arabic Tafsirs:
وَإِذۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ وَٱلۡفُرۡقَانَ لَعَلَّكُمۡ تَهۡتَدُونَ
53. (Xusuusta) markaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kala saaraha (xaqa iyo baadilka) si aad u hanuuntaan.
Arabic Tafsirs:
وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦ يَٰقَوۡمِ إِنَّكُمۡ ظَلَمۡتُمۡ أَنفُسَكُم بِٱتِّخَاذِكُمُ ٱلۡعِجۡلَ فَتُوبُوٓاْ إِلَىٰ بَارِئِكُمۡ فَٱقۡتُلُوٓاْ أَنفُسَكُمۡ ذَٰلِكُمۡ خَيۡرٞ لَّكُمۡ عِندَ بَارِئِكُمۡ فَتَابَ عَلَيۡكُمۡۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلتَّوَّابُ ٱلرَّحِيمُ
54. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Tolkaygiiyow! Waxaad dulmideen nafahiinna ka dhigashadiinna dibiga (ilaah darteed). Ee u tawbad keena Uumihiinna oo is dila [12], Sidaasaa idiin khayr badan Uumihiinna xaggiisa, markaasuu (Alle) idinka aqbalay tawbaddiinnii, hubaal waa Tawbad Aqbalaha, Naxariista Badan.
[12]. “ Is dila”. waxaa lagu fasiray kuwii aanan caabudin dibiga inay dilaan oo laayaan kuwii caabuday dibiga, qolo kale waxay ku fasirtay inay kuwii caabuday dibiga iyagu is dileen dhexdooda, waxaana jira qolo ku fasirtay in la amray inay is dilaan kuwaasi tawbad keen ahaan.
Arabic Tafsirs:
وَإِذۡ قُلۡتُمۡ يَٰمُوسَىٰ لَن نُّؤۡمِنَ لَكَ حَتَّىٰ نَرَى ٱللَّهَ جَهۡرَةٗ فَأَخَذَتۡكُمُ ٱلصَّٰعِقَةُ وَأَنتُمۡ تَنظُرُونَ
55. (Xusuusta) markaad tidhaahdeen: Muusow! Kuma rumeysaneyno jeer aan u aragno Alle si caddaan ah. markaasaa biriq idinku dhacday idinkoo eegi.
Arabic Tafsirs:
ثُمَّ بَعَثۡنَٰكُم مِّنۢ بَعۡدِ مَوۡتِكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
56. Haddana waan idin soo nooleynay dhimashadiinnii kaddib, si aad u mahdisaan (Alle, af, uur, iyo addinba).
Arabic Tafsirs:
وَظَلَّلۡنَا عَلَيۡكُمُ ٱلۡغَمَامَ وَأَنزَلۡنَا عَلَيۡكُمُ ٱلۡمَنَّ وَٱلسَّلۡوَىٰۖ كُلُواْ مِن طَيِّبَٰتِ مَا رَزَقۡنَٰكُمۡۚ وَمَا ظَلَمُونَا وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ
57. Waxaana har idiinka yeellay daruuraha, oo idiin soo dejinnay Manna (kimis macaan malab sidi ah) iyo Salwaa (hilib shimibireed sida Samaanka): Wax ka cuna waxyaalaha wanaagsan aanu idin siinnay; waxbana nooma dhimin, waxayse uun dulmeen oo wax u dhimeen nafahooda.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-Baqarah
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close