Check out the new design

Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub * - Index of Translations

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Translation of the Meanings Surah: Al-Baqarah   Verse:
وَإِذۡ قَالَ إِبۡرَٰهِـۧمُ رَبِّ أَرِنِي كَيۡفَ تُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰۖ قَالَ أَوَلَمۡ تُؤۡمِنۖ قَالَ بَلَىٰ وَلَٰكِن لِّيَطۡمَئِنَّ قَلۡبِيۖ قَالَ فَخُذۡ أَرۡبَعَةٗ مِّنَ ٱلطَّيۡرِ فَصُرۡهُنَّ إِلَيۡكَ ثُمَّ ٱجۡعَلۡ عَلَىٰ كُلِّ جَبَلٖ مِّنۡهُنَّ جُزۡءٗا ثُمَّ ٱدۡعُهُنَّ يَأۡتِينَكَ سَعۡيٗاۚ وَٱعۡلَمۡ أَنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٞ
260. (Xus) markuu Ibraahiim yidhi: Rabbiyow! I tus sidaad u nooleyso meytida. Wuxuu yidhi: Miyaadan rumaynin? Wuxuu yidhi: haayoo, laakiinse, inuu ku sii dego (Iimaanka) qalbigeyga. Wuxuu yidhi: Soo qaado afar shimbirood, oo jarjar, markaas dhig buur walba korkeeda qayb ka mid ah (googga'a) shimbiraha, markaas u yeedh, waxay kuu imaan iyagoo duulaya. Ogowna in Alle yahay Adkaade, Xakiim ah.
Arabic Tafsirs:
مَّثَلُ ٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ كَمَثَلِ حَبَّةٍ أَنۢبَتَتۡ سَبۡعَ سَنَابِلَ فِي كُلِّ سُنۢبُلَةٖ مِّاْئَةُ حَبَّةٖۗ وَٱللَّهُ يُضَٰعِفُ لِمَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ وَٰسِعٌ عَلِيمٌ
261. Mataalka kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Alle, wa sida mataalka iniin bixisa toddobo madax, madax walba bixiyo boqol xabbo. Alle wuxuu u labo laabaa (ajarka) qofkuu doono [78]. Alle waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon.
[78]. Waxaa ku soo arooray xadiis in Nabigu s.c.w. yidhi: "Qofkii ku bixiya maal jidka Alle waxaa loo labo laabi toddobo boqol oo jeer."
Arabic Tafsirs:
ٱلَّذِينَ يُنفِقُونَ أَمۡوَٰلَهُمۡ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ ثُمَّ لَا يُتۡبِعُونَ مَآ أَنفَقُواْ مَنّٗا وَلَآ أَذٗى لَّهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ
262. Kuwa ku bixiya maalkooda Jidka Alle, markaas aan raacinin waxay bixiyeen waxtar sheegasho [79] iyo waxyeello midna, waxay abaalgudkooda ka heli Rabbigood agti, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
[79]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ma gali doono janno caasi waalidka, kan ugu faana dadka waxtar uu u sameeyey iyo abaal uu u galay ee sheegsheega, iyo khamriya cabka iyo beeniyaha Qaddarka. W.w. Axmad.
Arabic Tafsirs:
۞ قَوۡلٞ مَّعۡرُوفٞ وَمَغۡفِرَةٌ خَيۡرٞ مِّن صَدَقَةٖ يَتۡبَعُهَآ أَذٗىۗ وَٱللَّهُ غَنِيٌّ حَلِيمٞ
263. Hadal san iyo saamaxaad baa ka roon sadaqo ay raacdo waxyeello. Alle waa Deeqtoone, Dulqaad Badan.
Arabic Tafsirs:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُبۡطِلُواْ صَدَقَٰتِكُم بِٱلۡمَنِّ وَٱلۡأَذَىٰ كَٱلَّذِي يُنفِقُ مَالَهُۥ رِئَآءَ ٱلنَّاسِ وَلَا يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۖ فَمَثَلُهُۥ كَمَثَلِ صَفۡوَانٍ عَلَيۡهِ تُرَابٞ فَأَصَابَهُۥ وَابِلٞ فَتَرَكَهُۥ صَلۡدٗاۖ لَّا يَقۡدِرُونَ عَلَىٰ شَيۡءٖ مِّمَّا كَسَبُواْۗ وَٱللَّهُ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلۡكَٰفِرِينَ
264. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ku burinnina sadaqooyinkiinna waxtar sheegasho iyo waxyeello, sida kan u bixiya maalkiisa istuska dadka, oo aan rumeysnayn Alle iyo Maalinta Aakhiro. Marka mataalkiisu wuxuu ka dhigan yahay sida sallax ciidi kor saaran tahay, oo uu helo mahiigaan roob ah oo markuu qaado soo baxo meel maran. Ma kari doonaan in waxba ay ku helaan waxay kasbadeen, Alle ma hanuuniyo qoloda gaalada ah.
Arabic Tafsirs:
 
Translation of the Meanings Surah: Al-Baqarah
Index of Surahs Page Number
 
Translation of the Meanings of the Noble Quran - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub - Index of Translations

Translated by Abdullah Hasan Yaqoub

Close