Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-አዕራፍ   አንቀፅ:
إِنَّ وَلِـِّۧيَ ٱللَّهُ ٱلَّذِي نَزَّلَ ٱلۡكِتَٰبَۖ وَهُوَ يَتَوَلَّى ٱلصَّٰلِحِينَ
196. Xaqiiq Gargaaraheyga waa Allaah ee ah Kan soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka, Tawraadda, iyo Injiilka), Isagaana u gargaara kuwa wanaagsan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَسۡتَطِيعُونَ نَصۡرَكُمۡ وَلَآ أَنفُسَهُمۡ يَنصُرُونَ
197. Kuwase aad baridaan (caabuddaan Alle) sokadi, ma karaan gargaarkiinna, nafahoodana uma gargaari karaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِن تَدۡعُوهُمۡ إِلَى ٱلۡهُدَىٰ لَا يَسۡمَعُواْۖ وَتَرَىٰهُمۡ يَنظُرُونَ إِلَيۡكَ وَهُمۡ لَا يُبۡصِرُونَ
198. Haddaad ugu yeedhaan hanuunkana ma maqlaan, waxaadna aragtaa iyagoo ku soo eegaya, haddana aan waxba arkayn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
خُذِ ٱلۡعَفۡوَ وَأۡمُرۡ بِٱلۡعُرۡفِ وَأَعۡرِضۡ عَنِ ٱلۡجَٰهِلِينَ
199. (Muuji cafis iyo masaamax oo) qaado waxa fudud (ee la heli karo dhib la’aan), amar wanaagga, kana jeeso jaahiliinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِمَّا يَنزَغَنَّكَ مِنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ نَزۡغٞ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِۚ إِنَّهُۥ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
200. Hadduu fikrad xun kuu soo jeediyona shaydaan, ka magan gal Alle. Isagaa ah wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ٱتَّقَوۡاْ إِذَا مَسَّهُمۡ طَٰٓئِفٞ مِّنَ ٱلشَّيۡطَٰنِ تَذَكَّرُواْ فَإِذَا هُم مُّبۡصِرُونَ
201. Xaqiiq kuwa ka cabsada Alle, markay taabato meerto Shaydaan, way ku baraarugaan oo kolkiiba (xaqa) arkaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِخۡوَٰنُهُمۡ يَمُدُّونَهُمۡ فِي ٱلۡغَيِّ ثُمَّ لَا يُقۡصِرُونَ
202. Walaalahood se (dadka xun), waxay (shaydaammadu) u kordhiyaan habow, markaa innaba kama gaabiyaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِذَا لَمۡ تَأۡتِهِم بِـَٔايَةٖ قَالُواْ لَوۡلَا ٱجۡتَبَيۡتَهَاۚ قُلۡ إِنَّمَآ أَتَّبِعُ مَا يُوحَىٰٓ إِلَيَّ مِن رَّبِّيۚ هَٰذَا بَصَآئِرُ مِن رَّبِّكُمۡ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٞ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
203. Haddaad (Nabiyow) ula iman weydo calaamo (mucjiso siday rabaan ah) waxay yidhaahdaan: Maxaad u keeni weydey? Dheh: Waxaan anigu sideedaba raacaa waxa la iiga waxyoodo xagga Rabbigay. Kuwakani waa caddeymo ka yimid Rabbigiin, oo u ah hanuun iyo naxariis ciddii rumayn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِذَا قُرِئَ ٱلۡقُرۡءَانُ فَٱسۡتَمِعُواْ لَهُۥ وَأَنصِتُواْ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ
204. Marka la akhrinayo Qur'aanka dhegaysta oo aamusnaada, si la idiinku naxariisto.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱذۡكُر رَّبَّكَ فِي نَفۡسِكَ تَضَرُّعٗا وَخِيفَةٗ وَدُونَ ٱلۡجَهۡرِ مِنَ ٱلۡقَوۡلِ بِٱلۡغُدُوِّ وَٱلۡأٓصَالِ وَلَا تَكُن مِّنَ ٱلۡغَٰفِلِينَ
205. Ku xus Rabbigaa naftaada si khushuuc iyo cabsi leh adigoon kor ugula tanaagooneyn codka aroor iyo galabba, hana ka mid noqon kuwa dhoohan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ ٱلَّذِينَ عِندَ رَبِّكَ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ عَنۡ عِبَادَتِهِۦ وَيُسَبِّحُونَهُۥ وَلَهُۥ يَسۡجُدُونَۤ۩
206. Kuwa ah Rabbigaa agti (waa malaa’igta) marnaba iskama weyneeyaan cibaadadiisa, wayna ka hufaan (xumaan iyo nuqsaan oo dhan) oo xurmo weyneeyaan, Isagayna u sujuudaan [15].
[15]. Tani waa mid ka mid ah Aayadaha la sujuudo marka la akhriyo, waa sida wanaagsan ee door roon in la sujuudo marka la akhriyo Aayad sajda leh, mase aha waajib in la sujuudo marka la akhriyo ama la maqlo ha ahaato salaad gudaheed ama debeddeed , waxaana sujuuddan la yiraahdaa sujuud at-tilaawah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-አዕራፍ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት