Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-አዕራፍ   አንቀፅ:
قُل لَّآ أَمۡلِكُ لِنَفۡسِي نَفۡعٗا وَلَا ضَرًّا إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۚ وَلَوۡ كُنتُ أَعۡلَمُ ٱلۡغَيۡبَ لَٱسۡتَكۡثَرۡتُ مِنَ ٱلۡخَيۡرِ وَمَا مَسَّنِيَ ٱلسُّوٓءُۚ إِنۡ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٞ وَبَشِيرٞ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ
188. Dheh: Uma hanto naftayda dheef iyo dhib midna, wuxuu Alle doono ma’ahee. Haddaan ogaan lahaa cilmi Ghaybka, waxaan badsan lahaa khayrka, oo wax xume ah ima taabteen. Anigu waxaan ahay oo keliya u dige iyo u bishaareeye qolo (Xaqa) rumeysan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن نَّفۡسٖ وَٰحِدَةٖ وَجَعَلَ مِنۡهَا زَوۡجَهَا لِيَسۡكُنَ إِلَيۡهَاۖ فَلَمَّا تَغَشَّىٰهَا حَمَلَتۡ حَمۡلًا خَفِيفٗا فَمَرَّتۡ بِهِۦۖ فَلَمَّآ أَثۡقَلَت دَّعَوَا ٱللَّهَ رَبَّهُمَا لَئِنۡ ءَاتَيۡتَنَا صَٰلِحٗا لَّنَكُونَنَّ مِنَ ٱلشَّٰكِرِينَ
189. (Alle) waa Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam) oo isla xaggeeda ka abuuray xaaskiisa (Xawwaa), si uu u weheshado. Markuuse (mid ka mid ah aadmiga) u galmooday (xaaskiisa) bay qaadday uur yar, oo halkaas ka sii wadday, markay cuslaatay, waxay labaduba baryeen Alle, Rabbigood, (oo ay yidhaahdeen): Haddaad na siiso (dhal) wanaagsan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahdiya.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَلَمَّآ ءَاتَىٰهُمَا صَٰلِحٗا جَعَلَا لَهُۥ شُرَكَآءَ فِيمَآ ءَاتَىٰهُمَاۚ فَتَعَٰلَى ٱللَّهُ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
190. Markase uu siiyey dhal hagaagsan, waxay u yeeleen shariigyo 'ay la wadaajiyaan cibaadada' wuxuu siiyey [14]. wuuse ka sarreeyaa Alle waxay u shariig yeelaan (oo la wadaajiyaan cibaadada).
[14]. Mushrikiinta waxay ka yeeleen ilmahooda uu abuuray Alle addoomo ay leeyihiin asnaamta, sida awgeed bay waxay u bixiyeen magacyo aan bannaaneyn sida Cabdul Cuzzaa iyo Cabdul Manaat iyo Cabdu- Shams, Cabdul Xaarith, iwm.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَيُشۡرِكُونَ مَا لَا يَخۡلُقُ شَيۡـٔٗا وَهُمۡ يُخۡلَقُونَ
191. Ma waxay la wadaajin Alle 'cibaadada' waxaan waxna abuurin, oo iyaga la abuuro?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَا يَسۡتَطِيعُونَ لَهُمۡ نَصۡرٗا وَلَآ أَنفُسَهُمۡ يَنصُرُونَ
192. Oo aan u gargaari kareyn, balse aan nafahooda u gargaari karin.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَإِن تَدۡعُوهُمۡ إِلَى ٱلۡهُدَىٰ لَا يَتَّبِعُوكُمۡۚ سَوَآءٌ عَلَيۡكُمۡ أَدَعَوۡتُمُوهُمۡ أَمۡ أَنتُمۡ صَٰمِتُونَ
193. Haddaad ugu yeertona hanuunka idinma raacaan. Waa isku mid haddaad u yeertaan ama haddaad ka amustaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ عِبَادٌ أَمۡثَالُكُمۡۖ فَٱدۡعُوهُمۡ فَلۡيَسۡتَجِيبُواْ لَكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ
194. Xaqiiq, kuwa aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi waa addoomo idin la mid ah. Ee barya ha idin ajiibeene haddaad run sheegaysaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
أَلَهُمۡ أَرۡجُلٞ يَمۡشُونَ بِهَآۖ أَمۡ لَهُمۡ أَيۡدٖ يَبۡطِشُونَ بِهَآۖ أَمۡ لَهُمۡ أَعۡيُنٞ يُبۡصِرُونَ بِهَآۖ أَمۡ لَهُمۡ ءَاذَانٞ يَسۡمَعُونَ بِهَاۗ قُلِ ٱدۡعُواْ شُرَكَآءَكُمۡ ثُمَّ كِيدُونِ فَلَا تُنظِرُونِ
195. Ma waxay leeyihiin cago ay ku socdaan? Mise gacmo ay wax ku qabsadaan? Mise indho ay wax ku arkaan? Mise dhego ay wax ku maqlaan? Dheh, U yeerta shurakadiinna oo ii tab dhiga, hana i sugina oo i siinnina wax fursad ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-አዕራፍ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት