Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-አዕራፍ   አንቀፅ:
حَقِيقٌ عَلَىٰٓ أَن لَّآ أَقُولَ عَلَى ٱللَّهِ إِلَّا ٱلۡحَقَّۚ قَدۡ جِئۡتُكُم بِبَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّكُمۡ فَأَرۡسِلۡ مَعِيَ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ
105. Waxaan mudanahay inaan ka sheegin Alle waxaan Xaq ahayn. Waxaan idiinka la imid Xujo Cad xagga Rabbigiin. Ee igu dar ha ila tageene ilmaha Israa’iil.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ إِن كُنتَ جِئۡتَ بِـَٔايَةٖ فَأۡتِ بِهَآ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
106. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad la timid Calaamo (mucjiso), keen haddaad run sheegayso.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَأَلۡقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعۡبَانٞ مُّبِينٞ
107. Markaasuu (Muuse) wuxuu tuuray ushiisii mise! Waa mas cad (muuqda).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَنَزَعَ يَدَهُۥ فَإِذَا هِيَ بَيۡضَآءُ لِلنَّٰظِرِينَ
108. Wuxuu u soo saaray debedda gacantiisa, mise! Waa caddahay (oo u ifeysey) eegayaasha.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ ٱلۡمَلَأُ مِن قَوۡمِ فِرۡعَوۡنَ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٌ عَلِيمٞ
109. Waxay xildhibaannadii ka mid ahaa qolodii Fircoon yidhaahdeen: Kani waa sixiroole xeel dheer.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
يُرِيدُ أَن يُخۡرِجَكُم مِّنۡ أَرۡضِكُمۡۖ فَمَاذَا تَأۡمُرُونَ
110. Wuxuu rabaa inuu idinka saaro dhulkiinna, ee maxaad ku talineysaan?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُوٓاْ أَرۡجِهۡ وَأَخَاهُ وَأَرۡسِلۡ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ
111. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig (xaalkiisa) isaga iyo walaalkiba (in muddo ah) oo u dir ergooyin xagga magaalooyinka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
يَأۡتُوكَ بِكُلِّ سَٰحِرٍ عَلِيمٖ
112. Kuu keena saaxir kasta oo xeel dheer.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَجَآءَ ٱلسَّحَرَةُ فِرۡعَوۡنَ قَالُوٓاْ إِنَّ لَنَا لَأَجۡرًا إِن كُنَّا نَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبِينَ
113. Sixiroolayaashii waxay u yimaadeen Fircoon (oo) yidhaahdeen: Ma leennahay ujro haddaan innagu adkaanno?.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ نَعَمۡ وَإِنَّكُمۡ لَمِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ
114. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haa yoo, waxaadna ahaaneysaan kuwa la ii soo dhoweeyo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالُواْ يَٰمُوسَىٰٓ إِمَّآ أَن تُلۡقِيَ وَإِمَّآ أَن نَّكُونَ نَحۡنُ ٱلۡمُلۡقِينَ
115. Waxay yidhaahdeen: Muusow! Ma adigaa (hor) tuuran mise innagaa ahaanna kuwa (hor) tuurta?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قَالَ أَلۡقُواْۖ فَلَمَّآ أَلۡقَوۡاْ سَحَرُوٓاْ أَعۡيُنَ ٱلنَّاسِ وَٱسۡتَرۡهَبُوهُمۡ وَجَآءُو بِسِحۡرٍ عَظِيمٖ
116. (Muuse) wuxuu yidhi: Tuurta. Markay tuureen, waxay sixreen indhihii dadka oo argagax geliyeen, waxayna la yimaadeen sixir weyn.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَلۡقِ عَصَاكَۖ فَإِذَا هِيَ تَلۡقَفُ مَا يَأۡفِكُونَ
117. Waxaana u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Tuur ushaada. Mise! waxay liqliqday isla markiiba waxay been dhoobdhoobeen oo ay soo bandhigeen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَوَقَعَ ٱلۡحَقُّ وَبَطَلَ مَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
118. Marka xaqii baa sugnaaday, oo baabba' waxaa noqday waxay falayeen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَغُلِبُواْ هُنَالِكَ وَٱنقَلَبُواْ صَٰغِرِينَ
119. Sidaasaa (Fircoon iyo dadkiisii) looga adkaaday halkaa, oo ay noqdeen kuwo la jabiyey.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَأُلۡقِيَ ٱلسَّحَرَةُ سَٰجِدِينَ
120. Sixiroolayaashiina ula dhaceen (dhulka) sujuud (xagga Alle).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): አል-አዕራፍ
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት