Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ፉሲለት   አንቀፅ:
وَمِنۡ ءَايَٰتِهِۦٓ أَنَّكَ تَرَى ٱلۡأَرۡضَ خَٰشِعَةٗ فَإِذَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡهَا ٱلۡمَآءَ ٱهۡتَزَّتۡ وَرَبَتۡۚ إِنَّ ٱلَّذِيٓ أَحۡيَاهَا لَمُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰٓۚ إِنَّهُۥ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
39. Calaamooyinka Alle waxaa ka mid ah inaad aragto dhulka oo bas (abaar) ah, markase aan ku soo da’inno biyo (roob) uu noolaado oo soo kor noqdo. Hubaal Kan (Allaah ee) nooleeya wuxuu nooleyn maytida. Hubaal wax walba wuu Karaa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُلۡحِدُونَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا لَا يَخۡفَوۡنَ عَلَيۡنَآۗ أَفَمَن يُلۡقَىٰ فِي ٱلنَّارِ خَيۡرٌ أَم مَّن يَأۡتِيٓ ءَامِنٗا يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِۚ ٱعۡمَلُواْ مَا شِئۡتُمۡ إِنَّهُۥ بِمَا تَعۡمَلُونَ بَصِيرٌ
40. Kuwa iiliya Aayadahayaga [12] nagama qarsoona. Ma mid lagu tuuri Naarta baa khayr badan, mise mid Iman isagoo nabad ah Maalinta Qiyaamaha? Fala waxaad doontaan 'Alle 'waxaad fashaan wuu arkaa.
[12]. Iyagoo u akhriyaya si leexsan ama u fasiraya si khaldan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِٱلذِّكۡرِ لَمَّا جَآءَهُمۡۖ وَإِنَّهُۥ لَكِتَٰبٌ عَزِيزٞ
41. Hubaal kuwa ku gaalooba Waanada [13] (Qur’aanka) markuu u yimid 'waa laga jazayn' [14] oo (kani Qur’aanka) waa Kitaab sharaf weyn leh.
[13]. Kuwa diida xaqa ama door bida tafsiirka qalloocan Alle ma hanuuniyo.
[14]. Hadalka inta ka go’an waa la iska garan karaa oo waxaa weeye: Waxay la kulmi doonaan ciqaab aan la suureysan karin.”
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
لَّا يَأۡتِيهِ ٱلۡبَٰطِلُ مِنۢ بَيۡنِ يَدَيۡهِ وَلَا مِنۡ خَلۡفِهِۦۖ تَنزِيلٞ مِّنۡ حَكِيمٍ حَمِيدٖ
42. Baadil ugama yimaado hortiisa ama gadaashiisa [15]; waa Waxyi laga soo dejiyey xagga Xakiim, Ammaanan (Alle).
[15]. Aan isagoo kale la keeni karin, aan waxba looga qaadin in wax laga sheego, uuna yahay Kitaab uu Alle dhowray.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَّا يُقَالُ لَكَ إِلَّا مَا قَدۡ قِيلَ لِلرُّسُلِ مِن قَبۡلِكَۚ إِنَّ رَبَّكَ لَذُو مَغۡفِرَةٖ وَذُو عِقَابٍ أَلِيمٖ
43. Waxba lagu odhan maayo (Nabi Muxammadow) aan aheyn wixii lagu yidhi Rusushii kaa horreysay. Hubaal Rabbigaa waa Rabbiga Denbi dhaafka leh, iyo Rabbiga leh Ciqaab Xanuun Badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَوۡ جَعَلۡنَٰهُ قُرۡءَانًا أَعۡجَمِيّٗا لَّقَالُواْ لَوۡلَا فُصِّلَتۡ ءَايَٰتُهُۥٓۖ ءَا۬عۡجَمِيّٞ وَعَرَبِيّٞۗ قُلۡ هُوَ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ هُدٗى وَشِفَآءٞۚ وَٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ فِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَقۡرٞ وَهُوَ عَلَيۡهِمۡ عَمًىۚ أُوْلَٰٓئِكَ يُنَادَوۡنَ مِن مَّكَانِۭ بَعِيدٖ
44. Haddaan ka dhigi lahayn Qu’raan af shisheeye ku soo dega, waxay odhan lahaayeen: Maxaa Aayadihiisa looga dhigi waayey kuwo cad? Waa maxay acjami (carrab) shisheeye isagoo Carab ah? Dheh: Wuxuu u yahay kuwa rumeysan hanuun iyo caafimaad. Kuwase aan rumeysnayn waxaa ah culeys dhegahooda, waana ka indha la' yihiin, kuwaa waxaa looga yeedhaa meel fog.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ فَٱخۡتُلِفَ فِيهِۚ وَلَوۡلَا كَلِمَةٞ سَبَقَتۡ مِن رَّبِّكَ لَقُضِيَ بَيۡنَهُمۡۚ وَإِنَّهُمۡ لَفِي شَكّٖ مِّنۡهُ مُرِيبٖ
45. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda), waase la isku khilaafay. Haddiina aysan jiri lahayn erey ka hormaray Rabbigaa (in dib loogu dhigo cadaabka) waa la kala xukumi lahaa dhexdooda, waxayse ka qabaan (Qur’aanka) shaki walaac leh.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَّنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ أَسَآءَ فَعَلَيۡهَاۗ وَمَا رَبُّكَ بِظَلَّٰمٖ لِّلۡعَبِيدِ
46. Qofkii sama fala naftiisay (dan) u tahay, kii xumaan falana isagay u daran tahay, Rabbigaa ma aha mid dulmiya addoomaha.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ፉሲለት
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት