Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ፉሲለት   አንቀፅ:

Fussilat

حمٓ
1. Xaa Miim [1].
[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
تَنزِيلٞ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
2. Soo dejinta (Waxyigan) waa xagga (Alle) Naxariistaha, Naxariista Badan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
كِتَٰبٞ فُصِّلَتۡ ءَايَٰتُهُۥ قُرۡءَانًا عَرَبِيّٗا لِّقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ
3. Waa Kitaab Aayadihiisu cad yihiin, Qur'aan af Carabi ah ciddii wax garan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
بَشِيرٗا وَنَذِيرٗا فَأَعۡرَضَ أَكۡثَرُهُمۡ فَهُمۡ لَا يَسۡمَعُونَ
4. Waa u bishaareeye (Qofkii rumeeya Towxiidka) iyo u dige (qofkii u shariig yeela Alle oo xuma fala), waase ka jeesadeen badankoodu, marka wax ma maqlaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَالُواْ قُلُوبُنَا فِيٓ أَكِنَّةٖ مِّمَّا تَدۡعُونَآ إِلَيۡهِ وَفِيٓ ءَاذَانِنَا وَقۡرٞ وَمِنۢ بَيۡنِنَا وَبَيۡنِكَ حِجَابٞ فَٱعۡمَلۡ إِنَّنَا عَٰمِلُونَ
5. Waxay yidhaahdeen: Quluubtayadu waa ka daboolan yihiin waxaad noogu yeedhi (Islaamka), waxaana ah culeys dhegahayaga, daah baana xidhan dhexdeenna innaga iyo adiga, ee camal falo; innaguna sidoo kale waanu camal falan [2].
[2]. U camal fasha diintiinna, innaguna waynu u camal fali.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
قُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ بَشَرٞ مِّثۡلُكُمۡ يُوحَىٰٓ إِلَيَّ أَنَّمَآ إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞ فَٱسۡتَقِيمُوٓاْ إِلَيۡهِ وَٱسۡتَغۡفِرُوهُۗ وَوَيۡلٞ لِّلۡمُشۡرِكِينَ
6. Dheh: Anigu waxaan uun ahay qof idinla mid ah, waxaa la ii waxyooday inuu ilaahiinnu yahay Ilaah keliya (Allaah aan wax shariig ah lahayn), ee raaca dhabbaha toosan Xaggiisa ah, weydiistana denbi dhaaf, Hoogna waxaa leh Mushrikiinta.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡتُونَ ٱلزَّكَوٰةَ وَهُم بِٱلۡأٓخِرَةِ هُمۡ كَٰفِرُونَ
7. Kuwa aan (ka daahirin naftooda shirkiga, salaad tukan oo aan) bixin Zakada, ahna kuwo aan Aakhiro rumeysnayn (iyo Janno iyo Naar).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُمۡ أَجۡرٌ غَيۡرُ مَمۡنُونٖ
8. Hubaal, kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala. Waxay leeyihiin abaal gud aan go’eynin (Janno).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ قُلۡ أَئِنَّكُمۡ لَتَكۡفُرُونَ بِٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡأَرۡضَ فِي يَوۡمَيۡنِ وَتَجۡعَلُونَ لَهُۥٓ أَندَادٗاۚ ذَٰلِكَ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
9. Dheh: Ma waxaad ku gaaloobeysaan Kan (Allaah ee) ku abuuray arlada labo maalmood oo u yeeleysaan shariigyo (xagga cibaadada)? Kaasi waa Rabbiga uumanka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَجَعَلَ فِيهَا رَوَٰسِيَ مِن فَوۡقِهَا وَبَٰرَكَ فِيهَا وَقَدَّرَ فِيهَآ أَقۡوَٰتَهَا فِيٓ أَرۡبَعَةِ أَيَّامٖ سَوَآءٗ لِّلسَّآئِلِينَ
10. Wuxuu yeelay dhulka dhexdiisa buuro ka kor ah oo sugan, wuuna barakeeyey oo u qaddaray cuntooyinkeeda afar maalmood gudahood siman ciddii ku weydiisa 'uunka'.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ثُمَّ ٱسۡتَوَىٰٓ إِلَى ٱلسَّمَآءِ وَهِيَ دُخَانٞ فَقَالَ لَهَا وَلِلۡأَرۡضِ ٱئۡتِيَا طَوۡعًا أَوۡ كَرۡهٗا قَالَتَآ أَتَيۡنَا طَآئِعِينَ
11. Kaddib Wuxuu u qasday xagga samada oo qiiq ah, markaasuu wuxuu ku yidhi iyada iyo arlada: "Ku ahaada samo iyo arlo Amarkayga) oggolaan ama khasab; waxay yidhaahdeen: Waxaanu nimid innagoo ku adeecsan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ፉሲለት
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት