Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ፉሲለት   አንቀፅ:
وَقَالُواْ لِجُلُودِهِمۡ لِمَ شَهِدتُّمۡ عَلَيۡنَاۖ قَالُوٓاْ أَنطَقَنَا ٱللَّهُ ٱلَّذِيٓ أَنطَقَ كُلَّ شَيۡءٖۚ وَهُوَ خَلَقَكُمۡ أَوَّلَ مَرَّةٖ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
21. Waxay ku odhan haraggooda: Maxaad noogu marag furteen? Waxay odhan: Alle baa naga hadliyey ee ka hadliya wax walba, Isagaana idin abuuray kal horeba, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَمَا كُنتُمۡ تَسۡتَتِرُونَ أَن يَشۡهَدَ عَلَيۡكُمۡ سَمۡعُكُمۡ وَلَآ أَبۡصَٰرُكُمۡ وَلَا جُلُودُكُمۡ وَلَٰكِن ظَنَنتُمۡ أَنَّ ٱللَّهَ لَا يَعۡلَمُ كَثِيرٗا مِّمَّا تَعۡمَلُونَ
22. Ma aydaan ahayn kuwo isku astura (ka cabsashada Alle oo dhowrsada) si aysan maqalkiinnu iyo araggiinnu iyo haragiinnu idiinku markhaati furin [6], waxaadse mooddeen inaanu Alle ogeyn in badan oo waxaad fashaan ah.
[6]. Ma dareensanayn in maqalkooda iyo araggooda iyo oogadooda ku marag furi doonaan waxay faleen oo dhan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَذَٰلِكُمۡ ظَنُّكُمُ ٱلَّذِي ظَنَنتُم بِرَبِّكُمۡ أَرۡدَىٰكُمۡ فَأَصۡبَحۡتُم مِّنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ
23. Kaasi Malihiinna (xun) aad ku maleyseen Rabbigiin, waa waxa idin halligay, marka waad khasaarteen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَإِن يَصۡبِرُواْ فَٱلنَّارُ مَثۡوٗى لَّهُمۡۖ وَإِن يَسۡتَعۡتِبُواْ فَمَا هُم مِّنَ ٱلۡمُعۡتَبِينَ
24. Marka hadday samri oo adkaysan (iyo haddii kaleba) waa Naarta hoygooda, haddayna dalbaan in loo cudur daaro, lagama aqbalo cudur daarasho.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ وَقَيَّضۡنَا لَهُمۡ قُرَنَآءَ فَزَيَّنُواْ لَهُم مَّا بَيۡنَ أَيۡدِيهِمۡ وَمَا خَلۡفَهُمۡ وَحَقَّ عَلَيۡهِمُ ٱلۡقَوۡلُ فِيٓ أُمَمٖ قَدۡ خَلَتۡ مِن قَبۡلِهِم مِّنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِۖ إِنَّهُمۡ كَانُواْ خَٰسِرِينَ
25. Waxaana u yeellay (gaalada) saaxiibbo ku xidhiidha [7], markaasay u qurxiyeen waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda (oo denbiyo) ah [8], waxaana ku dhaboobay Qawlka (cadaabka) siduu ugu (dhaboobayba) kuwo ka mid ahaa ummadahii hortood tegay oo jin iyo insiba leh – inay iyagu yihiin kuwo khasaaraya.
[7]. Adduunkan gudahi ee ka mid ah jinka iyo dadka.
[8]. Waxa hortood ah ee leh macmacaanno, barwaaqooyin, waxaana loola jeedaa waxa gadaashood ah hididdiilooyin been ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَا تَسۡمَعُواْ لِهَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ وَٱلۡغَوۡاْ فِيهِ لَعَلَّكُمۡ تَغۡلِبُونَ
26. Kuwa gaaloobay waxay yidhaahdeen: Ha dhegaysannina Qur’aankan oo ku fura buuq waa intaasoo aad adkaataane [9].
[9]. Waxay arrintan uga dan lahaayeen inay dadka ka celiyaan dhageysiga ama fahmidda Qur’aanka
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَلَنُذِيقَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ عَذَابٗا شَدِيدٗا وَلَنَجۡزِيَنَّهُمۡ أَسۡوَأَ ٱلَّذِي كَانُواْ يَعۡمَلُونَ
27. Waxaanu xaqiiq dhadhansiin kuwa gaalooba cadaab daran, waxaana xaqiiq u abaal marin si waafaqsan wixii u xumaa ay fali jireen.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ذَٰلِكَ جَزَآءُ أَعۡدَآءِ ٱللَّهِ ٱلنَّارُۖ لَهُمۡ فِيهَا دَارُ ٱلۡخُلۡدِ جَزَآءَۢ بِمَا كَانُواْ بِـَٔايَٰتِنَا يَجۡحَدُونَ
28. Kaasu waa abaalka cadawyada Alle (gaalada): Naar, ay ku leeyihiin daar lagu waaro, waa jazaha waxay Aayadahayaga beenin jireen darteed.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ رَبَّنَآ أَرِنَا ٱلَّذَيۡنِ أَضَلَّانَا مِنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ نَجۡعَلۡهُمَا تَحۡتَ أَقۡدَامِنَا لِيَكُونَا مِنَ ٱلۡأَسۡفَلِينَ
29. Kuwa gaalooba waxay odhan: Rabbigayow! Na tus kuwii na lumiyey oo jin iyo insiba lahaa si aanu u marinno cagahayaga hoosteeda, oo ay u noqdaan halka ugu hooseeysa 'Naarta' [10].
[10]. Halka u hooseysa dabaqyada Naarta. Ama macnaha waa si aan cagta u marinno oo ugu dul soconno aar goosi ahaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ፉሲለት
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት