Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ጋፊር   አንቀፅ:
إِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَأٓتِيَةٞ لَّا رَيۡبَ فِيهَا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤۡمِنُونَ
59. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa, shaki kuma jiro, dadka badankiisuse ma ay rumaysna.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَقَالَ رَبُّكُمُ ٱدۡعُونِيٓ أَسۡتَجِبۡ لَكُمۡۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَسۡتَكۡبِرُونَ عَنۡ عِبَادَتِي سَيَدۡخُلُونَ جَهَنَّمَ دَاخِرِينَ
60. (Allaah) Rabbigiin wuxuu yidhi: I barya [11] waan idinka aqbaliye (baryada); hubaal kuwa iska weyneeya baryadeyda [12], waxay geli Naar iyagoo dullaysan.
[11]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Barya Alle idinkoo yaqiinsan in la idinka aqbalayo baryada, oo ogaada inuusan Alle aqbalin baryada qof maahsan".
[12]. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Baryadu waa cibaado”.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِتَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَشۡكُرُونَ
61. Alle waa Kan idiin yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana idiinka yeelay iftiin si aad wax u aragtaan. Alle waa u Roon yahay dadka, dadku badankooduse kuma mahdiyaan.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖ لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ
62. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Abuuraha wax walba, Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. ee xaggee baa la idiinka iilay?
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
كَذَٰلِكَ يُؤۡفَكُ ٱلَّذِينَ كَانُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ يَجۡحَدُونَ
63. Sidaas oo kale baa loo iilay kuwii Aayadaha Alle diiday.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ قَرَارٗا وَٱلسَّمَآءَ بِنَآءٗ وَصَوَّرَكُمۡ فَأَحۡسَنَ صُوَرَكُمۡ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡۖ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
64. Alle waa kan idiinka dhigay dhulka meel aad degtaan, cirkana saqaf, oo idin suureeyey wanaajiyeyna suuradahiinna, oo idinku arsaaqay waxyaalo wanaagsan. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, waxaa khayr iyo barako badnaaday Allaah Rabbiga uumanka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
هُوَ ٱلۡحَيُّ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱدۡعُوهُ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَۗ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
65. Waa Noolaha Daa'inka ah. Ma jiro ilaah (Xaq) ah aan Isaga aheyn, ee barya idinkoo u Keli yeelaya cibaadada. Ammaan idilkeed waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ قُلۡ إِنِّي نُهِيتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَمَّا جَآءَنِيَ ٱلۡبَيِّنَٰتُ مِن رَّبِّي وَأُمِرۡتُ أَنۡ أُسۡلِمَ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
66. Dheh: Aniga waa la iga reebay inaan caabudo kuwaad u yeedhataan (baridaan) Alle sokadi, markay xujooyin cad iiga yimaadeen xagga Rabbigay, waxaana la i amray inaan isu dhiibo Rabbiga uumanka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ጋፊር
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት