Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ጋፊር   አንቀፅ:
ٱلۡيَوۡمَ تُجۡزَىٰ كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا كَسَبَتۡۚ لَا ظُلۡمَ ٱلۡيَوۡمَۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَرِيعُ ٱلۡحِسَابِ
17. Maalinta (Qiyaamaha) naf walba waxaa lagu abaal marin waxay kasbatay (khayr ama shar), dulmi ma jiro Maalintaa [3]. Hubaal, Alle wuu ku Dhaqso badan yahay xisaabinta.
[3]. Xadiis qudsi ah: Alle wuxuu yidhi: “Addoomaheygow aniga waan iska xaaraanshay dulmiga, waxaana ka yeelay xaaraan dhexdiinna ee ha is dulmina".
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَأَنذِرۡهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡأٓزِفَةِ إِذِ ٱلۡقُلُوبُ لَدَى ٱلۡحَنَاجِرِ كَٰظِمِينَۚ مَا لِلظَّٰلِمِينَ مِنۡ حَمِيمٖ وَلَا شَفِيعٖ يُطَاعُ
18. Uga dig Maalinta dhow, markay quluubtu iman dhuumaha (cabsi darteed) iyagoo walbahaarsan. Ma leh daalimiinta saaxiib iyo shafeece midna la maqlayo.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
يَعۡلَمُ خَآئِنَةَ ٱلۡأَعۡيُنِ وَمَا تُخۡفِي ٱلصُّدُورُ
19. (Alle) Wuu Og yahay khiyaanada isha loo dabo iyo waxay laabuhu qarsadaanba.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَٱللَّهُ يَقۡضِي بِٱلۡحَقِّۖ وَٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ لَا يَقۡضُونَ بِشَيۡءٍۗ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ
20. Alle wuxuu wax ku xukumaa Xaq, kuwase ay u yeedhaan Isaga sokadi, ma xukumi karaan waxba. Hubaal, Alle, waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
۞ أَوَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ كَانُواْ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَانُواْ هُمۡ أَشَدَّ مِنۡهُمۡ قُوَّةٗ وَءَاثَارٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُ بِذُنُوبِهِمۡ وَمَا كَانَ لَهُم مِّنَ ٱللَّهِ مِن وَاقٖ
21. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog badan oo ka camiraad badan arlada, wuxuuse Alle u qabtay denbiyaday faleen. Umana sugnaan iyaga wax Alle ka difaaca.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ كَانَت تَّأۡتِيهِمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَكَفَرُواْ فَأَخَذَهُمُ ٱللَّهُۚ إِنَّهُۥ قَوِيّٞ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
22. (Cadaab)kaasi waxaa ugu wacan waxay ula yimaadeen Rusushoodii xujooyin cad, wayse gaaloobeen. Markaa Alle baa qabtay. Hubaal waa Xoog Badane, Ciqaabkiisu daran yahay.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ
23. Waxaanu dhab ahaan la dirnay Muuse Aayadahayaga iyo awood cad.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَهَٰمَٰنَ وَقَٰرُونَ فَقَالُواْ سَٰحِرٞ كَذَّابٞ
24. Xagga Fircoon iyo Haamaan iyo Qaaruun, waxayse yidhaahdeen: (waa) Saaxir, beenaale ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
فَلَمَّا جَآءَهُم بِٱلۡحَقِّ مِنۡ عِندِنَا قَالُواْ ٱقۡتُلُوٓاْ أَبۡنَآءَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ وَٱسۡتَحۡيُواْ نِسَآءَهُمۡۚ وَمَا كَيۡدُ ٱلۡكَٰفِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ
25. Markuu u keenay Xaqa ka yimid Xaggayaga waxay yidhaahdeen: Dila wiilasha kuwa (xaqa) rumeeyey la jirki una daaya haweenkooda nolol (si aad ugu adeegataan oo u addoonsataan). Dhagarta gaaladu ma aha waxaan ahayn (wax ku dhammaada) khasaaro iyo fashil.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ጋፊር
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት