Check out the new design

የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማውጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ጋፊር   አንቀፅ:

Qaafir

حمٓ
1. Xaa Miim [1].
[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ
2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa Xagga Alle, Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
غَافِرِ ٱلذَّنۢبِ وَقَابِلِ ٱلتَّوۡبِ شَدِيدِ ٱلۡعِقَابِ ذِي ٱلطَّوۡلِۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ إِلَيۡهِ ٱلۡمَصِيرُ
3. Denbi dhaafaha, Tawbad aqbalaha, Daran yahay Ciqaabkiisu, Rabbiga Nicmadda Badan. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn. Waa Xaggiisa meel Noqodka Dambe.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
مَا يُجَٰدِلُ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَلَا يَغۡرُرۡكَ تَقَلُّبُهُمۡ فِي ٱلۡبِلَٰدِ
4. Cidina kama dooddo Aayadaha Alle aan ahayn kuwa gaalooba. Ee yeysan ku hodin gadgaddoonkooda iyo galoobaxooda magaalooyinka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ وَٱلۡأَحۡزَابُ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۖ وَهَمَّتۡ كُلُّ أُمَّةِۭ بِرَسُولِهِمۡ لِيَأۡخُذُوهُۖ وَجَٰدَلُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ لِيُدۡحِضُواْ بِهِ ٱلۡحَقَّ فَأَخَذۡتُهُمۡۖ فَكَيۡفَ كَانَ عِقَابِ
5. Qoladii Nuux iyo xizbiyadii ka dambeeyay (sida Caad, Thamuud, iwm) baa beeniyey (anbiyadii Alle) iyaga hortood, ummad walbana waxay doontay Rasuulkoodii inay qabato (oo ay dilaan), waxayna ku doodeen baadil si ay ugu tirtiraan Xaqa, markaasaan qabtay, ee siduu mid daran u ahaa Ciqaabkaygii (aan ku ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
وَكَذَٰلِكَ حَقَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ عَلَى ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّهُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِ
6. Sidaasay Kelmedda Rabbigaa (Ciqaabtiisu) ugu waajibtay kuwa gaalooba inay yihiin ehlu-Naarka.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
ٱلَّذِينَ يَحۡمِلُونَ ٱلۡعَرۡشَ وَمَنۡ حَوۡلَهُۥ يُسَبِّحُونَ بِحَمۡدِ رَبِّهِمۡ وَيُؤۡمِنُونَ بِهِۦ وَيَسۡتَغۡفِرُونَ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْۖ رَبَّنَا وَسِعۡتَ كُلَّ شَيۡءٖ رَّحۡمَةٗ وَعِلۡمٗا فَٱغۡفِرۡ لِلَّذِينَ تَابُواْ وَٱتَّبَعُواْ سَبِيلَكَ وَقِهِمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ
7. Kuwa sida Carshiga iyo kuwa hareera jooga (ee Malaai'gta ah) waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood oo ay rumaysan yihiin, waxayna u denbi dhaaf dalbaan mu'miniinta (iyagoo leh): Rabbigayow! Waxaad ku koobtaa wax walba Naxariis iyo cilmi ee u denbi dhaaf kuwa tawbad keena oo raaca Jidkaaga, kana dhowr Cadaabta Naarta ololeysa.
ዓረብኛ ተፍሲሮች:
 
የመልዕክት ትርጉም ሱራ (ምዕራፍ): ጋፊር
የሱራዎች ማውጫ ገፅ ቁጥር
 
የተከበረው ቁርአን መልዕክተ ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማውጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

ለመዝጋት