Check out the new design

Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub * - Mục lục các bản dịch

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Ma-idah   Câu:
مِنۡ أَجۡلِ ذَٰلِكَ كَتَبۡنَا عَلَىٰ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ أَنَّهُۥ مَن قَتَلَ نَفۡسَۢا بِغَيۡرِ نَفۡسٍ أَوۡ فَسَادٖ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ ٱلنَّاسَ جَمِيعٗا وَمَنۡ أَحۡيَاهَا فَكَأَنَّمَآ أَحۡيَا ٱلنَّاسَ جَمِيعٗاۚ وَلَقَدۡ جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُنَا بِٱلۡبَيِّنَٰتِ ثُمَّ إِنَّ كَثِيرٗا مِّنۡهُم بَعۡدَ ذَٰلِكَ فِي ٱلۡأَرۡضِ لَمُسۡرِفُونَ
32. Sidaas darteed baan ugu qornay Ilmahii Israa’iil (iyo dadkoo dhammi) in qofkii dila naf aan ( loo dileyn) naf (ay disahay) ama fasaadin arlada darteed - waa sida isagoo dilay dadka oo dhan. Qofkii nooleeyana naf waa sida qof nooleeyey dadka oo dhan [8]. Waxay Rusushayadii ula yimaadeen xujooyin cad, haddana iyadoo taasi jirto bay intaas ka dambow in badan oo iyaga ka mid ah ku falaan xadgudub arlada.
[8]. Xukunkan ma khuseeyo Ilmihii Israaill oo keliya, ee waxaa soo galaya dadka oo dhan, wuxuu Alle guddoonshay in qofkii dila nafsad waa sida inuu dilay dadka oo dhammi, qofkiina nooleeya nafsad waa sida inuu nooleeyey dadka oo dhan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّمَا جَزَٰٓؤُاْ ٱلَّذِينَ يُحَارِبُونَ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَيَسۡعَوۡنَ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُوٓاْ أَوۡ يُصَلَّبُوٓاْ أَوۡ تُقَطَّعَ أَيۡدِيهِمۡ وَأَرۡجُلُهُم مِّنۡ خِلَٰفٍ أَوۡ يُنفَوۡاْ مِنَ ٱلۡأَرۡضِۚ ذَٰلِكَ لَهُمۡ خِزۡيٞ فِي ٱلدُّنۡيَاۖ وَلَهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ
33. Jazaha kuwa la dagaallama Alle iyo Rasuulkiisa [9] ee ku dadaala inay ku falaan fasahaad arlada wax kale maahee waa uun in la dilo ama la daldalo ama loo gooyo gacmahooda iyo addimahooda is dhaaf [10], ama laga fogeeyo arlada. Arrinkani waa dulli ku raaca adduunkan, Aakhirana waxay leeyihiin Cadaab daran.
[9]. Ku qaada dagaal Alle iyo Rasuulkiisa waxaa loola jeedaa kuwa sameeya oo la yimaada fadqallo, fowda, fasahaad iyo argagixin dadka ama khiyaano qaran ama jid gooyo, ama ku soo qaada weerar dawladda islaamka.
[10]. Goynta gacanta midigta iyo lugta bidix, oo hadduu mar kale fasahaadkaa oo kale falo waxaa laga goyn gacanta bidix iyo lugta midig.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِلَّا ٱلَّذِينَ تَابُواْ مِن قَبۡلِ أَن تَقۡدِرُواْ عَلَيۡهِمۡۖ فَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
34. Kuwa tawbad keena maahee inta aydaan qaban ka hor, marka ogaada inuu Alle yahay Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱبۡتَغُوٓاْ إِلَيۡهِ ٱلۡوَسِيلَةَ وَجَٰهِدُواْ فِي سَبِيلِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ
35. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Alle ka cabsada, oo u doonta xaggiisa dhowaansho, una jihaada Jidkiisa Aad liibaantaane.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَوۡ أَنَّ لَهُم مَّا فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا وَمِثۡلَهُۥ مَعَهُۥ لِيَفۡتَدُواْ بِهِۦ مِنۡ عَذَابِ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ مَا تُقُبِّلَ مِنۡهُمۡۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ
36. Hubaal, kuwa gaalooba hadday lahaan lahaayeen waxa jira arlada oo dhan iyo wax sidaa oo kale u badan oo wehliya si ay isaga furtaan cadaabka Maalinta Qiyaamaha lagama aqbalayo, waxayna leeyihiin Cadaab xanuun Badan.
Các Tafsir tiếng Ả-rập:
 
Ý nghĩa nội dung Chương: Al-Ma-idah
Mục lục các chương Kinh Số trang
 
Bản dịch ý nghĩa nội dung Qur'an - Bản dịch tiếng Somali - 'Abdullah Hassan Ya'qub - Mục lục các bản dịch

Người dịch 'Abdullah Hassan Ya'qub.

Đóng lại